Hooyo Naxariisteeda Lama Soo Koobi Karo!!

Nin sawir qaade ah oo ku sugnaa Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa isagoo sawiro ka qaadaya meel dooxa iyo keyn ah oo ay ku nool yahiin xayawaanka duur joogta ayaa waxuu si kedis ah u arkay Laba Shabeel oo weerarey qabsadayna Deero wakhti ay ubadkeeda yar yarka ah la ciyaaraysay.

Deeradu fursad ay ku cararto oo ku bad baadiso nafteeda waa ay haysatay balse waxay go’aansatay in ay cunaan oo quud u noqoto Shabeeladan si ay u bad baadaan ubadkeeda oo hadii ay iyadu cararto iyaga aysan ka bad-baadi karayn Shabeelka.


 

 

 

 

 

 

 

Sawirkan waa daqiiqadihii nolosheeda ugu dambeysey iyo eegmadii u dambeysey si ay hubiso in ay carareen ubadkeeda inta aan iyada la cunin ka hor.

Sawir qaadaha oo ka hadley waxii uu arkay ayaa sheegay inuusan weligaa iloobi doonin dhacdadaa raad aad u weyna ay naftiisa ku reebtay.

Sawirkan tobankii Sannadood ee u dambeeyay sawiradii la qaadey kuwa ugu wanaagsan uguna saameynta badan ayuu dunida ka noqday.

Hooyo mar kasta naxariisteedu waa mid aad u balaadhan Alle ayaana ku abuuray.

Fadlan walaal adigoo mahadsan la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii Abdilahi Nour Colomboo

Www.ruugcadaa.com

FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress