Kooxyar Oo Xaflad Ku Sheeg Khiyaamaysan, Reeraysan Ku Qabtay London

Waxaa ayaan daro ah in ay weli jiraan koox yar oo xaafadaysan oo magacii saqiiray ee Khaatumo mar meel yar isla soo taagaya, iminkana waxayba keeneen inay xaflad yar oo gacanku rimis ah ku qabtaan magaalada London, balse waxaanay ogayn inay tahay maad iyo wax lagu qoslo…..

Berisamaadkii Khaatumadii caafimaadka qabtay, intii aan loola gelin maamulka Muuse Biixi ee isagu dhabarka u soo jeediyey khaatumo khiyaanadii uu hormoodka ka ahaa Cali Khaliif Galaydh, ogaalkay hoolku habeenka la xusayo sanadguuradeedda, waa la soo buux dhaafin jirey, balse xafladan ay kooxdan yari wadatay afartoo xabbo ayaa timi, oo isku jifo hoose ah iyo labo xabbo oo lagu qurxiyey oo jifooyinka kale ah, si wax loo indha sarcaadiyana, mikrafoonka ayaa lagu maamusay!!!…..

Hadaba mar haddii uu xabaal ku hubsaday adeerkeen Cali Khaliif Galaydh, maxay tahay waxa kooxdan yar shidada ku haya? Maxaase keenay in ay la shir yimaadaan Khaatumadii uu adeerkood Xabaalay, oo ay maanta dad badani soo hadal qaadkeeda ay ka xanaaqayaan?!!!Mise xaalkoodu waa ciddiyo ku dagaalan iyo is muuji inaad weli jirtaan?!! War Ilayn nimaan quusanin isagaa quus ah!!!!.

Waxaa iyaduna wax lala yaabo ahayd, Dadka ay ruwaayadan ula imaanayaan ma waxay moodayaan inay ka caqli badan yihiin, oo aan la fahamsanayn xafladoodan bakhti afuufka ah, ee wadihii Markabkuna ka goostay!!!!……

Teeda kale Berisamaadkii Khaatumadu waxay lahayd hadaf cad, oo uu budh dhig u ahaa midnimada soomaaliya waa lama taabtaan, mar hadii uu adeerkeen Cali Khaliif Galaydh uu ku daray maamul goboleedka Somaliland, sidaasina ay ku god gashay, tolow kooxdan yar ee iska jibaysani iyaguna xagee bay dhaanka ku fureen?!!! Qof sheegi karaa inaguma jiro!!!…

Ugu dambayntii waxaynu odhan karnaa kooxda yar ee xafladan bakhti afuufka ah soo abaabushay khaatumo taageerid iyo dhulbahante isu keenid umay qabanin, aarmay u xiiseen qiiradii iyo baroortii la isula imaan jirey?!!!!….

La socda qaybaha kale….

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress