Muxuu La Calaacalayaa Muuse Biixiga Hargeysa Joogaa?

Oday si cadaalad daro ah dhawaan Uu Siilaanyo ugu cumaamaday inuu isu taago doorasho ku sheegooda, kana mid ahaa ragii xilligi Siyaad Barre askarta u ahaa, balse meelahaasi ka sheegta inuu ahaa waxa ay ugu yeedhaan Mujaahidka lana yidhaahdno Muuse Biixi, wuxuu meel gole dhaqameed ah fariin calaacal ah uga diray wufuuda ku sugan Buuhoodle iyo Balicad.

Run ahaantii maamul beeleedka SNM oo iyagu dalka soomaaliya u burburiyey si ay u helaan xukuumad u gaar ah, sharci ku sheeg u gaar ah iyo golayaal ay iyagu iska leeyihiin, xilal ay iyagu ku wada magacaaban yihiin, ayaa maanta waxay aad uga xun yihiin shacabweynaha reer Maakhir iyo reer Khaatumo oo hada wada maamul wadaag ah.

Hadaba Odaygan Siilaanyo u cumaamaday wuxuu gole dhaqameed fariin uga soo dirayaa wufuuda balaadhan ee ku sugan gudaha magaalada Buuhoodle iyo Balicad, wuxuuna ku beerlaxawsanayaa kaalaya oo sheegta waxaad tabanaysaan, taas oo macnaheedu yahay meeshan anaga ayaa iska leh, tabashadiina waanu dhegaysan, inkastoo uu xaqiiqada jirta uu iska indha saabayo.

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress