“Somaliland”:- Fursadii maamul hooska ahayd ee luntay

Waxaa jira xogo badan oo aanay ogayn jiilka maanta ku nool gobolada waqooyi ee Soomaaliya iyo guud ahaan dalka Soomaaliya , xilliyo badan oo lasoo maray ayaa lagu ilaaway dhacdooyinka aan joogsiga lahayn ee sida degdeg ah isu badelaya, dad badan way murmaan marka dhacdooyinka aan la kaydin la soo bandhigo, hasa yeeshee taariikhaha kaydsan marka uu qofku marka ugu horaysa maqlo wax badan ayuu isweydiiyaa.

Waraysi uu bixiyey bishii labaad ee sanadkii 1991 Ilaahay hawnaxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali “Cabdiraxmaan Tuur” guddoomiyihii hore ee jabhaddii SNM , markii danbena ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed gooni isu taaga ugu dhawaaqaday ee “Somaliland”(1991-1993) xilligaas oo uu ku sugnaa magaalada Berbera isla markaana uu waraysigan qaaday wariye ka tirsanaa BBCda oo lagu magacaabi jiray Wilson, lagana sii daayey laanta Afsoomaaliga ee BBCda isla markaana kaydsan ayuu Cabdiraxmaan Tuur ku sheegay in ay doonayaan in ay sameeyaan maamul hoosaad iyaga ugaar ah oo aan Soomaaliya laga go’ayn.

Cabdiraxmaan Tuur oo waraysigaa lagu weydiiyey xidhiidhka isaga iyo ururka USC iyo sababta ay u kala xigsanayaan Caydiid iyo Cali Mahdi ayaa sheegay in aanay kala jeclaysanayn labada dhinac , hasa yeeshee uu Cali Mahadi hawshiiba ku soo koobay wax ka soo bilaabmay gobolada dhexe oo Muqdisho ku dhammaaday, wuxuuna Cabdiraxmaan sheegay in uu hadda kala qaybsan yahay ururka USC, wax xukuumad ahna aan lala dhisi karin Muqdisho , marka ayse soo heshiiyaan dhinacyada USC ee kala qaybsan ay wadahadal la gali doonaan.

Xilligaas waxaa la diyaarinayey shirkii laysugu imaan lahaa oo maamul hoosaadkaas lagu samayn lahaa qorshuhuna wuxuu ahaa Abril 27 in magaalada Burco laysugu yimaado.

Shirkii Burco wuu qabsoomay hasa yeeshee qorshihii ahaa maamul hoosaadka waxaa lagu badelay mid gooni isu taag iyo go’i-taan lagu soo afjaray, shirkii Burco kolkii uu soo dhammaaday 18.05.1991 halkaasna lagaga dhawaaqay gooni isutaaga dhinaca kaliya ahaa ee ururka SNM gadhwadeenka ka ahaa, bulshooyinka gobolada waqooyi way ku kala qaybsameen, 19.05.1991 BBCda laanta Af-Soomaaliga oo xilligaas ahayd goobta kaliya ee Soomaalidu warka ka heli jirtay waxay ka diyaarisay barnaamij gaar ah, Fax-ka oo aad xilligaas loo adeegsan jiray ayaa wararka ku soo gaadhi jireen BBCda waxaana soo gaadhay diidmo iyo taageero kaga imanayey bulshada daafaha adduunka ku kala noolayd.

Waxaana isna xilligaas la waraystay afhayeenkii ururka SNM ee u fadhiyey London Cusmaan Axmed Xasan, waxaana waraysigan xarunta Push Haus kaga qaaday wariye Siciid Faarax , su’aalihii la weydiiyey waxaa ka mid ahaa Dastuurkii SNM kuma jirin in dalka Soomaaliya la kala jaro , hadana waxaad wadaan qorshe gooni isu taag ah sidee isu qabadsiinaysaan, wuxuu ku jawaabay Cusmaan Axmed Xasan dadkii markii hore Dastuurka samaystay ayaa hadana badelay.

Gooni isu taagii lagaga dhawaaqay Burco warkiisii idaacadaha kala duwan ee xilligaas ayuu qabsaday, wariye xilligaas BBCda Qaybta Carabiga caanka ahaa markii danbena Aljazeera ruugcadaa ka ahaa oo la odhan jiray Jamiil Caasir ayaa waraysi wuxuu ka qaaday nin kale oo isna Wargeys ka soo bixi jiray London oo la odhan jiray Alhayat qoraa ka ahaa oo isna la odhan jiray Yuusuf Al-Khaasin wuxuu weydiiyey Jamhuuriyadan cusubi maxay saamayn ku yeelan kartaa geeska Afrika, gaar ahaan dalalka Suudaan iyo Itoobiya oo ururo gooni isu taag doonayaa ka dagaalamaan maalmahaana Itoobiya xaaladeedu meel adag ayey maraysay.

Yuusuf Alkhaasin wuxuu sheegay in gooni isu taagani saamayn ku yeelan karo geeska Afrika isla markaana qalalaase abuuri karo, I.M Luweys oo isaguna ahaa nin Soomaalida aad wax uga qori jiray oo warbixin arrintaasi ka diyaariyey ayaa sheegay in Soomaalidu xilligan 1991 ay ku jirto sanadkii la odhan jiray Xaaraama cune oo kale oo haddii aanay degdeg uga bixin oo aanay u tashan ay rajo beel ku sugnaan doonaan.

Dhacdooyinkaas waxaa laga joogaa maanta muddo aan yarayn oo ku dhaw 28 sano, waxaana la lumiyey fursado qaaliya, shaki kuma jiro xilligaas in go’aanka saliimka ahaa ku haboonaa maamul hoosaadkii uu Cabdiraxmaan Tuur (IHN) waraysiga ku bixiyey, waxaana daliil u ah natiijada ka dhalatay go’aankii gooni isu taaga oo aan dhinacna ku jihayn raggii qaatay, dawlad caadiyana kumay noqon, dadkii dantu ka dhaxaysana ilaa maanta way iska handaraabeen oo koonteenar ayey bulshadiina ku horjoogsadeen.

Waxaan iyana shaki ku jirin jiilka cusub in ay go’aamadaas wax badan ka badeli doonaan iyada oo maanta dhalinyaradu tahay 70%, badankooduna aanay shaqo, caafimaad, iyo waxbarasho tayo leh gacanta ku hayn.

Waxaa diyaariyey:

Asad Cadaani Ibraahim

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress