Iiraan oo “dagaal afka” ah ku haysa Sucuudiga

Boqortooyada Sucuudiga ayaa markale beenisay eedaha ka soo yeeray Iiran ee ah inay gudashada xajka ay si qalad ah u maareeyeen.
Arrintan ayaa dababa socota dhimashada 760 qof oo ku dhimatay ciriiriga Jamaratka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga, Cadel al-Jubeyr, waxa uu Iiraan ku eedeeyay in siyaasad ay u badaleen musiibada ay ku dhinteen dad gudanaayay waajibaadka xajka.
Hogaamiyayaasha Iiraan ayaa iska dhigaya kuwa ka careysan dhibaatada, waxayna Sucuudiga ku eedeeyeen maamul xumo.

Madaxweynaha Iiran lama fileynin inuu arrintaasi uga hadlo UMSC
Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxani ayaa khudbadiisa Qaramada Midoobeey u adeegsaday inuu sii xoojiyo weerarka afka ah ee dalkiisa uu ku hayo boqortooyada Sucuudiga.
Mr Ruuxani waxa uu sheegay in Iiraan ay dooneyso in la baaro waxa sababay musiibada ay ku dhinteen qaar ka mid ah xujeyda.
Labadii maalin ee la soo dhaafay, hogaamiyayaasha Iiraan waxa ay ku celcelinayeen inay ka xanaaqsan yihiin dhacdada oo ay ku dhinteen ugu yaraan 130 Iiraan u dhashay.
Hogaamiyaha dhanka diinta ugu sareeya Sucuudiga, Mufti Sheekh Cabdul Caziz bin-Cabdullah al-Sheekh, waxa uu sheegay in wixii ka dhacay Jamaratka ay ahayd arrin ka baxsan waxa uu bini aadamka maamulo.

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress