Kooxdii Magaca Khaatumo Ku Qadhaabanaysey Oo Soo Saaray Go’aamo Ku Sheeg Lagu Qoslo!!

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada la haysto ee Laascaanood iska soo xaadiriyey kooxdii fashilantay ee uu hogaanka u hayey Cali Qoorgaab, berende daahyo shiidda loogu xidhay ayey soo fadhiisteen iyagoo ahaa dhowr qofood oo ururis ahaa, kuwo cusub oo aan horey uga tirsanaan jirin oo indha adag iyo kuwo horay Cali Qoorgaab sax iyo khaladba u hareer taagnaa, oo wixii ay umaddu u igmatayba ka doortay waslada hilibka iyo qaraha, ee makhaayadaha buugaagta biilasha looga furay.

Hadaba horgale  Maxamuud Shiikh Cumar Xasan iyo Cali Khaliif Galaydh(Cali Qoorgaab), waxay kulan ku sheegoodaasi gacan ku rimiska ahaa ay ku soo saareen laba qodob oo aad loogu qoslay, kana turjumaya huuhaada iyo beenta ay isku madadaalinayaan, mindhaa iyagoo qaba in ay jiraan dad beentooda rumaysan karaa, waana kuwan labadii qodob ku sheeg:

_In la Ansaxiyey mudo kordhin loo sameeyey Baarlamaanku sheega Khaatumo mudo sanad iyo badh dheeraada.

_iyo In Xilkii laga qaadey Xildhibaan C/Shukri Shiikh Yuusuf oo lagu eedeeyey inuu ka hor yimid Shuruucda Baarlamaanka Khaatumo .

Bal aynu isyar dul taagno waxay ay ugu yeedheen qodobada, balse waad dareemi kartaa inay ka yimaadeen madax aan deganayn, kan muddo kordhinta ay ku sheegeen horta maalinba meeshay isugu yimaadaanba muddo kordhini waa ina daanweyne, tana waxaa uga horeysey tii widhwidh ay isku caano shubteen markay ogaadeen in uu kaa aamin baxay shacabkii awal hiil iyo hooba dhinac taagnaa….

Waxaana sheekadan daba ka riixaya Cali Qoorgaab oo ku talagalay inuu abidkiis khiyaalkaasi ku noolaado, waxoogaa shillimaad ahna uu ku qaato, intan yar ka daba raxlaynaysaana duulduulkooda ayey ku qabaan, iyo weliba wasladooda hilibka iyo jeexa qaraha ah ee u xaasilka ahaa, waanay ku talagaleen in aanay ka xishoonin bulaacada ay dhex fadhiyaan…..

Qodobka labaad ee ay ugu yeedheen xilka qaadista Cabdishukri Sheekh Yuusuf, waa qodob aad iska arkaysid maskax fadhida oo degan in aanu ka imaanin, maxayse tahay sababta ay xilku sheegooda uga qaadeen, wax kale maahee cabdishukri wuxuu fahmay xaqiiqadii, inuu bulaacad dul fadhiyo iyo inuu isaga tagana wuxuu doorbiday inuu isaga tago, shaadhkiisana uu ka ilaashado wasakhda….

Hadaba labada beenaale ee kala ah Cali qoorgaab iyo Sudhayo maadaama ay dhanka maskaxda wax ka qabaan, waxaaba ka dhaadhacsan waxan ay isugu habarwacdeen inay ka iibin karaan shacabka SSC oo maanta ka midaysan xoraynta deegaanada maqan, waana suuragal in dhamaantoodba nolol lagu wada qab qabto….

 

www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

One Response to “Kooxdii Magaca Khaatumo Ku Qadhaabanaysey Oo Soo Saaray Go’aamo Ku Sheeg Lagu Qoslo!!”

  1. Ali says:

    Waxan iskuba xishoon mayaan yaa yiri waa caadi weli ma qaarbaa daba socda cudur khaliif tuugan waalidu uraacday.mase lahubaa kuwakale laftigoodu inay caafimaad qabaan.bastares malin ay noqotaba qoorta waa la idingoyn cidmag laweydiinayana majirto tuugayahay tuugada kale la.arag

Powered by WordPress