
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa lagu xiray degmada Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Wariye Coldoon ayaa lagu yaqaano nin si weyn uga hadlay dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ay kala kulmeen maamulkii Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar.