Wasaarad warfaafineed Soomaaliya ma u baahantahay?.

Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn wasaarad lagu magacaabo wasaaradda warfaafinta, oo aan ugu jirin liiska wasiirada la magacaabo, dalalka reer Galbeedka badankoodu ma laha wasaarad warfaafineed, haddaanay dhammaantoodba lahayn, dalalka Carbeed Qatar ayaan lahayn wasaaradda warfaafinta oo iyaguna 2000 ka saaray liiska wasaaradaha loo magacaabo wasiir.

Hasa yeeshee dhammaan dalalkaas aan lahayn wasaarada warfaafintu waxay leeyihiin Hay’ad hawshaas u xilsaaran, ka dib marka sharci iyo qawaaniin warbaahinta u gaar ah loo sameeyo, kaas oo loo adeegsanayo soo saarista sharciyada lagu ogolaanayo in warbaahin cusub hawada soo gadhaso ama wargeys cusub la aasaaso.

Waxay dalal badan mar hore arkeen in warbaahintu tahay wax aan gole wasaaradeed lagu mashquulin ee dhinac laysaga saaro, waxa kale oo ay ogaadeen warbaahinta oo dhan in ay noqoto mid u dhaxaysa bulshada muxaafid iyo mucaaradba, waana ta keentay in madaxda laga dhaliilo warbaahinta xataa ta ay iyagu gacanta ku hayaan ee wasaaradaha arrimaha dibadu gacanta ku hayso, waxayna bulshadu ku doodaa maadaama cashuurtayadii lagu maal galiyo waa in ay dadka u dhexayso waxaana ugu caansan warbaahintaas BBCda iyo VOA, oo isla markaana loogu talo galay siyaasadda dalka in loo adeegsado ee guud, gude iyo dibadba .

Soomaaliya ma u baahantahay wasaarad warfaafineed?.

Xilligii hore haa ee dalku lahaa xukuumaddo awood badan, waxaana markaana loogu baahan karayey maadaama bulshadu ay ahaayeen dad aan wali u bislayn warbaahin furan, sharci iyo qawaanin xilligaas lagu baraarugsanaana jirin ,xukuumado xukun adigana dalku soo maray marxalad duruufadeeda wadata ayey ahayd.

Laakiin hadda sida muuqata Soomaaliya uma baahna wasaarad warfaafineed , sababtoo ah wax ay xakamayn karaan oo gacanta ugu jira ayaan jirin sida xukuumadaha awooda badan ee dunida labaad iyo sadexaad, waxaa dalka ka jira kacaan warbaahineed oo la jaan qaaday horumarka adduunku ka gaadhay qalabka warbaahinta, wiil dhalinyaro ah oo live haysta ayaa ka xog badan maanta warbaahinta qaranka , waxaa jira Tv-yo tiro badan, Waxaa jira Idaacado xadkii ka baxay, intaas waxaa dheer baraha bulshada oo adduunka saamayn ku yeeshay.

Soomaaliya waxay u bahaan tahay Hay’ad madax banaan oo maaraysa sharciyada warbaahinta isla markaana warbaahinta xukuumaddu gacanta ku hayso ka dhigta mid kala tartanta saxaafadda kale oo xogaha si caadiya u sii deysa, waayo wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxba gacanta uguma jiraan.

Diyaariye: Asad Cadaani Ibraahim

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress