Shirkii Maamulka Khaatumo Uga Socday Balli-cad Oo Afmeeray + Qodobo Laga Soosaaray { Daawo Muuqaalka}

Waxaa maanta magaalada Balicad Lagu soo gabagabeeyay shirkii uga socday Golayaasha maamulka khaatumo Waxaana shirka Laga soo saaray Qodobo ay kamidyihiin.  Midnimada Shacabka khaatumo, Xoraynta deegaanada maqan, Nabadaynta, Gogol Loogu yeedhay Isimada khaatumo dhamaantood, Wada shaqaynta khaatumo iyo dawlada federaalka, Xidhiidhka dawlada itoobiya Iyo Dawlad degaanka Soomaalida, Maamulka oo labaahiyo lanagaadhsiiyo dhammaan deegamada, Amaanka, Dhaqaalaha iyo Qodobo kale.

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali ayaa siwayn uga hadlay Muhiimada Qodobadan u leeyihiin Bulshada khaatumo, Waxayna sheegeen inay Golaaashu shirkooda kasoo saareen Barnaamij cad oo lagu Howl-gelayo oo la xidhiidha Xoraynta deegaanka, Abuurista Dhaqaalaha iyo Baahinta maamulka.

Madaxwyane Cali khaliif oo madasha ka hadlay ayaa siwayn ugu mahad celiyey Ciidamada khaatumo, Wuxuuna sheegay inay horey ugu dhinteen dalkooda oo ay ugu dhaawacmeen, wuxuuna u duceeyay intii dalkooda u dhimatay oo uu sheegay inay u shahiideen.

Wuxuu sheegay in Golayaashu ay mudo Laba Todobaad ah ku shirayeen Balicad, Muhiimaduna ay ahayd in la iswaydiiyo waxa khaldamay iyo waxa loo baahan yahay in lagu dhaqaaqo, Wuxuuna alle uga baryey in alle Shacabka khaatumo uu dhexdooda ka saaro colaada.

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress