
Dhamaan Haweenka Beelweynta Maxamuud Garaad Waa Inaad Ka Soo qayb gashaan talafoon wadaagan. Waxaynuna iska waraysan doonaa qaabkii aynu u qaybsan lahayn kharashkii aynu ku curyaamin lahayn wiilashaasi xaqdarada loo xidhay….
Xog Sugan Iyo Dhexdhexaadnimo
Dhamaan Haweenka Beelweynta Maxamuud Garaad Waa Inaad Ka Soo qayb gashaan talafoon wadaagan. Waxaynuna iska waraysan doonaa qaabkii aynu u qaybsan lahayn kharashkii aynu ku curyaamin lahayn wiilashaasi xaqdarada loo xidhay….
Jawaasiista laga helay galka Sirdoonka Ethiopia ee Mushaarka joogtada ka qaadan jiray Xukumadda Addis Ababa ? 1- Xildhibaan Mahad Cawad – Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somalia, waxaa u qoran derajadda Korneyl. Sirdoonka Ethiopia 2- Jeneral Bashiir Goobe, Taliyaha Ciidanka Asluubta Somalia waxaa u qoran derajadda Jeneral. Sirdoonka Ethiopia.
Waxa aan sii wadanaynaa Dhaqankii boqor Xayle Silaase iyo cawaaqibkii laga dhaxlay. Waa dhaxal illaa maanta qiimo dilaya dadka Soomaaliyeed.
Qoraaga Caanka ah ee Mareykanka Tomas Friedman ayaa qoral u ku soo daabacay New York Times si ba’an iyo ereyo xun ku weeraray madaxweyne Trump, wuxuuna tilmaan ahaan ku cabiray inu yahay nin waalan oo marba marka ka dambeysa sii afar qaadaya kolba buur isku qaadaya isla markaana leh laba sifo xun xun oo midi […]
Wararka ka imaanaya Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magalada Jowhar uu dilay Xaaskiisa. Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Hoygooda oo ku yaalla Xaafada Hanti-Wadaag ee Magalada Jowhar, waxaana Maareeyaha oo magaciisa lagu soo gaabiyey Cali Dheere uu dilay xaaskiisa oo lagu Magacaabi jiray […]
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay dad Soomaali ah kula hadlay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, gaar ahaan dhacdooyinkii billihii ugu dambeeyay . Is dhexgalka Geeska Afrika Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu waayay hal qof oo sabab macquul ah sheega, oo ay tahay in looga baaqsado heshiisyada dalalka […]
Taariikhdu markay ahayd 01/06/2018 waxaa magaalada Diridhabe si sharci daro ah loogu xidhay laba wiil oo walaalo ah, asal ahaana ka soo jeedaa deegaanada SSC, waxaana magacyadooda la kala yidhaahdaa SHIRWAC CABDI MAXAMED oo dhashay 25/05/2003 iyo walaalkiis oo isna la yidhaahdo Khalid Cabdi Maxamed oo dhashay 10/04/2003, hadaba ummada soomaaliyeed gaar ahaan shacabweynaha reer […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha.
Waxaa magaciisa oo saddaxan uu yahay Sh. Cabdiwali Sh. Cali Cilmi Yare. Sida uu BBC u sheegay nin aqoon dheer u lahaa Sh Cabdiwali ayaa da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo lixdan sano. Sh Cabdiwali Sh Cali Cilmi Yare waxaa uu ku dhashay tuulo lagu magacaabo Laguraqsay oo Gaalkacyo qayaastii dhowr iyo lixdan kiilomitir dhanka Koonfur […]
Waxaa magaalada Hargeysa ka soo dhaqaaqay Muuse Biixi oo wata ciidamo kor u dhaafay todobo boqol oo askari, gobolada bariga burco ayuu ka soo bilaabay, jid loogu talagalay in waxoogaa kamaradaha lagaga duubo isagoo la lugaynaya bulsho la yidhi dhinaca Hargeysa ayaa laga soo kaxeeyey iyo in reer burco ah oo lagu qurxiyey, intaasina waxaa […]
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo Kamida Isimada Gobolka Sool ayaa Gebi Ahaanba Diiday in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Uu Booqdo Degmada Taariikhiga ah ee Taleex, Halkaas oo la Qorsheeyay in Uu Axadda Berri ah Booqdo Muuse Biixi, Sida ay Xaqiijiyeen ilo’ lagu Kalsoonyahay.
Wararka hoose ee aanu ka helayno magaalada Laascaanood waxay sheegayaan in weriyayaashii gobolka Sool dhamaantood waxooga dollar ah jeebadaha loogu shubay, ka dibna waxay istuseen in qaska Warbaahineed laga ilaaliyo socdaalka Muuse Shaani…
Sirdoonka Ethiopia ayaa soo gudbiyay faylasha rag Soomaali ah oo Sirdoonka maamulkii Tigray-da u ahaa jaajuusiin mushaar iyo darajooyin kala duman ku qornaa. Ceebta ugu weyni waa in dadka liiska ku jira qaar badan ay xilal sare ka hayaan dowladda haatan jirta iyo dowlad goboleedyada.
Xilligii ay sida yaabka badan shacabka SSC badankoodu ay ugu jibaysnaayeen Khaatumadii ay khiyaameeyeen kooxdii Horgale Cali Khalif, waxaa jirtay dhaqaale fara badan oo ku dhacay Jeebka Horgale Galaydh, il dambena aan la saaran.
Waxaa Halmar ayuu Isbedeley Jawiga Magaalada Lasanod oo markii hore ahaa mid nabdoon Abaara 3:15 Habeenimo Waqtigaas oo Dadka intiisa badani hurdo ku jireen kadib markii weeraro kala duwan lagu qaaday qaar ka mida saldhigyada magaalada lasanod.
Waxay ahayd xilli duhur ah Waxaan ku jirey Shaqo Maalmeedkayga , Wararkii aan diyaarinayey ayaa waxaa ka mid ahaa dhinaca Caafimaadka gaar ka Duruufaha adag ee ka jira gobolka dhinaca Caafimaadka , Waxaan isku diyaarinayey warbixin baahiyaha Caafimaad ee iminka ka jira gobolka .
Wararka aanu ka helayno gobolka Sanaag waxay sheegayaan jabhadda dulmidiidka ee kornayl Caare duullaan ku qaadeen degmada ceel afweyn oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan xukumada Muuse Biixi.
Wuxuu ka mid ahaa Soomaalidii wax ka dhistay dalka Imaaraadka, wuxuu ahaa shaqaalihii lagu bilaabay dekadda weyn ee Jabal Cali ee Dubai, markuu weynaaday ayuu dib ugu soo laabtay magaaladii uu ka yimid markii hore ee Geed-Deeble.
Masuul sare oo ka tirsan maamulka Somaliland oo ka dhawaajiyay in magaalada Berbera ay noqotay meel qashin sun ah lagu aaso.
Dawladda Imaaraadka ayaa xabsiga u taxaabtay haweenney u dhallatay dalka Marooko, ka dib markii la gu soo eedeeyay in ay dishay, oo hilibkiisii jarjartay, dabadeedna ay karisay, ayaa ay bariis ugu qalaysay shaqaale u dhashay dalka Pakistan oo ay magaalada Al-cayn ka wada shaqaynayeen.
Xilligii uu Siilaanyo ahaa mucaaradka ”Somaliland“ Cigaalna noolaa ilaahay hawnaxariistee ayaa aniga oo fadhiya makhaayad ku dheganayd Hutel Cadaani ee magaalada Burco goor barqo ah ayaan waxaan maqlay heestii Hibo Nuura iyo Maxamed Saleebaan Tubeec wada qaadi jireen ee” Geesiga dhulkii guusha u horseeda geerida dishaay geedkaa ha ba‘o“ oo gaadhi sameecado lagu soo rakibay […]
Abwaanad Roda Ibrahim Abdi Gurey (Afjano) ayaa mar kale tix gabay ah kaga qayb qaadatay nabadaynta labada qoys ee gobolka Sool colaadu ku dhex martay, tixdaasina wuxuu magaceedu yahay Dhab u walaalooba ayaa dhinaca kalena guud ahaan umadda Soomaaliyeed baraarujinaysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya.
Magaalada Garowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland waxaa maanta lagu qabtay dood looga hadlayay arrimaha la xiriira khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, taasoo dhex martay xukuumadda iyo dadweynaha.
Waxa habeenkii sabtida shir teleconference ah qabsatay hadhaadigii kooxdii khaatumo khiyaano, shirkaasina waxaa dhamaan ku jiray golayaal ku sheegii, taageerayaal dumar u badan, cuqaal iyo isimo la soo khalday.
Wararka aanu helayno waxay tibaaxayaan shalayto waxaa magaalada Laascaanood soo gaadhay boqor Burhaan oo ka soo kicitimay Qardho, maanta ilaa beritana Muuse Biixi ayaa ku soo fool leh, maxaa isku soo aadiyey?!!!
Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Waaxda Cadaaladda ee dalkaas ay diyaarinayso dacwado kadhan ah aas aasaha barta internet-ka ee WikiLeaks, Julian Assange. Mr Assange ayaa sanadkii 2012-kii u cararay safaaradda Ecuador ay ku leedahay London si uu uga baxsado eedaymo waqti dheer loo haystay oo la xiriira xad gudub dhanka galmada ah halkaas […]
Ragga Soomaaliyeed ee Ethiopia macruufka 60meeyadii ka ahaa waxa ka mid ahaa ilma Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Xaaji Farax Xayd, General Calwaan, Col. Farax Gaas, Sh. Cumar Azhari oo ahaa muftiga Ethiopia iyo Dhejaas Maaj Cabdillahi Faarax (Dhajaas Maaj Cagoole) oo ugu magac dheera Ismada Soomaali Galbeed iyo kuwo kale. Dad baan oo ila soo […]
Wargeyska Todobaadlaha ah ee ku hadla afka Daacishta ka dagaalanta Syria oo lagu magacaabo Al-Naba ayaa waxaa lagu soo daabacay in hogaamiyayaasha sar sare ee Daacish ay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ay kaga digayaan in wax is hor istaag ah aysan ku sameyn howlagalada ay Soomaaliya ka wadaan Daacish.
Masaajidda ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa salaadda janaasada looga tukaday wariye Jamaal Khaashuqji ee la dilay. Saalax jamaal oo ah wiil uu dhalay Khaashuqji ayaa ka qayb galay munaasabad aabbihii loogu duceynayey oo lagu qabtay magaalada Jiddah. Sida oo kale dad boqollaal ah ayaa ka soo qayb galay salaadda janaasada qaai’ibka oo Khashuqji […]