Maxaa Sababa In Sarifka Lacagaha Dolarka iyo Shillin Somaliga La Xakamayn Kari Waayo Deegaanada Puntland.

1$ Qiimahiisa Bedelka ee Shilinka Soomaaligu Waa 36000 oo Shiling Somali ah Dhammaanba Deegaanada uu Ka arimiyo Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Waana Meelaha Xalka Loowaayay Usal Dhigida Meel Ku Haboon Isku Bedelka Lacagaha 

Somalidu waxay Ku maahmaahdaa Raqo Ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo oo Aan ula Jeedo Meel Dowladii ama Maamulkii Ka Talinayay uu Cashuuraha Ku qaadayo Lacago Shisheeye Sida Dolar Sidee Shilinkeeda Xal Loogu Heleyaa.

Runtii Way Adag Tahay Inta Dowladdu Cashuuraha Ku Qaadayso Dollarka Mushaharaad kana Ku bixinayso Dollar in Xal Loo Hello Masiibada Ku Habsatay Shilinkeeni.

Ragu Libin Waakii Isku Qiree Deegaanada uu Ka Arimiyo Maamulka Somaliland Waxay Ku Guulaysteen kuna Amaanan yihiin Fadhiisinta Sicirka Lacagaha Lagu Kala iibsado waloow sicir barar Kii oo masiibo Soomaali oo dhan haysata aanay weli Xal u helin hadana Qiimaha Dolar Ka way sugeen Waxaanay Ku hubsadeen Meel Ku Haboon oo Qofkii Iskudaya inuu wax Ka bedelaa uu xadhig Ku mutaysanayo

Arintaasna waxaa sabab u ah Maamulka Somaliland Gebi Ahaanba Cashuuraha uu Qaado waxaa uu Ku bixiyaa Shilinkiisa Dhammaanba Mushaharaadka Shaqaalaha Dowlada iyo Ciidamadaba waxaa uu Ku bixiyaa Shilinkiisa Waana Sababta uu Majaraha Iyo Jaangoyntiisa Gacanta ugu Haayo.

Hadaba Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Mudane Siciid Abdulahi Deni Wax Maka Bedeli Doonaa Jahawareerka iyo Dhibaatppyinka Lacagaha Soomaaliga iyo Dolar Ka iyo Sicir Bararka Ragaadiyey Nolosha Dadka Danyarta Ah ee Reer Puntland Somalidu 

Talo Siin Guud Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Mudane Siciid Abdulahi Deni 

Haday Ka Go,an tahay Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Siciid Abdulahi Deni inuu Xaliyo Dhibaabatadan Waa Inuu Cashuuraha Dalka Lagu Qaado Shilinka Soomaaliga Mushaharooyinka Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamadaba Lagu Bixiyaa Shiling Soomaali Qiimaha Dolarkana u saaraa Khuburo Ka shaqaysa sidii hoos loogu dhigi lahaa Meel Ku haboona loo fadhiisin lahaa looguna hayn lahaa 

Waa Sxbkiin Eng Mohamoud Salleban Eidle Garowe Nugaal Puntland Somalia
Taladaydu Waa Bilaash Yacnihi Waa Lacag La,aan Free Advice Mahad Sanidiin Mudane iyo Marwo…

www,ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress