2009 April ilaa 2019 wuxuu wadaa difaaca Badda Somalia.

Wuxuu ka qorey kumanaan qormo iyo codad uu duubey uu kaga hadley arintaan. Majirto cid mushaar ku siiso asaga Is xilqaamey. Maalin kaste dhoowr qoraal buu bartiisa Facebook page soo dhigaa fariin uu u diraayo Madaxda Somalida sida Madaxweynaha, Reysalwasaaraha iyo labadaba Aqal ee Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacbiga Soomaaliyeed hadana loogama jawaabo Muwaadinka qoraalkiisa hantida Qaran uu ku difaacayo asna kama daalo.

Weligeey ma arag shaqsi Soomaaliyeed oo ka wadanisan wuxuu mudan yahey Bilad Sharaf wadaninimo in la siiyo oo asagoo nool taalo loo dhiso.
Waa ninkii asaga iyo nin kale oo Soomaali ah aay Kenya ka difaaceen Badda aay boobka ku rabto ineey ku qaadato. Waxeey Kenya ka eryeen Shirkado Shidaal qodista oo heshiis kula galeen Badda Somalia balse markeey qoraalo dacwada u direen waxeey ku qasbeen shirkadihii ineey joojiyaan qodista sharci darrada ah.

Bashiir Mohamud hada waxaa kaliya uu dalbanayaa si Badda Somalia loo badbaadiyo in Baarlamaanka Somalia uu fariisto una Codeeyo sharciga kaliya oo Somalia aqoonsan tahey oo Badda Somalia leedahey inuu yahey Law 37.

Hadaba Baarlamaanka Somalia miyeeysan awoodin codka kaliya ineey qaadaan Bashiir hadii kaligiis uu awoodey 10 Sano inuu difaaco Badda Somalia kaligiis miyeeysan Xildhibaanada Awoodin ineey 1 maalin kaliya codka ku caawiyaan si guul dhameeystiran Somalia u gaarto.

Fadlan sii faafi Fariinta Share la wadaag Ummada Soomaaliyeed sideey u aqoonsato halyeeyga Soomaalida ilaahey ka abuurey

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Powered by WordPress