2 diyaaradood oo isku dhacday, xadka Talyaaniga iyo Faransiiska

Khasaarahan ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaanno helicopter-ka iyo mid nooca yar yar ah. Kooxaha gurmadka deg degga ayaa 2 qof oo dhaawac ah ka helay goobta ay diyaaradahan ku burbureen, sida ay bartooda twitterka kusoo qoreen mas’uuliyiinta waaxda bad baadada buuraha ee talyaaniga , oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaanno (CNSAS).

Shilkan dhimashada sababay ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Rutor glacier oo u dhow magaalada Aosta.

Labo diyaaradood oo ay la socdaan dhaqaatiir iyo kooxaha gurmadka deg dega ayaa loo diray halka uu shilka ka dhacay, sida ay xaqiijinayso CNSAS.

Shaqaalaha samata bixinta ayaa wata qalabka biraha lagu jaro, si ay badnbaadiyaan dad kale oo ay suurta gal tahay iney noolyihiin, iyadoo dadka halkaas ku dhaawacmayna loo qaaday isbitaallada.

Ilaa iyo hada ma cada sida uu shilku u dhacay iyo cidda saarmneyd labada diyaaradood ee isku dhacday.

Warbaahinta talyaaniga ayaa soo tabisay in isbitaalka Aosta uu howl galiyay waaxyaha gurmadka deg degga ah iyo tiyaatarrada qalliinka lagu sameeyo, si ay u caawiyaan dadka ku dhaawacmay shilka diyaaradeed.

Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli uu meel xun marayo xiriirka diblomaasiyadeed ee waddamada Talyaaniga iyo Faransiiska.

Dhawaan ayey dowladda Talyaaniga ku eedeysay Faransiiska inuu ka mid yahay dalalka booha hantida Afrika, hadalkaas ayaana si weyn uga careysiiyay dowladda Faransiiska.

BBCsomali

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress