Barnaamijkii Kaca Oo Ka Dhiidhiya Dulmiga (Dhegayso oo Dhuux)

Was Barnaamijkeenii Kaca Oo Ka Dhiidhiya Dulmiga waana barnaamij todobaadle ah wuxuuna si toos ah uga baxaa idaacada Codka Khaatumo ku hadasha oo sidii BBCda iyo VOA ayaa looga dhegaystaa deegaanada Khaatumo state of somalia iyo dhamaan gobolada waqooyiga soomaaliya oo idil.

Todobaadkana waxaa shiishka lagu saaray ¬†jawaab celin ku socota Faysal Cali Waraabe oo isagu hadh iyo habeen mataga iyo shuban calooleedka siyaasadeed ee uu la hor yururo warbaahinta, xilli isaga laftiisa uu ku socdo burbur siyaasadeed iyo kala yaac ku yimi xisbi ku sheegiisa qabyaaladaysan…

Waxaa kaloo ay kaga bogan doontaa boobkii iyo dhacii qaawana ee loola soo badheedhay khayraadka shacabka khaatumo, taasi oo la doonayey in waxooda uu u taliyo wiil yar oo habar jeclo ah wadanka maraykankana ku soo wareeray xigta dhawna ay yihiin Siilaanyo oo ah qorax casar joogta…

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress