Xaflad Ballaadhan Oo Loo Sameeyey Boqorka Siciid Harti Oo Laguna Qabtay Minnesote -USA

Xafladan oo si weyn loo soo agaasimay laguna boqray Boqorka Siciid Harti Boqor Xuseen Axmed Cali, waana kan barnaamijkii oo dhamaystiran, sidaasi iyo daawasho haboon.

Dawlada Kenya Oo Tidhi Sadex Bilood Waa Xerada Qaxootiga Soomaalida Lagu Xidhaa

Inkastoo warkan sheegaya inay dawlada Kenya u qabatay sadex bilood kaga baxaan xerada qaxootiga ee dhadhaab oo ay haatan ku nool yihiin dad kor u dhaafay 600.000, misana waxaa ku kelifay kooxaha Alshabaab oo ay yidhaahdeen way ku soo dhuuntaan.

Niman Shiinays Ah Oo Magaalada Hargeysa Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Ku Dhexmaray

Wararka aanu ka helayno magaalada Hargeysa ayaa sheegaya kooxo shiinays ah oo si tuugo ah uga shaqaysta gudaha maamul beeleedka SNM oo faashash isla dhacay ka dib markii ay laba saf u kala baxeen.

Waxaa La Ogaaday Toonto Inay Dawo U Tahay Cuduro Tira Badan

Sida lagu qoray wargayska ka faalooda arimaha caafimaadka ee lagu magacaabo ‘Livestrong.com’, khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in toonta ay daawo u tahay cuduro fara badan oo ay ka mid yihiin:

Alla Maxaa Been La Isu Sheegayaa, Bal Dhuuxa Hadalka Wiilka Reerka Hargeysa Ee Muusa Biixi

Run ahaantii waxaa ayaandaro ah, wax aanu caqligu aqbali karin ah, in Kooxdan yar ee ka timi dhinaca Maamul Beeleedka SNM, markii ay ka quusteen ka soo hadh galeen ictiraafkii madax maray, waxay si qayaxan u bilaabeen inay koox yar oo ay Gambadhe ugu tageen maaweeliyaan, kuyee idinka ayaa haya ictiraafkiii…

10 red flags over Dahabshiil

Does the international remittance company Dahabshiil finance terrorism? Are its anti-money laundering and counter-terror finance programs adequate? Here are 10 warning signs to keep in mind:

Maxaa Ku Kelifay Ina Faroole Inuu Qudha Ka Jaro Hooyadiis?

Waxaan halkan idiin ku soo gudbin doonaa sababaha keenay Dilkii arxandarada ahaa ee uu Ina Faroole ku khaarajiyey hooyadiis Aamina Abiib, horta waxaa sidiisaba aad u xumaa xidhiidhka qoyska reer Faroole iyo gacanku dhiigle Cumar Faroole waxaanu ahaa mid waqti aad u dheer soo jiitamayey.

Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Tababarsiin Doontaa Qaar Ka Mid Ah Askarta Madaxtooyada Soomaaliya

Safiirka dawlada imaaraadka carabta u fadhiya soomaaliya mudane Axmed Cismaan Alxumaadi wuxuu shaaca ka qaaday inay siin doonaan tababar la xidhiidha sugida amaanka madaxtooyada iyo wufuuda caalamiga ah.

Marwadii Madaxweynihii Hore Puntland Mr Faroole Oo Uu Dilay Wiil Ay Dhashay

Waxaa magaalada Garoowe laga soo sheegay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland Faroole inuu hooyadii rasaas qudha kaga jaray gudaha magaalada Garoowe, wiilka falkaasi foosha xun geysteyna waxa la dhaha Cumar cabdiraxmaan faroole.

Beesha Qorulugud Sidii Arxandarada Ahayd Ee Ay U Dileen Ninkii Xannuusanayey Ee U Dhashay Deegaanada Khaatumo State Of Somalia (DAAWO)

Beesha Qorulugud cadaawada ay u qabaan shacabweynaha reer Khaatumo waxaa cadaynaysa sidii arxan darada ahayd, ee ay u dileen ilaahay ha u naxariistee Cabdillahi Yuusuf Aw Cali oo aanu xiskiisu dhamayn. Arrintanina waxay noqotay mid tiiraanyo weyn ku abuurtay shacabka reer Khaatumo, hadaba nala daawada Weriye Ciro oo isagu warbixin ka soo diyaarshey.

Xabsiga Magaalada Burco Ayaa Laga Sii Daayey Nin Soomaaliyeed Oo Toban Sano Ku Xidhnaa(Daawo)

Waxaa maalintii shalayto ahayd xabsiga magaalada Burco laga sii daayey nin soomaaliyeed oo ay dhaheen gudaha magaalada Burco ayuu nin ku dilay, dabadeed markii xabsiga magaaladaasi uu ku soo qaatay in ka mid ah cimrigiisa ayey hada ka soo daayeen isagoo aan fayoobayn.

Dawlada Federaalka Soomaaliya Oo Isbahaysiga Sucuudiga U Ogolaatay Inay Isticmaalaan Garoomada Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka SNM Oo Meel Cidla Ah Ka Cabadaaya

Dhawaan ayey ahayd markii ay madaxda sare dawlada federaalka soomaaliya ay u ogoladeen isbahaysiga sucuudiga inay isticmaalaan garoomada Berbera iyo Hargeysa, hase ahaatee arrintani waxay u cuntami wayday maamul beeleedka SNM, oo mar hore la soo afjaray riyadoodii goosashada.

Gabadh Soomaaliyeed Oo U Jawaabaysa Beesha Reer Qorilugud(Dhegaysi Wacan).

Waxaa jirtey maalmo aan sidaasi u sii fogayn beesha Qorilugud iyagoo isku halaynaya maamul beeleedkooda SNM, waxay talafeeshinada soomaalida soo mariyeen hanjaabado iyo aflagaadooyin qaaqaawan oo ku wajahnaa shacabweynaha geesiyaasha ah reer Gobolka Cayn.

Gudoomiyihii Gobolka Mudug Oo Xilkiisa Ku Waayey Tegitaanka Buuhoodle

Ka dib markii ay magaalada Buuhoodle soo gaadheen Gudoomiyihii gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey oo uu weheliyo Cawaale qaad diid oo isagu u socday wacyi gelinta qaadka, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle ee caasimada gobolka Cayn, hase ahaatee arrintan oo dhibtay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland wuxuu amar ku siiyey wasiirkiisa arimaha gudaha in ninkaasi shaqada laga caydhiyo.

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Ayaa Shaaca Ka Qaaday Inay Xayiraad Ku Soo Rogeen Koontooyin Iyo Shirkado Xawaaladeed

Amar ka soo baxay dawlada Kenya ayaa sheegay inay xayiraad ku soo rogeen 86 qof oo soomaali ah iyo intooda badan shirkadaha xawaaladaha soomaaliya, waxaanay ku eedeeyeen inay lug ku leeyihiin taageerida iyo maalgelinta kooxaha argagaxisada ah ee gudaha Kenya ka fuliya hawlaha qaraxyada.

Nimankan Yidhi Waanu Isa Soo Dhiibney Si Taxadar Leh Haloo Soo Dhoweeyo.

Waxaynu jaamacad uga soo baxnay yacni waxaynu in badan u soo joognay in aynu deegaanadeena ku aragno  nin intuu siduu doono u dhaqmo, oo dadkiisa iyo ehelkiisa u dhibaateeyo, ka dibna dib ugu laabtaan maamulkii soo dirsaday, si ay markaasi uga helaan amaan iyo dalacaad, hase ahaatee waxaa dhacda markay kasoo dhamaystaan kuwii uu dabageliska u ahaa oo ay kala degaan rarka, dabadeedna waxay ku yidhaahdaan iska soco dantaan kaa lahayn waanu kaa gaadhnayey.

Xuutiyiinta iyo Cadan

In kasta oo labadii isbuuc ee ugu danbeeyay ay si isdaba joog ah ciidamada boqortooyada Sucuudigu ay weerar xaga cirka ku garaacayeen xoogaga Xuutiyiinta iyo kuwo taabacsan madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax si ay uga hortaaan inay la wareegaan gacan ku haynta dalka Yemen gaar ahaan xarunta kumeel gaadhka ah ee dowlada sharciga ah ee madaxeyne Hadi ee magaalada Cadan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul Goboleedka Khaatumo State Of Somalia Oo Si Rasmi Ah U Furay Kalfadhigii Labaad ee Shirweynaha

Kalfadhigii labaad ee golaha barlamaanka Khaatumo state of somalia ayaa si rasmi ah wuxuu uga furmay degmada Saaxdheer oo ka tirsan gobolka Sool, waxaana kalfadhigaasi furay madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Khaatumo state of somalia Mudane Cabdalle Maxamuud Cali Haybe (Cagalule), waxaanu ku booriyey in laga midha dhaliyo wixii ay shacabkeenu inoo doorteen…

Raggani Ma Kuwii Dilay Saado Cali Baa Mise Kuwii Dilay Laaluush Baa Xabsiga Lagaga Saaray?!!!! Daawo

Run ahaantii dilkii arxandarada ahaa ee loogu khaarajiyey ilaahay ha u naxariistee Saado Cali Warsame, waxaynu aad uga dheregsanahay sidii foosha xumaa ee uu dilkaasi u dhacay, hase ahaatee waxaa in badan la isweydiinayey yaa ka dambeeyey dilkaasi?halkee laga soo maleegay qorshaha dilkaasi?Ma dhaqaale ayaa lagu bixiyey dilka Saado Cali Warsame? yaase ku bixiyey dhaqaalahaasi?

Gabay: layidhaaho Maangad oo arimabadan tooshka ku ifinaya

Gabaygan waxaa la yidhaahda Maangad, waxaana inoo marinaya abwaan Hure Dabayl,waxaanu la hadlayaa si toos ah ugu la hadlaya beesha reer Khaatumo, waxaanu gabaygani ka mid yahay kuwo badan oo ugu tala galay baraarujinta iyo kicinta shacab weynaha reer Khaatumo si ay markaasi wax ula qaybsadaan qayrkood oo ay waayadii hore ka hadheen:

Maleeshiyaadkii Maamul Beeleedka SNM Oo Isku Dhacay, Xilli Ay Ku Sugnaayeen Meela Ka Mid Ah Gobolka Sool

Maleeshiyaadka maamul beeleedka SNM ee iyagu baqdinta ku joogaa meela ka mid ah deegaanka Gambadhe oo ka tirsan gobolka Sool, balse hayb ahaan ka soo jeeda Beesha Habarjeclo iyo Habar yoonis, qaar ka mid ah ayaa isku qabtay Siilaanyo xukunka wuu sii haynaa iyo ma sii haynayo.

Tahriibayaal Ku Wajahna Wadanka Talyaaniga Oo La Badbaadiyey

Afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay ciidamada talyaanigu waxay badbaadiyeen shan doonyood oo siday tahriibayaal gaadhaya ilaa kun iyo shan boqol oo naftooda ku soo biimeeyey sidii ay yurub u soo gaadhi lahaayeen, waxaanay shantan doonyood waxay ku safrayeen biyaha koonfureed ee Mediterranean.

Dablay Hubaysan Oo Xalay Dilal Ka Fulisey Magaalada Boosaaso

Kooxdan hubaysani waxay weerarku soo qaadeen bar kantarool iyo guriga uu ku leeyahay Maayarka degmada Carmo magaalada Boosaaso, waxaana halkaasi ku qudhbaxay laba ka mid ah ilaaladii difaacaysey maayarkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cali Shire, isaga laftiisana waxaa soo gaadhay dhaawac aad u culus.

Qasrigii Madaxtooyaddii Qadaafi Oo Isku Bedelay Goob Qashinka Lagu Qubo.

