SOOMAALIGII DALKA KHIYAAMOW WAA DIL!

Khaayin wadan waa qofka madaxbanaanida, sirta, iyo dhammaan danaha dalkiisa cadaw u gacan geliya. Maanta Soomaalia iyo Kenya cadaawad baa dhextaal. Marka qofkii Kenya u xagliya, la shira, u garaaba, sirta Soomaaliyeed u gudbiya, ama niyadda kala jira waa cadaw Soomaaliyeed. MAANTA WAXAY MARAYSAA XINIINYO TAABSHO.

Siyaasadda Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliyeed waa kala laba arrin oo aan shaqo isku lahayn. Aniga iyo dad badan oo Soomaaliyeed waa ka soo horjeednaa Siyaasadda ragga manta Soomaaliya ka taliya. Iyada oo ay sidaas tahay haddana waxa naga dhaxeeya DALKA Soomaaliyeed. Labadayadaba waa xil na saran inaan difaacno.

Maanta KENYA waxay gardaro cad ku haysaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxa la sheegaya kuwo Soomaaliya madax ka ah oo u gurguuranaya Kenya. Arrinkaasi waa jariimo, kuligeenna waa waajib ina saran in aan toojka ku ifino khaayinka.

Waxa furan diwaanka taariikhda. Haddii manta laga xishoodo ama laga baqdo in la furo, waxa imandoonta maalin baalashiisha la kala bixindoono. Dad badan baa ku diinwaansan boggaga sharafa, kuwana waxay ku yaalin boggoga madow ee ceebta. Bal aan eegno dhowr ka mid ah

DIWAANKA SHARAFTA

  1. Mudane Moxamed Cabdulle Xalane
  2. Mudane Abdirarazak Xaji Xuseen
  3. Dhammaan dhallinyaradii SYL

BOOGGA CEEBTA EE MADOW

  1. Ahmed Yusuf Ducaale
  2. Dadka Ethiopia ka bilaabay jabhada SNM, USC, SSDF, SPM ee Soomaaliya dumiyay, waxay ku sifoobeen khaayamiin.
  3. Kuwa dawladaha shisheeye u dusaya, sida Imaraadka iyo Itobia waxay ku sifoobeen khaayamiin.

Dhamman dadka Soomaaliyeed waa inay gartaan culayska manta saraan dalkeena Soomaliya oo ay taagooro muujiyaan dawladda si aan ubadkeeda iyo mustaqbilka ummadda aan loo dhxal wareejin. Waxaan marna taariikhdu ilaaweyn sidii dadka reer Moqdishu ay sharafta Soomaaliyeed u difaaceen markii ciidamada Itoobiya ay dalka soo galeen. DHAXAL XUMO WAXAY U SUGNAATAY RAGGA ISU DHUFAANAYA SAWAAXILIGA.

Aqoonyahan sare: Yusuf haid

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress