
Waxaa jira waxyaalo lagu kala sooco Aadanaha iyo qaybo ay u qaybsamaan. waxaana lagu ogaadaa qaabka qof waliba u yagleelo mustaqbalkiisa nololeed iyo u hayaanka hiraalkiisa. waana tan keenta in qofna gaaro guulo waa weyn, qofna habaaska loogu jiido/lagu dhaafo, isagoo aan ka yareyn awood iyo wax waliba oo Eebbe (sw) ku mannaysatay, balse ay tahay waxa asaagiis ka reebay kartidiisa qof ahaaneed, maxaa yeelay Aadanaha oo dhan ma haaysto karti siman, balse waxa uu haaystaa fursado siman ee ku hor marin karo kartidiisa.