Waxay ahayd qalcad, qasri isaga oo kale uusan maankaaga sawiran karin, kaasi oo lahaa wax kasta oo qof uun uu maleyn karo , kuna riyoon karo, balse maanta waa meel qashin qub ah.Qasrigan oo loo yaqiiney Baabul Casiisiya, waxa darbiyadiisa ku xardhanaa midabka cagaarka ee uu Qadafi jeclaa, gudaha marka aad u gasho waxaa ahaa darjiinooyin qurux badan, keymo isaga iyo caruurtiisa ay u daawasho tagaan oo xayawaano kala duwan ku noolaayeen, xitaa wiifoow iyo waaskooyin lagu dabaasho ayaa ku yiiley gudaha.

Shirqoolkii Beesha Qurulugud Maxaa Ka Soo Baxay?!!!

Run ahaantii beesha qorilugud degta waxay in badan  hanjaabado soo mariyeen talafeeshinada soomaalida, waxaanay intaasiba ku goodinayey inay xoog ku qabsan doonaa deegaanka Buuhoodle, iyagoo markaasi xaalkoodu yahay gardaro garab og iyo adeerkayo Siilaanyo ayaa noo hiillin doona.

Dablaydii Weerarada Ka Gaysatay Gaarisa,Midka Ka Mida Oo Uu Dhalay Siyaasi Caan Ka Ah Kenya

Kooxdii xasuuqa ba’an ka geysatay Jaamacadii Gaarisa, sirdoonka Kenya waxay soo xaqiijiyeen mid ka mid ahaa ragii weerarkaasi bahalnimada ah waxaa dhalay siyaasi weyn oo aadna looga yaqaano Kenya, waxaanay arrintani ku noqotay mid argagax leh.

Adeegga La Yidhaahdo WhatsApp Oo Soo Kordhiyey Qayb Cusub Oo Laysku Maqli Karo

Inaga oo ka war hayna xawaaraha uu ku socdo taknoolijiga casriga, siiba qaybta isgaadhsiinta oo maraysaa heer aad u sareeya, waxaad mooda maalin walba inay wax cusub ku sii kordhayaan,tusaale ahaan waayadii hore xaalku wuxuu iska ahaa taleefoonada layska maqlo, hada waxaa ugu dambeeyey adeegga Whatsapp oo isna soo kordhiyey qayb lagu wada hadli karo lacag la’aan.

Cali Cabdalle Saalex Oo Looga Shakisan Yahay Inuu Haysto Hubka Chemicalka Ah

Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalle Saalax oo ay ciidamadiisu gaashaan buuraysi la yihiin kuwa Xuutiyiinta oo taageero siyaasadeed iyo mid ciidanba ka hela dowlada Iraan ayaa looga shakisan yahay inuu haysto hubka kimilkalka ah.

Daawo:Qurba Joogtii reer Awdal oo Jiida Hore ee Dagaalka Gaadhay iyo Jabhadii Suldaanka oo xoogaysatay.

Qurba Joogta reer Awdal oo dhaqaale iyo Agabyo kala duwan wada ayaa kusii qul qulaya saldhigyada Ogadenia ay Woyanuhu ka siiyeen Jabhada Suldaanka iyo xitaa Jiidaha Hore ee Dagaalka 2-da Jabhadood iskagaga soo Horjeedaan, halkan ka daawo qurba Joogtii ugu dambaysay oo Jiida hore wali kusugan. Shacabka reer Awdal markan waxaa ka go’an in aysan marna dib uga noqonin go’aankaasi ay la qaateen Suldaan Wabar oo u adkaysan waayey dulmiga iyo tacadiya ay beesha SNM ku wado, wax yar baana uga dhiman sidii ay uga midha dhallin lahaayeen

Maamul Beeleedka SNM Oo Hada Bilaabay Inay Hawada Isu Soo Mariyaan Dacaayado Gundheer Balse Xaqiiqooyin Ah (Daawo)

In badan bay isku madadaalinayeen dimoqraadiyad baanu gaadhnay, nabadgelyo baanu samaysanay, xisbiyaanu dhidibada u taagnay, caalamka na aqoonsan doonaa iyo waxyaabo kale oo badan, hase ahaate sheeka xariirtii noocaasi ahayd maanta halkee bay la maraysa? wixiise ay shalay ku caayi jireen dawladii dhexe ee soomaaliya, horta maanta ma hayaan?

Powered by WordPress