Buuhoodle oo Laga Bilaabay Qaadashada Baasaboorka Soomaaliga, Qofkii u horeeyay iyo Dareenka Isimada

Magaalada Buuhoodle ayaa maaanta si Rasmi ah looga bilaabay bixita Baasaboorada iyo Dhalashada Muwaadinimo iyadoona Dadwaynaha Buuhoodle Safaf Dhaareer u galeen, waxaana Arintaan ay timid kadib markii Buuhoodle laga Furay Xafiiskaasi.

Faarax Xaaji Cabdi oo noqoday qofkii ugu horeeyay ee qaata ayaa wuxuu sheegay inuu aad ugu Farax san yahay, Wuxuuna sheegay inuu qorshihiisu ahaa inuu dhowaan Safar galo oo uu doonto.

Dhinaca kale Cuqaasha iyo Isimada Buuhoodle ayaa Hanbaliyo u diray Dawlada Dhexe ee Sooomaaliya gaar ahaan General Gaafow oo Qayb Lixaad Leh ka qaatay keenista Baasaboorada Buuhoodle iyo Madaxwaynaha Soomaaliya.

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress