Garabkii Mr Galaydh Oo Muddo Kordhin Isu Sameeyey, Xilli Shacabka Khaatumo Ay Ka Aamin Baxeen

Wararka aanu ka helayno magaalada widhwidh waxaa dhawaan isugu tegay garabkii Mr Galaydh oo ay intii hore tiradoodu ka sii yaraatay ka dib markii ay in badani iskaga huleeleen maamulkan madax ka noolka ee uu jeebka ku sito Mr Galaydh iyo gacanyarihiisa Sudhayo.

Hadaba intii aanay goobtaasi isugu tegin wuxuu Sudhayo isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle uu ku dhawaaqay in la isugu yimaado kulan wada xaajood oo uu ku waday inuu buuhoodle ka qabsoomo, hase ahaatee awalba ma u ahayn nin wax awood ahi gacanta ugu jirtee, waxaa soo xaadiray ilaa sadex xildhibaan ku sheeg intii kalena waxay isgeeyeen Widhwidh, ka dib markii saadka loogu diray maalin dagaalkooda….

Mr Sudhayo oo ah nin aad u wejiyo badan balse jeebka Mr Galaydh ku jira, wuxuu buuhoodle kula kulmay laba dumar ah oo xilal waraabe u taag ah u hayey Mr Galaydh, iyaguna waxay ka codsadeen in aanu Widhwidh aadin ee ay xildhibaanadu yimaadaan Buuhoodle, waxooga faralaab ah ayaanay u dhiibeen….

Hase ahaate Mr Sudhayo oo ah qof wejiyo badan, oo marba eegta meeshii ay dantiisu ku jirto, shillimaadkana uu ka helayo, dabadeedna wuxuu ka guureeyey buuhoodle si qarsoodi ah qolyo arkayna wuxuu ku yidhi habeen uun baan maqnaanayaa, balse xaalkiisu wuxuu ahaa madmadoobe alla ku yaqaan!!!!…

Ka dibna labadii dumarka ahaa ee ay magacyadoodu kala ahaayeen Maryan Goonle iyo Safiya Cali Caateeye naxdin iyo anfariir bay ku noqotey ballankii uu kaga baxay Mr Sudhayo oo intii hore isu bihinbihiyey, si uu markaasi waxoogay shillimaad ah uu uga diirto.

Maxaa Ka Dhacay Widhwidh?!!

Kooxdii garabka Mr Galaydh ee iyagu halkaasi isku uruursaday waxay bilaabeen inay isku qiiroodaan, wixii ay been isu sheegi karaana ay isu sheegaan, taasina waa xaalka amaba sifaha lagu yaqaano kooxaha maafiyada, dabadeedna siday caadadu ahayd waxay isugu dhufteen muddo sanad kordhin ah, iyagoo markaasi ku afgobaadsanaya xilli adag oo ay yidhaahdeen waa lagu jiraa….

Waxaana la soo sheegay in ay halkaasi ku kala qaateen shillimaad yar oo loo soo dhiibay Mr Qoorgaab oo awalba muraadkiisu ahaa in sanad been ah loogu kordhiyo, sidaasina uu ku hawlgalo….

www.ruugcadaa.com

 

 

 

 

 

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

One Response to “Garabkii Mr Galaydh Oo Muddo Kordhin Isu Sameeyey, Xilli Shacabka Khaatumo Ay Ka Aamin Baxeen”

  1. Mohamed says:

    Reer dhan oo hal nin qadiyadooda iyo jiritaankooda jeebka ugu jiro.

Powered by WordPress