LONDON OO LAGU SOO BANDHIGEY SHIDAALKA IYO GAASKA KU JIRA XEEBAHA DALKA SOOMAALIYA

Bandhiga sahmin lagu sameeyay xeebaha dalka Soomaaliya ee ku jira kheyraadka shidaalka iyo gaaska ayaa lagu soo bandhigey magaalada London. Waxaana ka soo qeyb galey shirkadaha ugu waaweyn ee soo saara shidaalka iyo kuwa maalgaliya , iyadoo loo tusayay sida ugu casrisan qaab electronic ah iyo buug warbixin dhan ay ku qoran tahey ayay maclumaadkaas ku baxayeen .

Wararkii bilihii la soo dhaafey ay suuqa wareejinayeen siyaasiyiinta hore ugu soo fashilmey hogaanka talada dalka iyo kuwa ku kacey khiyaano qaran ayaa meesha lagu arkin markii uu furmey bandhigaan.

Dowlada Soomaaliya iyadoo masuul ka ah dadka iyo dalka waxay ku soo bandhigtey halkaas kheyraadka dalkeeda oo ku cad xuduuda dhul bad iyo cir taasoo meesha ka saartey murankii bada ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya ayna sababteeda lahaayeen kuwa bulshada marin habaabinaya maanta.

Hadii shaley aad arki jirteen shir Soomaali loogu tuugsanaayo , Maanta waxaan mareynaa shir Soomaaliya ku soo BANDHIGEY ee kheyraadkeeda .taas ayaa ah guusha iyo qabka dadka iyo dalkeena sharafta badan.

Colaada aynu joojino
Waa barwaaqo dalkeennu

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Powered by WordPress