Digniin Ku Wajahan shacabka xalaasha ah ee reer Buuhoodle

Cabdimaalik Bashiir Baydan oo maamulka Somaliland ka soo qaatay lacag fara badan ayaa magaalada Buuhoodle ku soo galay dhuumasho, wuxuuna magaalada la yimi 4 gaadhi oo ay 2 yihiin gawaadhi uu isagu gaar u wadan doono, iyo 2 ka mid ah 11-ka gaadhi ee loo soo siiyey inuu qoryo saaro, 9-ka kelana waxaa loo soo siiyey lacag ahaan.

Muxuu yahay qorshaha maamulka Somaliland?

• Inuu u soo gacan-geliyo tiknikada iyo magaalada Buuhoodle.

• Inuu qorto 450 maleeshiyo ah, saldhigna uga sameeyo Horufadhi iyo Qorulugud dhexdooda.

• In isaga wax laga weydiiyo talada Buuhoodle.

• Inay maleeshiyadiisu gacanta ku dhigaan magaalada Buuhoodle.

• Inuu 11 gaadhi saarto qoryo, lacagtana uu bixiyo maamulka Somaliland.

• Inay maleeshiyadu noqdaan kuwo ka kooban reer Buuhoodle oo dhan.

Hadaba, waa maxay talaabooyinka uu qaaday Cabdimaalik?

• Magaalada ayuu ugu dhex jiraa si dhuumasho ah.

• Maleeshiyada uu qoranayo oo uu sheegay inuu ka dhex qoranayo beesha Aadan Axmed oo keliya.

• Cuqaasha oo uu laaluush ku bilaabay.

• Wuxuu heshiis hoose la galay saraakiil Kamida ciidamada hubka Buhoodle ilaaliya, si ay uga caawiyaan gacan-gelinta hubka iyo ciidanka Buuhoodle.

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress