WAAR HOY NABAD IYO NOLOL HALA WADA QARAABTO YAAN LA IS QALICIN

QABYO NINKEEDA AYAA DHAMAYSTIRA

Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay meel uu ka hadlayay, waxa uu eedeeyn uu u meel dayin dusha ka saaray Dowlada Federaalka Soomaaliya, ka dib eedeeyntaas ayaa waxaa qoraalkan JAWAABTA ah u soo diray. Abdullahi Sheekh Hassan oo ah Wasiirka Dastuurka maamulka Koofur Galbeed. AKHRIS WACAN.

Allaa Mahad oo dhan leh.

Intaas kadib inta itaqaana waa ogtahay in aanan ka mid ehayn taageerayaasha Nabad&Nolol, laakiin waxan rabaa wadaadkaan Xagjirka ah ee taariikhda hore Xusuusan laakiin iloobay 2012- ilaa 2017 wixi Dalka kadhacay iyo Cidii Madaxda ka eheed in aan Xusuusiyo hadiiba Maskaxdiisa Meeli kabanaantahay.

1- Xasan waxa ow yiri uma baahnin Dowlad gacan adag Dadka ku qabata ayada oo adeegsaneeysa Ciidanka Qaranka waa dhab laakiin

Yaa Madax ka ahaa tii shacabkii degenaa Dhabarka danbe ee schoolka 21 October shacabkii deganaa qaarkoodna Sharci kudeganaa qaarana qaxooti ku’ah Ciidanka qaranka u’adeegsatay kadibna shirkadaha gaarka loo leeyahay ka iibsatay?

2- Yeey aheed Dowladdi 6000 kun oo shaqaale Xamaaliya xoog shaqada uga eriday kadibna shirkada Shisheeye ka iibsatay?

3 Xaga Caburinta yaa Madax ka ahaa Dowladdi warbaahinta Muqdisho xarumahooda Ciidanka qaranka u’adeegsatay Xabsigana utaxaabtay?

Agaasimayaashi iyo wariyaashi ka howlgeli jiray ayada oon Garsoor loosoo marin?

Yaa xabsiga dhigay Masuuliyiinti warbaahinta iyo weriyeyaashi Idaacadaha sida

1-Agaasimihi Shabeele Abdimaalik

2-Agaasimihi Kulmiye Agwan Guure

3- Agaasimihi Dalsan Hassan A geesey

4- Maamulki Tv Universal Abdullahi Xersi

5-Allaha unaxariistee Awill Daahir Salaad?

Lunsashadi Hantida Qaranka

1-Yaa iibasaday Haamihii Patrolka?

2-Yaa iibsday wershedi Baastada?

3- Yaa iibsday dhulkii Wasaaradda Gadiidka ee Raadaarka?

4- Yaa iibsaday Dhulki Somali Airline?

5- Yaa iibsday Warshaddii Sifeeynta Batroolka?

6-Yaa iibsaday Beerti Xuriyada Tarebuunka?

7- Yaa iibsaday Labaddii Beerood ee Ceelgaab?

8-Yaa iibsaday Hotel SYL?

9-Yaa iibsaday dhamaan Ejebyadii shidaalka ee Muqdishu ku yiil?

10 Yaa qaadan jiray lacagta visa-ha feega ah ee Airporka?

11-Yaa qaadan jiray lacagta ID CARD-ka Dowladda hoose?

12-Yaa qaadan jiray lacagta Guryaha Xamar laga qaadi jiray?

Hadiiba intaas ninkii ka masuulka ka’ahaa meeshii asaga Cadaalada la horgeeyn lahaa asagii uu Dacwad qabo Soomaaliya Nasiibkeed.

Intaas oo dhan mid lamid ah ama u ekaan karta Nabad Iyo Nolol kuma kicin kuma dhaqaaqin Hanti dadweynana maqaadan mana dhicin.

W/Q. Abdullahi Sheekh Hassan

OGOOW RUNTA DACAR WAA AY KA QARAAR TAHAY.

⭐Nabad iyo Nolol⭐ Soomaaliya Ha Noolaato✊🇸🇴️✊

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress