Archive for December, 2018

Doorashada Puntland: Iska akhriso ha ba dheeraado e.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, “wadaantii isha ka qaloocata faylka ayaa ay la tagtaa”. Waxa ka le oo ay ku maahmaahaan, ” laba is haysta haddii aad aragto heshiiskoodii hore ayaa xumaa”. Maamulka Puntland waxa wada dhistay tol wada dega oo ka la dega deegaanno lix gobol oo 18-kii gobol ee Soomaaliya ka la hoos […]

Share

Cabdiraxman Faroole Oo Soo Bandhigay Waxqabad La’aantii Cabdiweli Gaas Oo Quus Taagan

Halkudhig baa ahaa Rag is galay kala gallad La’, madaxweynihii horey u soo maray Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan aqal ka sare ee dawlada federaalka soomaaliya, alla muxuu toosh weyn ku ifiyey Cabdiweli Gaas Oo uu haatan waagu ku beryey.

Share

Danta Puntland baa ku jirta Doorashada Dr: Cali Ciise.

Heer #Caalam iyo heer #Qaran ba hadduu ku guulaystay, inuu #Hoygiisa ku soo laabto waa himilo cusub.Dr. Cali Ciise Cabdi waa haldoor caalami ah oo dunida wax badan u soo qabtay. Waddamo waawayn oo African iyo Carab ba leh buu abaal u galay oo dhisitaanka dhaqaalohooda iyo fadhiisinta miisaaniyadooda gacan ka gaystay.

Share

Xaasid Iyo Dhabcaal Midna Faa’iiddo Malaha!!

Waxa la yidhi Nin Boqor ah oo xukumi jiray mid ka mid ah Boqortooyooyinkii Qadiimiga ahaa ee dunida soo maray , ayaa Maalin maalmaha ka mid ah Casuumay laba Nin oo ka mid ahaa dadkii degenaa Magaalada xarunta u ah maamulkiisa. Labadaas nin ee uu Boqorku casuumay waxay kala ahaayeen Ninkii Magaalada ugu Bakhayl sanaa […]

Share

DR Cali Ciise Cabdi Oo Imaanaya Garoowe,Oo Una Sharaxan madaxweyne

Wararka aanu helaynaa waxay sheegayaan Dr Cali Ciise Cabdi iyo wafuud uu hogaaminayaa waxay ku soo fool leeyihiin magaalada Garoowe, inkastoo ay shalay baaqdeen.

Share

Ku cashee digir habeenkii

Digirtu waxaa ka buuxa faaiiddooyin badan oo ay ka mid yihin 1-protein ,proteinka laga helo digirta waxaa ku yar baruurta. 2-digirta waxay qani ku tahay oo ka buuxa maadada irone ka oo ah maado ka hortagto dhiig yarida. 3-digirta waxay kor u qadaa xasuusta iyo garaadka sababtoo ah waxaa ka buuxa vitaminka B1 oo ah […]

Share

Dalkayga_Basaasi_Maayo

Waxaa ka soo wareegtey sadex sano, markii si qassab ah la iiga soo saarey Dalkii aan deganaa, waxaa maskaxdayda ka guuxaysey hadal nin maalin igu yidhi oo ahaa “Waxaan kugu Celin doonnaa Dalkii Gaajada”.

Share

Dr Cali Ciise Cabdi Ma Isu Soo Sharaxayaa Madaxweynaha Puntland Sanadka 2019ka?!!

Markaad fiirisid baraha bulshaweynta soomaaliyeed ay wararka ku kala qaataan waxaa buux dhaafiyey hadal haynta Dr Cali Ciise Cabdi oo ay leeyihiin wuxuu isu soo taagayaa doorashada madaxweynenimada Puntland ee sanadka 2019ka, warkaasi maxaa ka jira?

Share

Induniisiya: Dhulgariri cusub oo laga cabsi qabo inuu ku dhufto iyada oo Folkaana Krakatau uu markale qarxay

Dadka ku nool deegaannada ku dhaw meesha uu ku qarxay Filkaanaha Anak Karakatau ayaa looga digay iney xeebaha ka fogaadaan maadaamaa Folkaanahaasi ay ka dhalan karto dhulgariir horleh. Maalinti Sabtida Dhugariir ku dhuftay jasiiradaha Sumatra iyo Java ee dalka Induniisiya waxa ku dhintay ugu yaraan 281 qof iyada oo ay ku dhaawacmeen dad ka badan […]

Share

Khilaafka u dhaxeeya Axmed Madoobe & baarlamaanka Jubaland oo sii kordhay

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka u dhaxeeya maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Golaha Baarlamaanka maamulka Jubaland, iyadoo arrimaha ugu waaweyn ee la isku heysto ay ka mid yihiin meel marinta sharciyo uu maamulku doonayo inuu marsiiyo Baarlamaanka.

Share

Dagaal-yahankii “ugu xumaa” ee soo mara Colombia oo la dilay

Hoggaamiye mucaarad ku ahaa Colombia ayaa la helay isla markaana la dilay, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi. Walter Arízala, oo caan ku ah magaca Guacho, ayaa lagu raad joogay, isagoo loo haystay dilka weriyeyaal u dhashay dalka Ecuador iyo darawalkooda horraantii sanadkan.

Share

SI AAYAN TAARIIKHDU U LUMIN (Xaji Faarax Xayd)QAYBTA 6AAD

Decembar 15, magaalada Addis Ababa dagaal ka bilowday oo diyaarado** bilaabeen inay magaaladii duqeeyaan. Waxaan kale oo maqalay in boqor Xayle Silaase ku soo laabtay dalka oo ku soo degay saldhiga ciidamada Maraykanku lahayeen Ethiopia oo la odhan jiray Kagnew oo ku yaalay Asmara.

Share

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya “Mooshinkii wuu buray

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa war saxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay in mooshinkii xil ka qaadista ee laga soo gudbiyey Madaxweynaha JFS Sagaalkii bishaan uu Jabay.

Share

Muuse Biixi Mustafe Cagjar Oo Kulmaya

Wararka aanu ka helayno magaalada Jigjiga waxay sheegayaan berito waxaa Kulmaya Muuse Biixi iyo madaxweynaha Somali State Mudane Cagjar, goobta loo qoondeeyey kulankaasina waa degmada Wajaale oo hada qabanqaabadii ka Socoto.

Share

Mareykanka Ayaa Soomaaliya Siinaya Lacag Gaadhaysa $900 million!

Mareykanku wuxuu sheegayaa in howlihii banii’aadnimada uu ku dari-doono kaalmo kale oo dhanka waxbarashada, deyn cafinta, shaqo-abuurka iyo dowladda wanaagga ah!

Share

Waa Kuma Mulkiilaha Sahan Research Oo Ay Dowladda Soomaaliya Shaqo Joojinta Ku Sameysay

Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay shaqada kaga joojisay hay’adda cilmi-baarista Sahan Research oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, xafiis-yana ku leh Muqdisho, Hargeysa iyo UK.

Share

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay hadallo qabsaday baraha xiriirka bulshada

Xilli ay sare u sii kaceyso xiisaadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isbuucyadii la soo dhaafay ayuu qalalaasahan galay wajiyo cusub. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo khudbad dheer jeediyey mar uu la hadlayey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dooxa, ayaa u muuqday in uu ka hadlayay khilaafka taagan, wuxuuna sheegay […]

Share

Kii Hunguri Wadaaba Ha Ku Hadaaqo Gobolka Sool Baan Xoraynayaa!!

Maamul goboleedka Puntland waxaa la filayaa 08/01/2019 in ay ka qabsoonto doorashadii madaxweynimada Puntland oo iyadu ah mid ka duwan doorashooyinkii horey u soo maray, musharaxiinta qaarkoodna waxayba u muuqdaan kuwo aflaam matalaya iyo kuwo ku hadaaqaya gobolka Sool baanu xoraynaynaa, balse aan ka run ahayn ee uu xaalkoodu yahay awrku kacsi iyo kursi ku […]

Share

Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ilhaan Cumar

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaya iney loollan adag galiyaan haweenka muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar. 

