Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Khudbad Lagu Diirsaday Ka jeediyey Shirweynihii Ballicad (Daawo)

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid isimada mayalka adag ee aan marna isbedbedelin, wuxuu khudbad qiima iyo qaaya mudan uu ka jeediyey xidhitaankii shirweynaha Balicad, wuxuuna shacabweynaha reer Khaatumo uu ku booriyey in uu qof waliba kaalintiisa uusan cid kale ku eegin.

Waxaa kaloo oo uu Garaad Jaamac Garaad Cali uu daaha ka qaaday inay u socdaan wada hadalo iyaga iyo walaalaheena warsangeli, ay marka ugu dambaysana dawlada federaalku ay ka soo qayb gasho, arinkaasina meel fiican buu marayaa sida uu sheegay garaadku.

Waxaa kaloo uu ka sanqadhiyey in gogol loo fidiyo dhamaan isimada maamul goboleedka reer Khaatumo, waxaana hawshaasi loo xilsaaray Suldaan Siciid Iyo Garaad Mashqare, inay isku soo dumaan dhamaan isimada dhaqanka ee reer Khaatumo.

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress