Dhismaha Masaajidka Magaalada Jiroole-Amin ee Degmada Kismaayo Oo La Dhamays Tirey.

 
Iyadoo uu mudooyinkan uu ka socdey Tuulada Jiroole-Amiin oo Hilaadii 47km koonfur galbeed kaga aadana degmada Kismaayo dhismaha masaajidka magaaladasi ayaa maanta la soo gabagabeeyey,.

Dhimaha masaajidkan oo ay gacanta ku hayeen Cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka beesha Saciid Harti ee reer Jubaland ayaa waxaa qayb weyn ka qaatey Qurbe joogta u dhalatey deegaanka ee ku kala maqan daafaha dunida.
Ceif Caaqil Yuusuf Haybe Abakor oo ugu horeyn warbaabinta la hadlayey ayaa waxaa uu mahadnaq dabadeed waxaa uu sheegey in magaaladda oo dhawaan ka Aasaasey ay ka dhiman yahay Dugsi Qur’aan isagoo dhanka kalena ugu baaqey Qurbe joogta in ay dhistaan Dhulkii ay Seesteen ee Magaaladda Jiroole Amin.
Nabadoon Maxamuud Aadan Jiciir Iyo Axmed Kayd Dhamac ayaa iyaguna u mahad celiyey Jaaliyadda Beesha Dhulbahante ee reer Jubaland ee ka qayb qaadatey Dhismaha Masjidka iyo Aasaaska Magaalada Jiroole-Amin.
Magaaladda Jiroole-Amin ayaa waxaa la Aasaasey 2009 waxaana ay 47 km dhanka koonfureed ka xigtaa degmada Kismaayo,iyadoo ku taal dhul daaqsimeed iyo mid xeebeed ku haboon dhaqashada Xoolaha iyo ka faaidaysiga Khayraadka Badda,waxayna Daris la tahay Jasiiradda Caanka ah ee Kooyaabe oo uu deganaan jirey Saciid Barqash.
13140727_10209079104155723_1907214062_n13115688_10209079190197874_1900723446_n13115653_10209079098675586_1827699269_n13101556_10209079167597309_472544298_n13081926_10209079154156973_555880641_n13081613_10209079135796514_1605410553_n13115653_10209079098675586_1827699269_n13140905_10209079088235325_866335168_n13140905_10209079088235325_866335168_n
C/casiis Saleebaan Axmed
Jiroole-Amin
Kooyaabe
Kismaayo.
www.ruugcadaa.com
FacebookTwitterGoogle+Share
Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed.

Powered by WordPress