Aqoonyahan sare Siciid Uurcad Oo ka Biya diiday wasiirada uu soo magaacabay madaxweynaha Puntland

Aqoonyahan Siciid Uurcade oo ka mid ah shakhsiyaad firfircoon ee sida dhow ula socda xaaladaha ka aloosan deegaanada maamul goboleedka Puntland, shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu si cad uga biya diiday mid ka mid ah wasiiradaasi, oo isagu fal dambiyeedyo dhowr ah ka geystey deegaano ka mid ah gobolka Sanaag.

Hadaba shakhsigaasi loo magacaabay xilka wasiirnimo ee uu aqoonyahanku sida weyn uga biya diiday waxaa la yidhaahda Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), wuxuuna ku tilmaamay inuu ka mid ahaa raggii dhibka weyn ka geystay goobta la yidhaahdo Majiyahan oo iyadu ku caan ah macdanaha qaaliga ah.

HALKAN RIIX OO DAAWO

Aqoonyahan Siciid Uurcad isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu cod dheer u dirayaa dhamaan cidda ay arrintani khusayso, waxaanu sheegay ninkan wasiirka ah ee hada loo magaacabay xilkaasi, shalay isagoo ahaa xeer ilaaliye ayaa la ogaa wuxuu samaynayey, bal ka warama maantana haduu fursad iyo awood tii hore ka xoog uu u helay?!!

Ugu dambayntii wuxuu aqoonyahanku si weyn ula hadlayaa shacabweynaha gobolka Sanaag oo uu yidhi Ninkaasi isha ha lagu hayo, si kastoo wax looga qaban karana ha lagu dadaalo….

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Powered by WordPress