Share

Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Looska.

Loosku waxa uu ka mid yahay qoys dhireedka loo yaqaan Fabaceae wuxuuna xiriir la leeyahay Digirta, Lentils iyo Soy wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa Latin America Waqooyiga galbeed ee dalka Argentina ama Koofurta Bari ee dalka Bolivia. 

Share

Waa kuma ninka 4,400 oo sano ku aasnaa Qabriga cajiibka ah ee dalka Masar?

Khubarada cilmiga dhulka ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday qabri noociisa uu dhif iyo nadir yahay oo aan la taaban muddo 4,400 oo sano ah. Mostafa Waziri, oo ah xog hayaha golaha sare ee dhowrista taariikhda dadkii hore, ayaa helitaanka qabrigan ku qeexay “Mid ka mid ah kuwii ugu xiisaha badnaa ee la ogaaday […]

Share

Maxaa loo aamini la’yahay Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur)?

Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saartay shalay markii la xiray Muktaar roobow, waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Share

Kulam Lagu Kala Boodey oo Caawa Dhex marey Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed .

Waxaa Fiidkii ka magaalda Muqdisho ka dhacay kulan ay soo abaabuleen Siyaasi Abdirahmaan Abdishakiir iyo Farah Shiekh Abdukadir oo ay la yeesheen hayada Culumada Soomaaliyeed. Ugu horeyn Culumadii markay goobta timid kulankiina la furey ayaa waxaa Cimaamad lagu soo duubay bahal lacag ah oo ay ragani ku sheegeen ixtiraam iyo sooryo ay u qaybinayaan culimada […]

Share

Maxaa Lagu xidhay Mukhtaar Roobow?!!

Sidaa la sheegay mukhtaar roobow iyo madaxweyne Farmaajo waxay isku ogaayeen Ayuu ka baxay mukhtaar roobow, wuxuuna ka beensheegay fikirkiisii xagjirnimada ahaa, maleeshiyaadna wuu sii diyaarsaday, maxaase ku dhacay?!!….

Share

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Xariga Mukhtaar Roobow

War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaarada Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in xariga Sheekh Mukhtaar Roobow ay ka dambeyso dowlada Federaalka.

Share

Gabadh Soomaali ah oo doorasho kaga guuleysatay ganacsade caaan ah

Haweeney soomaali ah ayaa loo doortay golaha deegaanka ee South Portland City ee dalka Mareykanka.  Deeqa Dhalac ayaa ka guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa deegaankaasi.

Share

Yuu Mursal kula kulmay safarkii Qubrus (Cyprus)?

Intii u dhaxeysay 15- 18kii bishii November ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya safar qarsoodi ah ku tagay Jaziiradda Qubrus qeybta ay maamusho Turkey, balse shaaciyay in uu dalka Turkiga u tagayo arrimo qoys, laakiin waa meesha ay ka soo billaabatay fikradda mooshinka.

Share

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea oo booqanaya Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea ayaa saakay la filayaa in booqashadii ugu horreeysay iyaga oo wadajira ku yimaadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Share

Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo oo buray

Warqad uu soo qoray xoghayaha guud ee Golaha Shacabka wuxuu ku sheegay in tirada xildhibaanada ee mooshinka soo gudbisay ay gaarayaan 78 isla markaasna aysan buuxin shuruudaha mooshinka looga gudbin karo madaxweynaha, sidaas darteedna uu buray.

Share

Madaxweyne Farmaajo Maxaa Lagu Haystaa?!!!

Waxaan ognahay soomaaliya inuu yahay wadan qaniya, oo barwaaqaysan, sidaasi awgeed wadamada imaaraadka iyo sucuudigu waxay u arkaan halis ku soo fool leh, si marka aanay taasi u suuragelin waxay carbisteen kuwo ay quudiyaan hadafyadoodana u meel marinaye, hoos ka akhriso qodobada nabad iyo nolol lagu haysto.

Share
Powered by WordPress