
Ugu horayn sanad wanaagsan dhammaan asxaabta, ehelka iyo ummada Soomaaliyeed. Illaahay waxaan inooga baryayaa inuu sanadkani noqdo mid nabadeed, barwaaq, dalkeenana ka dhiga dal ay dowladdu ku wada fiday.
Xog Sugan Iyo Dhexdhexaadnimo
Diyaarad khaasa oo siday saraakiil itoobiyaana ayaa shalay gaaray Kismaayo Ayagoo Lakulmay Xubno Katirsan Maamulka Jubaland oo Laga magacaabay Wasiir Janan Wasiir darwiish Taliye Khaalid iyo Madaxwaynaha Xilku kadhamaaday Axmed Madoobe Waxayna Hordhigeen 5 qodob:
Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya oo warysi siinayay TRT ayaa yiri” Emaratka wax walba way isku dayayaan oo hagardaamo ku ah dowlada Soomaaliya ee hada jirta!
Waa talaabo muhiim ah, oo dhinaca wanaagsan loo qaaday sidii loo xoojin lahaa danaha Ruushka iyo Soomaaliya ka dhaxeeya, waana xidhiidh in badan la hagraday sidii loo xoojin lahaa. Soomaaliya dhinacyo badan ayey uga faa’iideysan kartaa xidhiidhka labada dal.1. Sidii loo qalabayn lahaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.2.Sidii Cuna qaybtaynta hubka ee Soomaaliya saaran looga […]
Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen. Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay […]
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Woodrow Wilson ayaa kolkii uu rabay in dib loo doorto sannadkii 1916-kii waxa uu olole ka dhigtay “” Dagaal ayaan idinka ilaalin doonaa in aad gashaan”. Dadwaynaha Maraykan oo u riyaaqsanaa in colaad la iska mooso ayaa u codeeyey, waana uu guulaystay. Muddo kooban kaddib oo ku beegan 1917-kii, wasaaraddii arrimaha […]
Ugu horayn sanad wanaagsan dhammaan asxaabta, ehelka iyo ummada Soomaaliyeed. Illaahay waxaan inooga baryayaa inuu sanadkani noqdo mid nabadeed, barwaaq, dalkeenana ka dhiga dal ay dowladdu ku wada fiday.
1- Inaad dhanka wanaagsan wax ka eegtaa macnaheedu maaha oo keliya inaad mar walba faraxsanaato sidoo kale waa inaad garato wakhtiyada adag in ay weli jiraan maalmo wacan oo ka dambeeya.
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, “wadaantii isha ka qaloocata faylka ayaa ay la tagtaa”. Waxa ka le oo ay ku maahmaahaan, ” laba is haysta haddii aad aragto heshiiskoodii hore ayaa xumaa”. Maamulka Puntland waxa wada dhistay tol wada dega oo ka la dega deegaanno lix gobol oo 18-kii gobol ee Soomaaliya ka la hoos taga. Sool, Sanaag, Togdheer, Bari, Nugaal iyo Mudug.
Halkudhig baa ahaa Rag is galay kala gallad La’, madaxweynihii horey u soo maray Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan aqal ka sare ee dawlada federaalka soomaaliya, alla muxuu toosh weyn ku ifiyey Cabdiweli Gaas Oo uu haatan waagu ku beryey.
Heer #Caalam iyo heer #Qaran ba hadduu ku guulaystay, inuu #Hoygiisa ku soo laabto waa himilo cusub.Dr. Cali Ciise Cabdi waa haldoor caalami ah oo dunida wax badan u soo qabtay. Waddamo waawayn oo African iyo Carab ba leh buu abaal u galay oo dhisitaanka dhaqaalohooda iyo fadhiisinta miisaaniyadooda gacan ka gaystay.
Waxa la yidhi Nin Boqor ah oo xukumi jiray mid ka mid ah Boqortooyooyinkii Qadiimiga ahaa ee dunida soo maray , ayaa Maalin maalmaha ka mid ah Casuumay laba Nin oo ka mid ahaa dadkii degenaa Magaalada xarunta u ah maamulkiisa.
Labadaas nin ee uu Boqorku casuumay waxay kala ahaayeen Ninkii Magaalada ugu Bakhayl sanaa iyo Ninkii ugu Xaasasid sanaa.
Wararka aanu helaynaa waxay sheegayaan Dr Cali Ciise Cabdi iyo wafuud uu hogaaminayaa waxay ku soo fool leeyihiin magaalada Garoowe, inkastoo ay shalay baaqdeen.
Digirtu waxaa ka buuxa faaiiddooyin badan oo ay ka mid yihin
1-protein ,proteinka laga helo digirta waxaa ku yar baruurta.
2-digirta waxay qani ku tahay oo ka buuxa maadada irone ka oo ah maado ka hortagto dhiig yarida.
3-digirta waxay kor u qadaa xasuusta iyo garaadka sababtoo ah waxaa ka buuxa vitaminka B1 oo ah vitamin la shaqeya unigyada maskaxada.
4-digirtu waa badar u fiican caloosha iyo socdsiinta caloosha.
5-digirtu waxay yareysaa cayilka iyo jirka in uu yeesho baruuur saaid ah.
6-digirta waxay dhistaa lafaha iyo murqaha.
Waxaa ka soo wareegtey sadex sano, markii si qassab ah la iiga soo saarey Dalkii aan deganaa, waxaa maskaxdayda ka guuxaysey hadal nin maalin igu yidhi oo ahaa “Waxaan kugu Celin doonnaa Dalkii Gaajada”.
Markaad fiirisid baraha bulshaweynta soomaaliyeed ay wararka ku kala qaataan waxaa buux dhaafiyey hadal haynta Dr Cali Ciise Cabdi oo ay leeyihiin wuxuu isu soo taagayaa doorashada madaxweynenimada Puntland ee sanadka 2019ka, warkaasi maxaa ka jira?
Dadka ku nool deegaannada ku dhaw meesha uu ku qarxay Filkaanaha Anak Karakatau ayaa looga digay iney xeebaha ka fogaadaan maadaamaa Folkaanahaasi ay ka dhalan karto dhulgariir horleh.
Maalinti Sabtida Dhugariir ku dhuftay jasiiradaha Sumatra iyo Java ee dalka Induniisiya waxa ku dhintay ugu yaraan 281 qof iyada oo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 1016 qof.
Qaraxa Folkaanaha jasiiradahaasi ka qarxay ayaa loo sababeeyey dhul go’ badda hoosteeda ka dhacay taasina ay keentay iney mowjado waaweyn badda ka soo kacaan.
Markale ayuu Folkaana Karartau ka qarxay halkaasi iyada oo la arkayo qaac iyo dambaska Foolkaanaha oo cirka isku shareeray.
Muuqaal diyaarad looga soo duubay qaraxa Folkaanaha ayaa muujinaya inuu Folkaanaha dambe uu ka qarxay Sunda Strait oo u dhaxeysa jasiiradaha Sumatra iyo Java.
Dadaal xooggan oo gurmadka degdegga ah ayaa ka socda jasiiradaha ay masiibadu ku habsatay iyada oo waddooyinka go’ay furitaankooda laga shaqeynayo.
Madaxa Wakaaladda Maareynta Masiibooyinka ee Induniisiya, Sutopo Purwo Nugroho oo shir jaraaid qabtay aya wuxuu sheegay iney duufan iyo dhul gariir kalaba dhici karto maadaamaa qaraxa Folkaanaha uu sii xoogeystay.
Wakaaladda saadaasha hawadana waxay ka digeysaa iney shacabku yareyaan dhaqdhaqyada ay ka sameeynayaan dhul xeebeedka ayna ka fogaadaan maadaamaa ay inta badan duufaanta saameysa dhul xeebeedka ay dadku u tamashala tagaan.
Folkaanaha dunida ka qarxo 13% ayaa la sheegaa inuu ka qarxo dalka Induniisya oo keli ah taasoo dhibaata weyn ku haysa dalkaasi.
Duufaanta ku dhufatay jasiiradaha Sumatra iyo Java maalinti Sabtida waxaa ku burburay dhismayaal aad u badan waxaana intooda badan go’ay ama ay biyuhu qarqiyeen waddooyinka jasiiradahaasi ku yaallay.
Cidwalba oo ku nool deegaannada inta badan ay duufaanta ku dhufato wey ogyihin inuu marwalba deegaannadaasi Folkaana ka qarxi karo maadaamaa dhul xeebeedka uu duufaanta u nugul yahay.
Inta badanna waxay duufaanta ka soo kacdaa dhinaca badda Indiya.
Khubarada ku xeel dheer arrimahan ayaa waxay sheegayaan Induniisiya iney marar badan duufaan iyo dhul gariir ku dhufato ay uga wacan tahaay dhulka uu dalku ku fadhiyo oo ah dhul u nugul qaraxa Folkaanaha.
Waxayna Khubarada sheegayaan khadka dhulka u nugul qaraxa Folkaanaha ee uu ku yaallo dalka Induniisiya in loo yaqaanno Pacific rim.
Bishii September Dhulgariri iyo foolkaana hal mar ku wada dhufatay magaala xeebeedka Palu oo ku taallo badda India waxaa ku dhimatay 2,000 oo qof.
Bisha December 2004-tii duufaanti Suunaami ee ka dhalatay dhulgariir waxaa ku dhimatay 228,000 oo qof oo 14 dal kala duwan u dhalatay balse intooda badan ay u dhasheen dalka Induniisiya..
Bisha August 1883, Folkaanaha Krakatoa oo ka qarxay dalka Induniisya ayaa ahaa kii ugu xumaa oo taariikhda dalkaasi soo mara:
BBCsomali
www.ruugcadaa.com
Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka u dhaxeeya maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Golaha Baarlamaanka maamulka Jubaland, iyadoo arrimaha ugu waaweyn ee la isku heysto ay ka mid yihiin meel marinta sharciyo uu maamulku doonayo inuu marsiiyo Baarlamaanka.
Hoggaamiye mucaarad ku ahaa Colombia ayaa la helay isla markaana la dilay, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi. Walter Arízala, oo caan ku ah magaca Guacho, ayaa lagu raad joogay, isagoo loo haystay dilka weriyeyaal u dhashay dalka Ecuador iyo darawalkooda horraantii sanadkan.
Decembar 15, magaalada Addis Ababa dagaal ka bilowday oo diyaarado** bilaabeen inay magaaladii duqeeyaan. Waxaan kale oo maqalay in boqor Xayle Silaase ku soo laabtay dalka oo ku soo degay saldhiga ciidamada Maraykanku lahayeen Ethiopia oo la odhan jiray Kagnew oo ku yaalay Asmara.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa war saxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay in mooshinkii xil ka qaadista ee laga soo gudbiyey Madaxweynaha JFS Sagaalkii bishaan uu Jabay.
Wararka aanu ka helayno magaalada Jigjiga waxay sheegayaan berito waxaa Kulmaya Muuse Biixi iyo madaxweynaha Somali State Mudane Cagjar, goobta loo qoondeeyey kulankaasina waa degmada Wajaale oo hada qabanqaabadii ka Socoto.
Mareykanku wuxuu sheegayaa in howlihii banii’aadnimada uu ku dari-doono kaalmo kale oo dhanka waxbarashada, deyn cafinta, shaqo-abuurka iyo dowladda wanaagga ah!
Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay shaqada kaga joojisay hay’adda cilmi-baarista Sahan Research oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, xafiis-yana ku leh Muqdisho, Hargeysa iyo UK.
Xilli ay sare u sii kaceyso xiisaadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isbuucyadii la soo dhaafay ayuu qalalaasahan galay wajiyo cusub. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo khudbad dheer jeediyey mar uu la hadlayey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dooxa, ayaa u muuqday in uu ka hadlayay khilaafka taagan, wuxuuna sheegay in aanan marnaba lagu qasbi Karin wax aan sax ahayn.
Maamul goboleedka Puntland waxaa la filayaa 08/01/2019 in ay ka qabsoonto doorashadii madaxweynimada Puntland oo iyadu ah mid ka duwan doorashooyinkii horey u soo maray, musharaxiinta qaarkoodna waxayba u muuqdaan kuwo aflaam matalaya iyo kuwo ku hadaaqaya gobolka Sool baanu xoraynaynaa, balse aan ka run ahayn ee uu xaalkoodu yahay awrku kacsi iyo kursi ku raadsasho!!!……..
Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaya iney loollan adag galiyaan haweenka muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar.
Loosku waxa uu ka mid yahay qoys dhireedka loo yaqaan Fabaceae wuxuuna xiriir la leeyahay Digirta, Lentils iyo Soy wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa Latin America Waqooyiga galbeed ee dalka Argentina ama Koofurta Bari ee dalka Bolivia.
Khubarada cilmiga dhulka ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday qabri noociisa uu dhif iyo nadir yahay oo aan la taaban muddo 4,400 oo sano ah. Mostafa Waziri, oo ah xog hayaha golaha sare ee dhowrista taariikhda dadkii hore, ayaa helitaanka qabrigan ku qeexay “Mid ka mid ah kuwii ugu xiisaha badnaa ee la ogaaday tobannaankii sano ee la soo dhaafay”.
Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saartay shalay markii la xiray Muktaar roobow, waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.
Waxaa Fiidkii ka magaalda Muqdisho ka dhacay kulan ay soo abaabuleen Siyaasi Abdirahmaan Abdishakiir iyo Farah Shiekh Abdukadir oo ay la yeesheen hayada Culumada Soomaaliyeed.
Ugu horeyn Culumadii markay goobta timid kulankiina la furey ayaa waxaa Cimaamad lagu soo duubay bahal lacag ah oo ay ragani ku sheegeen ixtiraam iyo sooryo ay u qaybinayaan culimada balse culumadii ayaa gabi ahaan ba dib ugu celisay lacagtii iyagoo u sheegay inaaney qaadan Sooryada Siyaasiyiinta.
Sidaa la sheegay mukhtaar roobow iyo madaxweyne Farmaajo waxay isku ogaayeen Ayuu ka baxay mukhtaar roobow, wuxuuna ka beensheegay fikirkiisii xagjirnimada ahaa, maleeshiyaadna wuu sii diyaarsaday, maxaase ku dhacay?!!….
War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaarada Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in xariga Sheekh Mukhtaar Roobow ay ka dambeyso dowlada Federaalka.
Haweeney soomaali ah ayaa loo doortay golaha deegaanka ee South Portland City ee dalka Mareykanka. Deeqa Dhalac ayaa ka guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa deegaankaasi.
Intii u dhaxeysay 15- 18kii bishii November ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya safar qarsoodi ah ku tagay Jaziiradda Qubrus qeybta ay maamusho Turkey, balse shaaciyay in uu dalka Turkiga u tagayo arrimo qoys, laakiin waa meesha ay ka soo billaabatay fikradda mooshinka.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea ayaa saakay la filayaa in booqashadii ugu horreeysay iyaga oo wadajira ku yimaadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.