Mr Galaydh Oo Hadalo Deelqaaf Ah Kula Dul Dhacay Madax Dhaqameedyada!!

Mudane Galaydhoow inta aanan u guda gelin ka hadaan celinta hadalada deelqaafka ah ee afkaaga ka soo burqanaya, hadii aad ku fashilantay hogaamintii laguu cumaamatay, xaalkaagu ma wuxuu Isugu soo Biyo shubtay “waxba dhowrsan maayne allow roob dhagaxaan wataa soo daadi!”.

Horta waa ayaan daro Horgale Galaydhoow in aad iska daba dhigatid madax dhaqameedyadii ay cumaamada saarteen qabiilooyinka dhulbahante, balse waxaa isweydiin mudan maxaa keenay in aad ku tilmaamtid wax aanay mudnayn amaba aanay geyin?!!!…

Bal qabsoo waxay kaa diideen gunimadii aad is maaganayd shacabkii masiirkooda kugu aaminay iyagoo islaha waa kii idin barwaaqayn lahaa….

Ku darso waxaad damacday inaad khiyaamaysid, ka dibna aad ku meel gaadhid balse waxaad ku dilaysaa maxaad ii fahamteen…

Ku sii darso markay arkeen waxaad maagan tahayiyo qudhunka kuu qarsoon, kugumay shimbiro waaqlayn ee aayar bay kaa siibteen waana siduu dhaqan ahaan jirey!….

Ma ay dhicin in ay ku jawaabaan kulana googaalaystaan, waxaanay sidaa u yeelleen ma doonayaan inay qiima ku yeellaan maadaama ay ogyihiin inaad noqotey hogaamiye fashilmay…

Tan kale markaad leedahay waa rag mushahari ah oo la masruufo, war adigu bal dib isu eeg intaad iyaga wax ka sheegaysid, mise adiga iyo naftaadu isma ogidin oo waad is khiyaamaysaan!!!!!…..

Teeda kale  waxaan leeyahay aqooneey xaal qaado Mar hadiiba uu Galaydh yahay Barafasoor!!!, wuxuuna u muuqdaa nin ciil hadlaya kuyee nimankaasi mid baaba dhintay dhawaan, hada ma uu raacinin alla ha u naxariisto!!!…

Hadaladaasi jeesjeeska iyo ku wiirsiga ah ee uu kula dul dhacay madax dhaqameedyada, wuxuu kaga farxinaya midhadhkii isaaqa ahaa ee casuumay!!, wataasi han yaraantay madax dhaqameedyadu ku arkeen kagana tageen!!!.

Ugu dambayntii Horgale Galaydh markii uu ku fashilmay hadafkii iyo himiladii loo igmaday wuxuu hada doonayaa inuu ku galgasho madax dhaqameedkaa SSC oo horay u cadeeyey in aanay raalli ka noqonayn in shacabka SSC beel kale la hoos geeyo!!…..

Www.ruugcadaa.com

 

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

2 Responses to “Mr Galaydh Oo Hadalo Deelqaaf Ah Kula Dul Dhacay Madax Dhaqameedyada!!”

  1. Mohamed says:

    Prof: Cali Khaliif maaha aqoonyahan ee waa idiot!!!
    Waa nin u nugul in a jilicsan iidoorka, hase yeeshee ku firfircoon cayda iyo ilhaanada tolkii. Waa aqoonyahan lagu qasaaray,lagu hungoobey, waana shaqsi cuqdad qaba oo caloosha hooyadii kala soo baxay!!!

  2. Mohamud dadqal says:

    Waxaa ka dhaadhacsaneyd inuusan siciid harti ku jirin nin hadal kusoo celin kara! Soomaali qabiil bay maanta isku dugsataaye waxauu rabey inuu siciid harti cidla ugu xiro iidoor oo ka gooyo walaalahood!
    Macal cune la arki doone halka awrku uu ku furo!

Powered by WordPress