Waxaan la yaaba Kooxo yar oo Galaydh weli durbaanka u sii tumaya

Markii uu hogaamiyihii hore ee Khiyaano iyo intii ilkoolayaasha ahayd ee uu watay ay dharaar cad masiirkii umadda ula galeen maamul beeleedka Somaliland, wuxuu waagii ku beryey in badan oo difaaci jirtey, oo naxdin iyo af kala qaad ku dhacay…

Kooxo kale oo iyaguna jeebkooda u furay, markay ka yaabeen fadhatayska ku socda iyo lacago la iska daldalanayo, meel loo raacana la garan waayey, kuwaasina waxay ku naxeen ninkay hantidooda ku gurayeen oo hargeysa hoos fadhiistay, baryootana ka galay masiirkii umaddu ku aamintay…

Hadaba Khiyaanadii lagu minjaxaabiyey shacabkii xalaasha ahaa ee SSC waxay sababtay inuu af ku juuqdii gabo, xila furkii iyo ma idiin dhaartaa in aanan hargeysa u soconin, iyadoo ay weli dad badan xasuustooda ka sii dhex guuxayso, misana waxaa hada baraha bulshada ku soo batay, qaar durbaanka u tumaya oo ma xishoodayaal ah.

Sida dhallaankana ku hadaaqaya hadalo beerlaxawsi ah iyo been go’ lagu deday, markaan eegay kuwa waxaasi wadwadana, waxaan ogaaday inay yihiin kuwo raamsada garaabadda iyo kuwo qolal ku xidhan….

Ugu dambayn qolyahaasina waxaan leeyahay sanqadhyarayaal daasadihiinna iska tunta, manay ahayn inaan idin jawaabee, calyadda shacabka kala tagga….

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress