Saraakiil ka tirsan Ciidanka Uganda oo Maxkamad lagu saarayo Kampala.

Uganda:Saraakiisha dowlada Uganda ayaa kudhawaaqay in magaalada Kampala ee casimada wadankaasi ay ka bilaa ban doonto maxkamadeynta 4 sarkaal oo loo haysto inay ka hortagi waayeen weerarkii Al-shabab ee Janaale.
Maxkamadeyntan ayaa waxaa amray madaxweynaha wadanka Uganda Museveni kadib fariin maqal ah oo laga sii daayay Raadiyaha qaranka wadankaasi.
Madaxweyne Museveni ayaa ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin weerarkii Al-shabab ay ku qaadeen deegaanka Janaale oo ciidamo Ugandes ah ay kudhinteen.
Afhayeen uhadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay in maxkamadeynta Saraakiishan ay bilaaban doonto inkastoo uusan cadeyn waqtiga rasmiga ah.
Isagoo kusugan wadanka Japan ayuu Museveni sheegay in ciidamadii lagu dilay weerarkii Janaale saraakiishoodu ay dayaceen masuuliyadooda islamarkaana ay hurdayeen.
Al-shabab ayaa sheegtay inay 50 askari kudileen weerarkii Janaale balse dowlada Uganda ayaa qiratay kaliya in 19 askari weerarkaasi looga dilay .

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress