Buugaagta iyo hoggaanka Nabad &Nolol

Qoraa dalka Mexico u dhashay ayaa wuxuu yidhi: Waxaa ii-yimi wiil 23 jir ah oo Sheeko qoray , isaga oo daabacaadii labaad soo saaray ee buugiisa, aadna u faraxsan, waxaan dareensiiyey ayuu yidhi qoraagii in uu degdegay oo ay ahayd in aanu sheekada degdeg u daabacine aad uga fiirsado.

Wiilkii intuu qoslay ayuu igu yidhi adigaa arrimahaa ka fekera oo dadku markasta Buug miisaan leh kaa sugayaane aniga dad kooban ayaa buugaygan akhrisan doono, wiilkii muddo ka dib wuxuu shaqo ka helay shirkad gawaadhida duuga ah iibisa qoraalkiina halkii ayuu uga hadhay, wuxuu yidhi qoraagu wiilkaasi markii ugu horaysay ayuu doortay in uu noqdo qoraa hoose oo liita.

Buugaagta sheekooyinka ah oo waayo aragnimo iyo khibrad sheeko falkin ah u baahan marka laga yimaado , buugaagta laga qoro dadka madaxda ah waxay u baahan tahay arrimo kale oo buuga qiimo u yeelaysa, qofka buuga qoraya iyo kan laga qorayo waxaa muhiim ah in ay isyaqaaneen muddo , sheekaysteen, afkaarta qofkaas buuga laga qorayo si miisaaman loo Adorosay.

Trump intuu xilka hayey dhawr buug ayaa laga qoray , dadka ka qoray intaanu madaxweyne noqon ayey aad isu yaqaaneen , markii danbe ee ay la hawl galeena aad ayey ula sii falgaleen, buugaagtay soo bandhigeena waxay ku qeexeen samaan iyo xumaanba wuxuu leeyahay Trump, waxaana buugaagtaas xiiso u yeeshay dadka qoray oo da’ ahaan waayo arag ahaa iyo iyaga oo aan ammaan ku qorine xaqiiqada taabtay.

Waxaana intii Nabad iyo Nolol dalka xukunkiisa qabsatay soo baxay dhalinyaro doonay in ay buugaag qoraan, isla markaana ka qoraan madaxda dalka gaar ahaan Farmaajo iyo Khayre oo xilka dalka 2 sanno aan dhamaysan, sidaas oo ay tahay ayey dhalintani xaashiyaha ka buuxiyeen ammaan iyo guulwadeyn aan loo cimaamadin.

Nin hadda ka mid ah xukuumadda Nabad Iyo Nolol ayaa buug soo baxay 1994 oo laga qoray dawladii burburtay wuxuu ku tilmaamay in uu qoraagu ku degdegay buugaas oo ay ahayd in uu muddo sugo, sidaas oo ay tahay ayaa madaxtooyada dalku dhaqaale xoogan ku bixisaa qurxinta iyo waji dhalaalin siyaasadeedka xukuumadan oo aad ammaanta u jecel oo marmarka qaarkoodna aanay madaxda dawladu ammaanta ku haleyn karin dhalinta hawshan madaxtooyada ka haysa oo iyagu ammaan isula dhaqaaqa marka ay ku yaraato ammanta buugaagta laga buuxiyo.

Madaxda nabad iyo nolol in Buugaag laga qoraa waa arrin aad u wanaagsan, waxayna ku habboon tahay marka ay xilka afartaas sano dhamaystaan in lagu qiimeeyo dhib iyo dheef wixii laga dhaxlay, waxaa iyaguna xilligan buugaag ka qori kara tusaale ahaan Wasiirkii arrimaha gudaha ee hore Jura , iyo Yuusuf Garaad wasiirkii arrimaha dibada ee hore oo iyaguna dhaliil iyo wanaag waxay la kulmeen muddadii ay xilka hayeen soo bandhiga.

Waxaa qoray

ASAD CADAANI IBRAAHIM

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress