Xasuus Dhaxalgal Ah Iyo Muuqaalkii Bahda Radio Laascaanood Ee 2001(Daawo)

Mar aan dhex qaaday kaydka dhaxalgalka ee Aftaag Production waxaan ka soo helay barnaamij fariin ahaa oo aanu ka duubnay bahdii Radio Laascaanood xilli haatan laga joogo 14 sanadood, waxaana muuqaalkan ku jira ragii waagaasi hawl wadeenada idaacada Laascaanood ahaa oo qaarkoodna hada nool yihiin qaarkoodna xijaabteen.

Hadaba waqtiga aanu ka duubnay barnaamijkani wuxuu ahaa xilli ay bahda idaacadu ka soo guureen qolkii yaraa ee markii ugu horeysey lagu aasaasay idaacada Laascaanood, oo uu markaasi fikirkeeda iska lahaa Faysal Jaamac Aadan, inkastoo markii dambena ay ka qayb qaateen qurba joogta u dhalatay deegaanada Khaatumo state of somalia.

Waxba yaanan idinku daallin taariikhdii idaacada Laascaanood oo aan filayo in aad looga wada dheregsan yahay, ee fadlan sidaasi iyo daawasho haboon.

RL.003

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress