Yaa bixiyey Dhaqaalaha wadooyinka Laascanood iyo Kuwa Buuhoodle, MD. Galaydh oo cadeyey

Ka dib markii dhawaanahan wadooyin yar yar oo dhawr km ah ay ku faanayeen maamulka Siilaanyo ee Laascaanood haystaa, isla markaana dad badan oo wax ma garata ah arimahaas loogu sheegay waxqabad maamulka Somalidiidku qabtay, ayaa waxa arintaas salkeedii xalay Buuhoodle ka sheegay Madaxweynaha Khaatumo, oo cadeeyey in Khaatumo dhaqalahaas ka soo dhamaysay beesha caalamka gaar ahaan Yurubiyaanka, oo uu sheegay inay lacag laba malyan ah ugu deeqeen gobolada Sool iyo Sanaag.

Wuxuna sheegay in Buuhoodle wadooyinkeedana inteey xaq u yeesheen helayaan.
Madaxweyne Ali Khaliif wuxuu meesha ka saaray in hada waxii ka dambeeya deeqahu aanay soo mari doonin  maamulada hareeraha, oo iyagu had iyo jeer isku dayi jirey inay yaboohaasi ku gumeeyaan shacabweynaha khaatumo state of somalia .

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress