Dhaliisha Deni iyo Dhoola cadeynta Farmaajo iyo Khayre maxaa ka dhalanka kara?.

Waxaa la odhan doonaa shirkii Garoowe ka hor iyo ka dib , wuxuuna u muuqdaa shirkan hadda ka furmaya Garoowe mid qiyaas u noqon doona siyaasada Soomaaliya haatan ka taagan lagana dheegan karo halka hayaanku ku abbaaran yahay iyo Yoolka la hiigsan doono.

Afarta sano ee ah mudada xukuumada iyo hawlaha yaala oo baaxad weyn ayna ugu fool adkaadeen nabad galyada iyo doorashada waxay markasta kufiyaan hanka madaxda xilka dalka haysa, waana caqabadaha wiilkasta oo hana-qaad isugu muujiya siyaasada oo xamaasad iyo qab la soo gala saaxadda soo hoggaan barta.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyadu waxay muddo dheer gilgilayeen hoggaanka dalka oo ay xukunka ligliga ku haysteen, waxayna isu arkayeen in ay yihiin kuwa dhalay federaalka, ayna waajib tahay in lagala tashado wax kasta oo masiiriya iyaga , dhinaca kalena xukuumadda nabad iyo nolol waxay isugu arkaysay in ay iyadu xaq u leedahay dalka maarayntiisa loona daba fadhiisto wax kasta oo ay dalkan ka fulinayaan, talooyin badan oo la siiiyey xukuumaddu way iska dhaga martay iyaga oo danmooday in ay iska caabiyaan cadaadiska maamul goboleeyada kaga imanaya, iska caabintaas oo aanay xukuumaddu xikmad siyaasadeed ku darin ee isdifaac caadifadeed iyo dareenka shacabka dawlad u hamuum qaba ay qalbiyadooda ku dhaqaajiyeen, shacabkaas oo gacanta ugu jira maamul goboleedyo qabiil oo aan shacabkaasi xukuumadda federaalka waxba u tari karin.

Waxaa tusaale inoogu filan markasta oo dawlada Federaalka iyo maamulka Puntland isku dhacaan shacabku wax uu ka taray ma jiro loolanka siyaasadeed, xidhiidhka Puntland ee wadamada dibaduna wuxuuna sii xoogaystay xilligan.

Diidmadii maamul goboleedadu diideen shirkii madaxweyne Farmaajo ku baaqay iyo shirkan Garoowe ee ka danbeeyey hadalkii dhaliisha kulul iyo hanjabaada dadban isugu jiray ee Deni isla markaana ay u muuqdaan madaxdii qaranku in farta loogu yeedhay waxay qiima jab ku suubiyeen madaxweyne Farmaajo iyo Rayal wasaare Khayre oo ay xaqiiqadu noqtay niman harag shabeel ku labisnaa laakiin awood mukulaal leh, waxayna arrintani kor u qaaday oo muujisay awooda ay leeyihiin maamul goboleedyadu oo ay xukuumada federaalku bilowgii qaab iyagana aan ceebayn dalkuna ku kala socdo ku maarayn lahaa.

Maanta arrimaha horyaala shirkan ayaa waxa ay yihiin dhawr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ugu culus yihiin dhaqaalaha iyo mashaariicda hunguriga badan ee la doonayo in la kala jabsado, iyo arrinta doorashada soo socota iyo qaabka loo abbaarayo.

Arrinta dhaqaaluhu waa wax markiiba lagu kala bixi karo iyada oo la kala sad bursanayo, hasa yeeshee arrinta doorashooyinka soo socda iyo qaabka loo maaraynayo ay noqon doonto caqabad adag oo inbadan jiitami doonta, iyada oo sharciga golaha wasiiradu ansixiyey ee sharciga doorashada ay diideen sadex maamul goboleed iyo ururada mucaaradku loona arkay sharci ay xukuumada nabad iyo nolol doonayso in ay xukunka ku korodhsato.

Xilligii Xasan Shiikh Maxamuud markuu xilka hayey 2 sano iyo badh ayaa arrintan doorashadu noqotay caqabad ku soo foole dalka, Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu qirtay in aanay dalka doorasho ka dhici karin hal qof iyo hal coda, wuxuuna aaday talo furan waana arrinta keentay doorashadii la magac baxday(Doorasho Dad-ban) taas oo qaabka loo dhigay ay ahayd in xildhibaan kasta ay soo doortaan 51 xubnood oo beeshiisa ah, wuxuu Xasan Shiikh abuuray madal wadatashi, isla caqabadii ayaa haatan taagan taas oo ah qaabka doorashada loo soo qabanayo hal sano ka dib.

Xukuumadan nabad iyo nolol waxay qaaday wado kale , waxay dib u habeen ku sameeyeen sharcigii waxayna ku dareen qodobo muujinaya haddii doorasho wadanka ka dhici weydo wadada la marayo taas oo ah korodhsiimo, waana arrimaha Hadda taagan ee maamul goboleedyadu dalbanayaan in laga talo galiyo qaabka doorashadu u dhici doonto, dhinac walibana wuxuu doonayaa in uu saamayn ku yeesho xildhibaanada soo socda maadaama dagaal siyaasadeed oo qadhaadh ka dhex abuurmay xukuumadda iyo maamul goboleedyada qaarkood oo mid waliba ku fakerayo in uu ku qadeeyo kan kale intaanu ku cashayn.

Xukuumaddii Xasan Shiikh waxay ku fashilantay in ay dalka ka hirgaliso doorasho hal qof iyo hal coda, xukuumadda Farmaajana waa ku fashilantay in ay dalka ka hirgaliso hal cod iyo hal qof, waana arrin adag oo ay dadka had iyo jeer ka talabixiyaa aanay dhaadin waana arrin aan habboonayn xilligan iyo tobanka sano ee soo socda in Yool laga dhigto, ayna ku habboon tahay inta caqabadaha tirada badan ee horyaala laga gurayo in qaab dadban lagu soo doorto xildhibaanada, isla markaana culayska la saaro oo kaliya nabad galyada iyo awooda dawlada oo goobkasta gaadha, dhaqaalaha iyo Shaqo abuur lagu dadaalo, xeer doorasho oo ku meel gaadh ahna dalka lagu wado, lana garowsado in ay adag tahay doorasho hal cod iyo hal qof in ay Soomaaliyaba ka hirgashaa adag tahay khibrada laga dhaxlay Carta dabadeed.

Shirka Garoowe wuxuu kor u qaaday maamul goboleedyada wuxuuna mar kale dalka ku celiyey qaabkii madasha, waana wajiga cusub ee xukuumada nabad iyo nolol oo cagta saartay wadadii ay hore ugu dhaliili jireen xukuumadihii ka horeeyey.

Diyaariye: Asad Cadaani Ibraahim

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress