Xoojinta Xidhiidhka Soomaaliya Iyo Ruushku Waa Mid Muhiim Ah

Waa talaabo muhiim ah, oo dhinaca wanaagsan loo qaaday sidii loo xoojin lahaa danaha Ruushka iyo Soomaaliya ka dhaxeeya, waana xidhiidh in badan la hagraday sidii loo xoojin lahaa.

Soomaaliya dhinacyo badan ayey uga faa’iideysan kartaa xidhiidhka labada dal.
1. Sidii loo qalabayn lahaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
2.Sidii Cuna qaybtaynta hubka ee Soomaaliya saaran looga qaadi lahaa, ugu yaraan darajada koowaad ee hubka dhexe, arrintaas oo xukuumadda Soomaaliya haday u hawl gasho uu Ruushku golaha ammaanka ka taageeri karo Soomaaliya.

3. Ilaalinta midnimada Soomaaliya oo Ruushku muhiim yahay marxaladan, ay Soomaaliya soo hungureeyeen dawlado dawlado u Eeg sida Imaaraadka oo kale, khatarna ku ah midnimada Soomaaliya.

4.Shirkada Ruush ee shiidaalka oo ka duwan kuwa reer galbeedka oo arrimo badan laysla fahmi karo.

Xidhiidhkii hore ee Soomaaliya iyo Ruushka oo ahaa mid qoto dheer , hasa yeeshee xilligii dagaalkii 77kii Itoobiya iyo Soomaaliya uu xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya xumaaday.

Ruushku garab ayuu Soomaaliya siiyey bilowgii lixdameeyada sidii ay ciidan xoog leh u dhisan lahaayeen markii Maraykanka oo Itoobiya la garab ahi diiday in uu Soomaaliya hub ka iibiyo.

Madaxweyne Farmaajo waa ku mahadsan yahay isla markaana boogadin ku mudan yahay xoojinta xidhiidhka Ruushka xilligan.

Qore: Asad Cadaani Ibraahim

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress