Admiral Faarax Qare oo Soomaalida ugu bishaareeyay inay Kenya uga guuleysanayaan dacwadda Badda

Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo horay u ahaa taliyaha ciidamada badda isla markaana ah guddoomiya hay’adda cilmiga badaha Soomaaliya ayaa Soomaalida ugu bishaareeyay inay uga guuleysanayaan Kenya muranka badda ee xuduudka dhinaca badda.

Faarax Qare oo u waramayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa ka hadlay sida uu ku bilowday khilaafka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, isagoona sheegay inuu muranka yimid kaddib markii Kenya dhinaca Soomaaliya u qaloocisay xuduud badeedkii ay horay u calaamadiyeen gumeystayaashii Ingiriirka iyo Talyaaniga ee kala xukumayay labada dal.

“Markii Kenya dhibaceena gudaha u soo gashay 200 meyl dowladaha caalamka ayaa noo qiray in Soomaaliya lagu xadgudbay” ayuu yiri admiral Faarax Qare oo ka mid ergadii dowladda federaalka u dirtay maxkamadda dembiyada caalamiga ah ICC-da oo lagu qaadayp dacwadda labada dal.

Waxa uu sheegay Admiralka in wakiilada dowladda Kenya dib loogu celiyay warqad ay ku dalbanayaan hakinta dacwadda oo ay sheegeen in labadà dowladood arrimahooda ku xalisanayaan qaab wadahadal ah.

“Anaga waxaan ku adkeysanay in maxkamadda ICC qaado dacwada labada dal ayna ku kala baxaan dhinaca sharciga” ayuu mar kale yiri Faarax Qare oo sheegay in Kenya dooneyso sidii ay xuduudkeena ugu darsan laheyd halka ay calaamadeysay oo shirkad Norway ah ku sheegtay inay ka heleen gaaska dabiiciga ah.

Dhinaca kale waxaa weli socda dhageysiga dooda labada dal, iyadoo maxkamadda ICC laga sugayo go’aan ay ka gaarto dacwadaasi.

Somaliweyn.org

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress