Cabsi ka dhalatay nin cunsuri caddaan ah oo u sahan tagay masaajid Soomaali leedahay

Waxaa ku sii xoogysanaya wadamada Galbeedka kooxaha Islaam nacaybka ah,halka ay hore u dhaceen weeraro gudaha loogu galay dad ku cibaadaysnaya Masaajiddo,halka Masaajiddo badan la qabadsiiyay dab.

Nin looga shakiyay in uu yahay cunsuri ayaa dhowrjeer lagu arkay Masaajidka Suni Center ee ku yaala xaafadda believe ee magaalada Gothenburg, Sweden.

”Ninkan masjidka gudihiisa ayuu soo galay,maadaama ay masaajiddu iska furan yihiin qofkasta ayaa iman kara, dadkii ayuu waydiiyay Imaamku xagee istaagaa,dadku goorma ayay u badan yihiin,meeqa albaab ayuu leeyahay sidaas ayuu waydiiyay dadka qarkood” sidaas waxa BBC-da u sheegay Cabdixakiin Maxamed Aadan oo ka tirsan gudiga dhanka amaanka masajidka Suni Center.

Ninkan intii uu ku jiray sahanka gudaha masaajidka wuxuu ku dhaliyay dadkii ku jiray Masaajidka dareen xooggan oo cabsi ah.

Cabdixakiin ayaa ka hadlay sida lagu ogaday ninkan ” Waxaa lagu ogaaday, waxa jira nidaam Amni ah oo Masaajidku leeyahay dad tababaran,markii laga shakiyay su’aalo ayaa isaga la sii waydiiyay,waxa la gartay magaciisa,meesha uu dagan yahay,sababta uu meesha u yimid,macluumaadkaas markii aan helnay ayaan sii baarnay,markaas ayaan soo helnay in ninkan uu ahaan jiray Milatari,Islaamka qoraalo ka qoray kadibna Booliska ayaan u gudbinay oo gurigiisa ugu tagay”.

Waxaa lagu jiraa maalmihii hore ee bisha Ramadaan, Muslim badan ayaa ku nool waddamada Galbeedka oo ay Soomaalidu kamid yihiin,waqtigan oo kale dadku waxay xilliga habeenkii tagaan masaajidada si ay ugu soo tukadaan salaadaha Taraawiixda iyo Tahajudka.

Waxaad arkaysaa dad badan oo u socda koox koox oo raacaya Tareenada iyo Basaska,halka aad arkayso dadka oo lugeynaya wadooyinka,dadkan masuuliyadoodu waxay saran tahay Booliska.

Gudiyada Masaajida wadamada Galbeedka ayaa sameeyay kulamo ay kor ugu qaadayaan wada shaqeynta ay la sameeyaan laamaha amaanka wadama ay joogaan sida Booliska,waxayna la wadaagan khataraha lasoo darsa.

Xigasho:BBCsomali

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress