Xaqiiqda Wararkii Ugu Danbeeyay Magaalada Kismaayo.

Diyaarad khaasa oo siday saraakiil itoobiyaana ayaa shalay gaaray Kismaayo Ayagoo Lakulmay
Xubno Katirsan Maamulka Jubaland oo Laga magacaabay Wasiir Janan Wasiir darwiish Taliye Khaalid iyo Madaxwaynaha Xilku kadhamaaday Axmed Madoobe Waxayna Hordhigeen 5 qodob:

1: in doorashada Jubaland dib loo dhigo
Wax walbana halkaas Lagu Joojiyo.

2: in xayiraada Laga qaado Dawlada fadaraalka doorkeediina ay qaadato loona fududeeyo.

3:in Lafuro wadahadal Kusaabsan
midwga musharaxinta Si loo diwaan galiyo:

4; in dib loo soxo Khaladkii Laga galay dhaqanka Xalna Laga gaaro Khilaafka 2-da baarlamaan iyo 2-da Gudi.

5: iyo in Axmed Madoobe uu faraha Kala boxo arimaha dawlada itoobiya oo sida ay sasheegeen uu Gabaad u noqday danbiilayaal Shacabka DDSI iyo guud ahaan dalkooda danbi ka galay, Waxaana Xusid mudan in cadaymo Kusaabsan arimahaas oo dhan
la hordhigay sida shakhsiyaad Kusugan Jubaland oo Masuuliyiin ka ahaa DDS.

Axmed Madoobe oo qodabadan
Ka meer meeray markii hore iskuna dayay inuu qanciyo Saraakiishan ayaa ku guul daraystay, Saraakiisha ayaana hadalkooda kusoo af-meeray In fursadan ay tahay fursadii ugu danbaysay ee Dhankooda!
Loona baahanyahay inuu qaato.
Laba qodob kii uroon!

(A) Nolol wanaagsan inuu kusii noolaado cimrigiisa inta dhiman.

( B) iyo in uu doorto nolol uu inbadan qoomameeyo Waxaana Loo raaciyay 24 Saac gudahood jawaabta in looga rabo waana kaduuleen garoonka Kismaayo :

Axmed Madoobe Waxaa uu aqbalay inuu Jawaabta Ku bixinayo wakhtigaas asagoona ilaa xalay waday latashiyo uu la yeelanayay Golahiisa Wasiirada Ilaa Saakana kulamadii ayuu wadaa :

Dhanka Kale xubno uu horkacayo
Wakiilka qaramada midoobay Somalia
u qaabilsan Ayaa Tagay Magaalada Kismaayo maanta Waxay kulama la Qaateen Midawga musharaxiinta ,
odayaashii dhaqanka ee cabashada qaba, iyo ururada bulshada rayidka ah.

Gudiga doorashada ee dhanka Axmed Madoobe ayaa Lasheegay In ay Ku kala qaybsameen lakulanka beesha Caalamka Gudoomiye Hamze ayaa sicad u diiday inuu Lakulmo Waxaase Kulankaas yeelay Axmed Ilka-dheere oo ah Gudoomiye Kuxigeenka gudiga iyo xubnaha kale.

UGU-DANBAYN!
Waxaan La hubin halka ay sal dhigan doonto arimaha Cakiran ee Jubaland, balse hadana waxaa uu Axmed Madoobe Ku khasbanaan doonaa inuu aqbalo baaqyada beesha caalamka iyo dawladaha dariska ah ee mudaba Kusoo laalaabtay, Hadii kale waxay xaqiiqdu tahay in qaadida Wadada lahayo ay Noqom doonto midaan lamahadin dibna looga qoomameeyo.

Weriye Laba Tusbaxle

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress