Baadhitaano Lagu Sameeyey Caanaha Geela, Oo Daawana U Noqday Cuduro Badan.

Khuburada caafimaadka ee dalka Maraykanka iyo Israail oo shantii sano ee la soo dhaafay baadhitaano ku sameeyey Caanaha Geela oo mucjiso ku noqday, waxaxanay ka diyaarsheen warbixin caafimaad oo aad u qoto dheer.

Shir degdeg ah Beesha Naalaye Axmed ee London-UK

Waxa dhamaan beeshan rag iyo dumar lala socodsiinayaa inuu jiro kulan muhiim ah laysugu iman doono 03 April 2015, Maalinta Jimcaha markay saacadu tahay 7:00pm (todonbada fiidnimo), shirkan oo ka dhici doona London Southall Station hoostiisa addresskuna waa :

Oday Sifir Oo Laga Caydhiyey Shaqadii Uu U Hayey Maamul Beeleedka SNM

Odayga lagu magacaabo Maxamuud Cabdillaahi Jaamac(Sifir) wuxuu waayadii hore aaminsanaa qadiyada Soomaaliweyn iyo in aan dalka laga goynin, muddo dheer ayaanu ku dagaalamayey arrintaasi, hase ahaatee mar kaliya ayuu salaankii qadiyada Soomaaliweyn ka dhacay, una diga rogtay halka uu ku bas beelay Inaadeerkiis Siilaanyo.

War Deg Deg ah: Dagaal ka socda Hagoogane

Warar hordhac ayaa sheegaya in beesha Bariga Burco ay weerar kusoo qaaday baliga Hagoogane. Wixii warar dheeraad ah kala soco ruugcadaa.com

Maamul Beeleedka Somaliland Oo Lagu Wargeliyey inay Kubiiraan DF Somaliya

Waxaa magaalada Hargeysa soo gaadhay wafti ballaadhan oo ka socday safiir ku xigeenka safaarada ingiriiska ee dalka Itoobiya iyo midowga yurub iyo weliba wafti isna ka socday kuwa deeqaha bixiya.

Waa Abwaan Axmed Yuusuf Aadan (Axmed Ganay) Iyo Gabay Uu Ka Tiriyey Waagii Dagaaladu Ka Dhaceen Kalshaale, Hagoogane Iyo Maygaagle Waana Gabay Murti Weyn Xambaarsan.

Waxaan idin soo baahinaynaa gabaygan oo uu tiriyey Abwaan Axmed Yuusuf Aadan (Axmed Ganey), xilligii ay socdeen dagaaladii Kalshaale Maygaagle Iyo Hagoogane, casharada lama ilaawaanka ah loogu dhigay maleeshiyadii Beesha Habarjeclo oo garabsanaysa maamul beeleedka SNM.  

Yaa Masuul ka ah Colaada kasoo cusboonaatay G.Cayn

Beesha Habarjeclo ayaa waxa ay iclaamisay colaad ku wajahan shacabka reer Khaatumo ee ku dhaqan deegaanka Buuhoodle. Maantana colaadii ay maqal iyo muuqaal ahaan ku soo gudbisay ayey ku galaafahay nolosha marxuun Cabdifatax oo ay dileen isaga oo xoolihiisa la jooga.  Hadaba akhristoow halkan waxaan idiinku soo uruurinayey muqaaladii ay labada dhinac saxaafada isku weydaarsanayeen, si aad u ogaato cida gardarada wada.

Warar dheeraad ah oo kasoo kordhay dilkii Balicadaad

Warar dheeraad ah oo ruugcadaa soo gaadhay ayaa sheegaya in Marxuunka ay maanta beesha Habarjeclo dishay la odhan jiray Cabdifataax Jagac Axmed Jibriil laguna dilay deegaanka Balicadaad oo u dhaxaysa Qudhac dhalaan iyo Hayayaal ee dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee itoobiya.

War deg deg: Habarjeclo oo nin Reer buuhoodle ahku dishay duleedka Bali cadaad Oo Hoos Yimaada Deegaanka Qudhac Dhallaan

Beesha Habarjeclo oo beryahan dambe ka hanjabaysey talafeeshinada soomaalida, waxay nin reer guuraaga ah ku dileen duleedka magaalada Buuhoodle, maamul beeleedka SNM ayaa beesha habar jeclo kula garab taagan gardaran iyo daandaansiga ay ka bilaabeen gobolka Cayn. 

Gabay: Habar Jeclooy Muuse Waakaa & abwaan Suusle

Habar Jeclooy Muuse waakaa … waxa uu abwaan Yuusuf Suusle uga jawaabay gacaygii Dhulgariir ee uu tiriyay abwaan hadraawi.

Musuqmaasuqa Wadanka Kenya Oo Dameero Guudkooda Lagu Xardhay

Waxaa gudaha magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya lagu soo daayey dameero iyo dameero farowyo, waxaana guudkooda lagu soo xardhay qoraal toos ugu socda madaxweynaha wadankaasi, waxaanay arrintani ugu tala galeen inay ku dareensiiyaan musuqmaasuqa ka jira Kenya.  

Dekada Magaalada Jabuuti Oo Ay Ku Soo Xidheen Maraakiib Badan Oo U Socotay Dhinaca Yemen

Sidaa aanu ku helayno wararku waxay tibaaxayaan dawlada Jabuuti waxaa ku soo baydhay maraakiib badan oo u socotay dhinaca wadanka Yemen oo ay ka qarxeen dagaalo sokeeye oo u dhexeeye Xuutiyiinta iyo dawlada Yemen, gabi ahaana maraakiibtii wadankaasi u socotay waxay haatan ku soo xidheen dekeda magaalada Jabuuti, qaarkoodna halkaasi ayeyba ku dejiyeen shixnadihii saarnaa.

Abwaan Jaamac Kediye Cilmi Iyo Gabay Uu Ugu Talagalay Shacabka Reer Khaatumo

Abwaanka Jaamac Kediye Cilmi waxaan gabaygan aan ka duubay sanadkii 23/06/2000 waxaanu gabaygani khuseeyaa amaba uu si gaar ahaaneed ula hadlayey shacabkan reer Khaatumo oo iyagu xilligaasi iskaga dhex walaaqmay siyaasadihii maamulada SSDF iyo SNM, waxaanad kaga bogan doontaa murti badan oo uu ku cabirayo sidaa uu ahaa xaalka reer Khaatumo, hadaba sidaasi iyo daawasho haboon

Magaalada Berbera Waxaa Soo Gaadhay Qoys Yemen Ka Soo Qaxay

Dagaalka ka qarxay wadanka Yemen wuxuu keenay inay dad badan yemeni ahi u soo qaxaan wadanka Soomaaliya, Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay Maanta oo Isniin ah in 32 Ruux oo Qaxooti Yemen ah tageen Waqooyiga Soomaaliya,kadib markii ay kasoo qaxeen Magaalada Ticis (Taiz), ee Koonfurta Yemen, halkaasi oo Doontii ay kasoo raaceen ay keentay Magaalada Berbera.

Baarlamaanka Jarmalka oo ansixiyay howlgalkooda milateri ee Soomaaliya

Baarlamaanka Jarmalka ayaa cod u qaaday ballaarinta howlgalka milateri ee dalkaas uu ka wado Soomaaliya, wuxuuna meel mariyay in la sii wado lana ballaariyo ku lug lahaanshiyaha howlgalkaas. Mudaneyaal ay tiradooda gaarayso 454 oo ka tirsan 578 xildhibaan oo uu ka kooban yahay Baarlamaanka dalkaas ayaa oggolaaday in howlgalka la sii wado, iyadoo 115 ka tirsan xubnahaas ay diideen codaynta, halka sagaal kalena ay ka amuuseen.

Gudoomiha Maamul Beeleedka Hargaysa ugu magacaaban Sool oo qirtay Khaatumo

Ninka ugu magacaaban gudoomiyaha gobolka Sool ee maamul beeleedka looga arimiyo magaalo madaxda labaad ee Soomaaliya waa Hargeysa ayaa mar uu khudbad jeedinayey afka ka xaday waxa uurkiisa ka guuxayey.  Nala daawada.

Cudurka Shakiga Badan Iyo Waswaaska (OCD, Tvångssyndrom)

Shakiga badan iyo waswaaska waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa “Obsessive Compulsive Disorder” tan oo lagu macneeyo Ciladda Qofka Maskaxda Uga Taagan Oo sidoo kale loo yaqaan: OCD
Ciladda qofka maskaxda uga taagan (OCD) waa nooc ka mid ah wallaaca.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirweynihii Jaamacadda Carabta Ee Lagu Qabtay Dalka Masar(Video)

Kulankaasi ay isugu yimaadeen urur weynaha Jaamacada Carabta Sharm El Sheikh ee wadanka Masar, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu madashaasi ka jeediyey khudbad ka hadlaysey dhinacyo badan sida dib u soo noolaynta nidaamkii federaaliga ah, soo celinta kaabayaashii nolosha, adkaynta amaanka iyo hiigsiga 2016ka.

Beesha Habarjeclo Oo Dagaal Ku Baaqday

Waxgaradka deegaanka Bariga Burco oo in dhawaydba caadaystay fadqalalo,colaado, dagaal iyo daandaansi ku wajahan deegaanada Hawdka ee dowlad goboleedka Khaatumo State of Somalia ayaa hadana ku baaqay dagaal ka dhan ah reer Khaatumo gaar ahaan aaga Buuhoodle.

Puntlaaneey: Anagu Idin Ma aanu Kashifine Camalkiina Idin Ka Kashifay!!!!

Run ahaantii waxaa ayaan daro weyn ah, wax laga yaqyaqsoodo ah, nin dhan oo hogaamiye ummadeed sheeganayaa haduu xaalkiisu noqdo beerka jecli xaydha jecli. Waxaan kaloo iyaduna ayaan daro noqonaysa ninkaasi hogaamiyaha sheeganaya hadii uusan arinka la kashifay jirin intuu wiilal yar yar warbaahinta u soo dirayo, maxaa isaga u diiday inuu badheedhihiisa cadaysto, hadii uu raalli gelin u diray iyo hadii aanu u dirinba.

Maansadii Aamina Mursal Ee Magaceeduna Ahaa Adduunyadan(video)

Waxaan si xidhiidhsan idinku soo gudbin doona maansooyin aad u dhaxal gal ah oo ay iska leedahay abwaanada Reer Khaatumo ee degan wadanka Ingiriiska, maansadan idinku soo maqana waxaa la yidhaahda Adduunyadan, waxaanay si gaar ahaaneed u khuseysaa shacabweynaha reer Khaatumo oo ay leedahay ka kaca fadhiga oo dhulkiina maqaan raadsada…

Siilaanyo Oo Akhriyey Khudbad Lagu Daalay Iyo Xildhibaano Ku Sheegoodii Oo Loo Diiday Inay Su’aalo Ku Boobaan(Video)

Madaxweynaha maamul beeleedka Somaliland wuxuu maanta labadiisa gole ku sheeg uu u akhriyey khudbad ay xildhibaanadiisu ay aad ugu daalleen, dhadhan badana ay xambaarsanayn balse ahayd mid nuxurkeedu ahaa dhagax dhig iyo safaro iska macno la’aan ah, hase ahaate uu isagu u arkayey inuu wax weyn u qabtay Ummadiisa oo uga fadhiday inuu u soo dhiciyo goosashadii madax martay.

War Murtiyeed kasaa baxay Safaarada Soomaaliya ee Geneva

War murtiyeed kasoo baxay ergayga joogtada ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobay ee Geneva waxay

Maamul Beeleedka Somaliland Wuxuu Marayaa Inuu Golayaal Deegaan Ictiraafka Raadsado

Sida aynu ka wada dheregsanahay dawlada federaalka soomaaliya waxay haysataa aqoonsiga caalamiga ah, hadaba suaasha isweydiinta mudani waxay tahay maamul beeleedka SNM muxuu ka raadinayaa golayaasha deegaanka ee wadanka ingiriiska? ma gole deegaan ayaa aqoonsi buuxa siin kara mise qaramada midoobay?

Xaflad Ballaadhan Oo Taageero Loogu Fidinayey Ururka Misbaax Oo Lagu Qabtay Degmada Widhwidh

Ururka haweenka ee Misbaax oo fadhigiisu yahay wadanka Maraykanka ayaa ka qayb qaatay ololaha dhinaca waxbarashada ee  degmada Widhwidh, waxaana xaflad ballaadhan loogu qabtay dugsiga sare ee widhwidh, ujeedada xafladaasina waxay ahayd inay u soo dadaalaan qurbajoogta u dhalatay deegaanka widhwidh sida ururka Haweenka ee Misbaax oo isagu dhinacyo badan wax ka qabtay.

Abwaan Hure Dabayl Iyo Gabaygii Dundumo Maydh (Video)

Halkan waxaan idinku soo baahinaynaa gabay la magac baxay Dundumo Maydh waxaana iska leh abwaan Hurre Dabayl, run ahaantiina markaad dhegaysatid ayaad fahmi doontaa nuxur ballaadhan ee uu xambaarsan yahay, Si uu kugu dhaadhaco laabtaada iyo dhegahaba ku du’,

Waraysi Ku Saabsan Waxyaabaha Ka Dhacaya Magaalada Cardiff Oo Ka Tirsan Wadanka Ingiriiska Oo Ay Haatan Joogaan Qaar Ka Tirsan Maamul Beeleedka Somaliland(video)

Waraysigan waxaan la yeeshay Mudane Maxamed Cismaan Xaaji Diiriye oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Khaatumo State Of Somalia, balse degan wadanka Ingiriiska iyo magaalo aan sidaasi uga fogayn magaalada Cardiff ee ay isku soo uruursadeen shacabweynaha ka soo jeeda maamul beeleedka SNM.

Ciidamada Xoraynta Gobolada Galbeedka Soomaaliya oo Weeraray jabhada SNM

Weerar qorshaysan ayey ciidamada xaq u dirirk Suldaan Wabar ee qoriga u qaatay xoraynta gobolada galbeedka Soomaliya ay ku qaadeen maleeshiyada kasoo jeeda maamul beeleedka SNM ee aaga Qulijoog.

Weerarkii Maanta Ka Dhacay Huteel Maka Almukarama Waxaa Ku Qudhbaxay Yuusuf Baribari

Weerarkii waxashnimada ahaa ee maanta lagu soo qaaday huteel Maka almukarama waxaa ku geeriyooday Yuusuf Maxamed Ismaaciil(baribari) oo ahaa safiirkii Geneva xarunta xaquuqda aadanaha ee qaramada midoobay.

Halkee Ayey Marayaan Arimihii Ka Dhacayey Golaha Deegaanka Ee Magaalada Cardiff

Sida aanu wararka sugan ku helayno waxaa la sheegayaa golaha deegaanka ee magaalada Cardiff oo iyagu doonaya inay helaan codadka doorashooyinka lagu wado inay wadanka Ingiriiska ka dhacaan bisha shanaad ee sanadkan 2015, waxay shacabka ka soo jeeda maamul beeleedka SNM ay ku qanciyeen in ay codadkooda siiyaan, iyaguna ay taageeri doonaan.

Powered by WordPress