Holhol Oo Lagu Qaatay Lacag Dhowr Malyan Ah

Sida aanu ku helayno xogaha dahsoon ee biya kama dhibcaanka ahi, waxay tibaaxayaan in shirkaddii Kanooko ay ku bixisey qodista ceelasha holhol lacag sadex malyan oo hordhac ah, yaa lacagtaasi gacanta loo geliyey?

Xogta aanu helnay waxay sheegaysaa lacagtaasi sadexda milyan ee dollar waxaa loo dhiibay Horgale Cali Khalif Galaydh, isaga ayaana maamulaya.

Waxaana loo qorsheeyey in deegaanada dhulbahante wax loogu qabto sida dhakhtarada MCHyada ah, dugsiyada iyo horumarinta arimaha bulshada, howshan waxaa iyaguna qayb ka ah maamul beeleedka Somaliland oo durba maleeshiya beelaad u diray deegaanka holholeed…

Hadaba dawlada federaalka soomaaliya iyo maamulka puntlandba waxaanu u sheegaynaa in ay arrinkaasi indhaha ku hayaan, dibna waxaanu idinka soo gudbin doonaa qoraalladii xaqiijinayey xogtaasi dhagaraysan…..

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress