Horgale Galaydh Oo Loo Sii Kaxaysanayo Adis-ababa

Wararka aanu ka helayno magaalada Hargeysa waxay sheegayaan horgale galaydh in loogu yeedhay inuu Muuse Biixi u sii raaco la kulanka madaxweynaha sharciga ah ee soomaaliya Mudane Farmaajo, oo ku yar hakanaya Adis Ababa….

Hadaba sidaan wada ogsoonahay Muuse Biixi waxaa laga hayaa ilaa Laba iyo toban khudbadood oo uu ku canjarafeeyey mudane Farmaajo, balse aan looga jawaab celinin.

Waxaa kaloo la hayaa Mar uu Horgale Galaydh uu iska dhisayey maamul goboleedkii uu hogaaminayey Siilaanyo, inuu ku hadaaqay hadalo uu wax ugu dhimayey madaxweyne Farmaajo, oo uu kuna sheegay inuu madaxweyne u yahay koonfurta soomaaliya oo keliya…

Maxay tahay dulucda safarkani?

Horta Muuse Biixi wuxuu doonayaa in laga soo furo khasnadihii dhaqaalaha ee laga handaraabtay, maadaama ay waayeen hantidii umadda ee ay futaynayeen ina ay xafaayada ku shubteen, xitaa uu awoodi waayey bixinta mushaharooyinkii shaqaalaha, ciidamada iyo booliskaba.

Wuxuu kaloo doonayaa inuu kala soo hadlo ceelasha shiidaalka ee holhol oo uu gadhwadeen uga dhigtay Horgale Galaydh oo aanay ceelashaasi deegaankiisa ku oollin, balse ay ku yaallaan caro Maxamuud Garaad…..

Isku soo wada duuboo berito ayeynu wax badan ka ogaan doonaa xaqiiqda wararkaasi oo aad looga hadal hayo magaalada Hargeysa…

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress