Weriye Carbeed Oo Aad U Ammaanay, Geesinimana U Qiray Ilhan Cumar

Weriyaha Falastiiniga ah ee Cabdul Baari Cudwaan oo ah ruug caddaa saxaafadeed kaasoo si aad ah looga yaqaanno dunida Carbeed ahna tifaftiraha warqaadka Sharq-al-Awsad, ayaa amaan kala dul dhacay Ilhaan Cumar, isaga oo uga dhigay tusaale tallaabada geesinimada leh ee ay qaaday, mid ay ku dhici waayeen muddo dheer madaxda Carbeed.

Weriyaha ayaa sheegay in Ilhaan cumar oo ah gabadh Soomaaliyeed ay si taariikhda gashay ugu caddeysay hay’aadka qalqaalada ugu waawayn caalamka (AIPAC), iyadoo dayacii ay dugsanayeen kana weji gabxayeen madaxda carabtu ay caalamka u bandhigtay

”Waxay ka hadashay dembiyada ay Israel ka gelayso shacbiga Falastiin iyo dhulalka ay ku haysato sida cunsuriyadda ah Israel, mana aanay ka cabsan ololaha ay ku qaaday, waana sidii aanu ka rajaynaynay hoggaamiyayaasha Carabta muddada dheer.” ayuu yiri Cudwaan.

”Waase naadir!” ayuu raaciyay isagoo warkiisa sii wata. ”Inaad aragto hoggaamiye Carbeed oo ka hadlaya Falastiin, ka hadlaya gumaysiga israel, ka hadlaya dembiyada ay ka gelayaan shacabka israel, Ma jiro Wasiir Dibadeed Carbeed oo ka hadlaya arrintaas, War iyaduba ma baqaysee maxaad ka baqaysaan?” ayuu ku qayliyay isagoo qiiraysan saxafigu.

Ilhaan Cumar oo ku cusub Kongareyska Maraykanka ayaa dood ka oogtey Maraykanka, iyadoo kasbatay shacab badan oo Maraykanka ah oo ku raacsan doodaha ay u istaagtey oo awal cod la’aan ahaa baahina loo qabay, halka kuwo badan oo muxaafid ahi ay ku mucaarideen.

Waana markii ugu horreysey ee taariikhda Kongareyska Maraykanka laga soo saaray qaraar cambaaraynaya Islaam-nacaybka, taasoo ay iyadu sabab u ahayd.

Mohamoud Salleban Eidle

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Powered by WordPress