Hees Qoraala oo ku Socota Cali Khalif oo hargeysa ku sugan

Markii aad loola yaabay midabaynta iyo isbedelidda cali khaliif galaydh, oo dadka in badani dareensanayeen inuu hoostaasi kala shaqaynayey maamul goboleedka somaliland, balse waxaa iska badnaa inta aamintay ee jeebkooda u furtay, aakhirkiina uu cidlada kaga dhaqaaqay, balse heestan loo tiriyey hoos u u fiiriya.

Adeerkay Cali Gaaboow
Nin cibaaro leh weeye
Marba caynkii uu doono
U rogaaya ciyaarta
Canaadkaa la fogaadoo
Isagaa cagihiisa
Canaasiirta ku doontee
Cidluun baa u danbeysee
Cadowgiisa dartii
Ha iska ceeshe’e daaya.

Hayeeshee Cabdillaahi
Casiiskaa idilaayee
Cillad hayska lahaadee
Col dhan oo isku duuban
Isagoon cid la kaashan
Wayska caabin karaa

Codkar weeye aqoon leh
Cayda wuu hurgufaa
Marna Caalim dhan weeyoo
Cumduhuu fasiraa
Marna waa cartamaayoo
Carruurtay is dilaan
Mar wax buu curiyaayoo
Cilmiguu hindisaa
Marna waa cidhbiyaa
Oo carraabo tagaa
Marna Caashiyo Layluu
Calankooda sudhaayoo
Maahmaah ay cuskadeenbuu
Cisho-yoonba tirshaa

Marna ways cabudhshaayoo
Waa calaancal u joog
Marna coobaha giirkiyo
Cunuhuu kariyaayoo
Cartamaa hanjabaa

Marna caagle sidiisuu
Ciidan beena dhistaayoo
Calafbuu ka dayaa

Marna dawlad culaabliyo
Calanbuu qotonshaayoo
Cadkiisuu dhacsadaa

Marna ways cuqdadaayoo
Cidii uu ka dhashiyo
Cashiiraduu dafiraa

Cabqaruu mar noqdaayoo
Calidhuux iyo Saahid
Carrabeey iyo Aadan iyo
Colkii Raage Ugaasbuu
Cuskadaa murtidoodoo
Curisyaabu marshaa

Marna gaaloo casuusliyo
Cadaankii Yurub jooguu
Camalkood metelaayoo
Cimilaa kululaatiyo
Cadceedoo yar janjeedhiyo
Cirkuu kaaga qisoon

Marna sheeko Carbeediyo
Cimroo Leeyla jeclaadiyo
Shicir uu Cantar meershiyo
Ceebluu kuugu yar tuuri

Marna Caaqilkii reeekiyo
Oday coomira weeyoo
Geedka ciidda leh jiifoo
Codka reerka u gooya

Marna geeljire caaniyo
Cudud reerku ku faanoo
Ceelka dawliska dheer liyo
Ilaa Ceeri dhexdooda
Looga caageyba weeye

Adeerkay Cali Gaaboow
Nin cibaaro leh weeye
Marba caynkii uu doono
U rogaaya ciyaarta
Canaadkaa la fogaadoo
Isagaa cagihiisa
Canaasiirta ku doontee
Cidluun baa u danbeysee
Cadowgiisa dartii
Ha iska ceeshe’e daaya

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress