Archive for June, 2018

Nigeria oo lacag laga lunsaday loo soo celiyay

Xukuumadda Nigeria ayaa sheegaysa in horraanta bishaan ay bilaabayso in qoysaska saboolka ah ay u qaybiso lacag ka badan saddex boqol oo milyan oo dollar, taas oo dhawaan ay dib usoo celiyeen masuuliyiinta dalka Switzerland, kadib markii uu lacagtaas lunsaday taliyihii militariga Sani Abacha sanadihii sagaashamaadkii.

Share

Nin Cadaan Ah Oo Gabadh Ka Qaba Jeegaanland Oo Qoray Warbixin Uu Ugu Hiilinayo, Akhriso Iyadoo Soomaali Iyo Ingiriisiba Ku Qoran

Ninka warbixintan (Report) qoray wuxuu u dhashay dalka UK, wuxuu qabaa “”naag Isaaq”” wuxuu madax u yahay INTERNATIOAL CRISIS GRUOP ( ICG ). Waa hay’ad madax banaan oo wax ka qorta, ka faaloota, talo ka bixisa colaadaha, dagaalda, xasilooni-darida Qaaradda Africa, gaar ahaan Geeska Afrika.

Share

Ciidamada Naban Ayaa Fuliyey Hawlgalkii Xalay

Madaxa hawlgalka ciidamada Naban ee ku sugan gudaha magaalada Laascaanood ayaa unug ka mid ah ciidamada Naban u direy Hawlgalkii xalayto ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood.

Share

Isimada Ha La Abhiyo?

Waxaad mooda in Isimada Soomaaliyed in badan inay ilaaweyn xilkii saaraa oo koofiyaday xirteen u qaatay inay tahay taaj ay hanti ku kasbadaan. Waxay ilaaween inay yihiin adeegaha beeshooda, mana sheegi karaan hawsha inay qabtaan looga baahanyahay. Marar badan waxay iska horkenaan dadka ka tirsan beesha ay matilaan meeshay u garnaqi lahayeen ee kala maslixi […]

Share

Sheekadii Gabadhii Caqliga Badnayd (Qaybtii 2)

Waxaa ay inoo maraysay iyadda oo jawaab waafaqsan siisay odaygeedii kuna tidhi aniga ayaa keenay maskaxdan cusub ee wax ka badalka waxbadan oo aad saluugtay.  Ninkasta xaaskiisa waa yaqaanaa, Naag kastana odaygeeda waa taqaanaa wuxuu u sheegay haddii ay runta u sheegto in uu isna u sheegayo sababta uu u guursanayo iyo Gabadha uu guursanayo!.

Share

Kililka 5aad ee Itoobiya oo Shidaalkii ugu horeeyey laga soo saarayo

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Dr Abi Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay si rasmi ah u bilaabi doonto tijaabada wax soo saarka saliidda ceyriin ee dhex ceegaagta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.  Hadalkan ayuu Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed waxa uu ku dhawaaqay kulan uu la yeeshay wakiillada shirkadda Poly-GCL Petroleum Investment Limited oo ah shirkad maalgelinaysa […]

Share

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay DP World iyo dimoqoraadiyadda Jabuuti

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay laantaaf-Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay dhawr arrimood oo ay ka tahay dimoqaraadiyadda dalkaas.”Waddanku dadka ra’yigiisa in uu cabbiro, danta guudna la illaaliyo, balse dimoqoraadiyadda haddii ay keeneyso jaantaa roggana, waa wax laga cuudu bileysto, wax weli ra’yigiisu lagu xirey anaga ma heyno, qof […]

Share

Gudaha Laascaanood Rasaas Baa Ka Bilaabantay

Waxay wararku sheegayaa ilaa saacad iyo badh waxaa socota Rasaas xoogan oo ka dhacaysa gudaha magaalada Laascaanood, gaar ahaana waxaa la beegsaday saldhigyada qaarkood.

Share

Sheekadii Gabadhii Caqliga badnayd, Qaybtii 1 aad.

Gabadh Qurux badan oo ninkeeda aad u jecel ayaa Habeen habeenadda ka mida ninkeedu ku yidhi waan kula guursan ee kasoo faker, way yaabtay! oo ninkeedii aad ula yaabtay wax ay samaysana waa garan waydey.

Share

Shabaab oo beeniyay in hoggaamiyahooda uu geeriyooday

Ururka Al-Shabab ayaa beeniyay warar sheegaya in hoggaamiyahooda uu geeriyooday. Afahayeen u hadlay Al Shabab ayaa BBC-da u sheegay in wararka sheegaya in Axmed Diiriye uu geeriyooday ay yihiin been abuur.

Share

Digniin Ku Socota Dadka U Dhashay Beesha Harti

Maamulka Jeegaanta Ee looga arimiyo aqalka Moorgan ee magaalada Hargeysa, waxay bilaabeen inay xidhxidhaan beelaha Hartiga ee aan waxba galabsanin,  waxaanay maanta qabteen Oday reer SSC ah, magaciisana la yidhaahdo Axmed Maxamed Xasan Qaal.

Share

Waayihii Noloshayda

Anigoo ah arday waxbarasho ku jira Weliba sanadkii u dambeeyey ee dugsiga sare, dhowr biloodna ay ii hadhsanayde, ilayn belaayo waxay ku tidhaahdaa kac oo guur amaba kac oo guurso…durba waxaa I jiidhay hawadii dhoofka iyo dhaqaaq laguma dhaammee!!!…

Share

Ethiopia ma Qabsanaa?

Erayada Ehiopia, Xabashi, Amhaxaro, ma aha erayo isku mid ah ama lasku bedbedeli karo. Ethiopia waxay ka kobantahay in ku dhow 80 qowmiyadood. Laba ka mid ah oo kala ah Tigrega iyo Amxarada baa boqoradii Judit (1000 ka hor) laga soo bilaabo xukunka haystay, dalkuna qarni walaba waa balaaranay ila ugu danbayntii ay Cafarta iyo […]

Share

MA JIRO ADUUNKA WADAN 7 MADAXWAYNE LEH:

Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed, mar uu la hadlaayay Golaha Sharci dejinta dalkiisa wuxuu uu weeydiiyay xildhibaanada su’aashaan oo uu yiri:

Share

Siyaasiinta iyo kooxaha Dhiigga Dhulbahante ka ganacsadow, maxkamad baa idin sugaysa!

Kani waa Stiif Biko oo u dhintay xoraynta dakiisa. ‘Steven Biko ‘ Wuxu ahaa halgamaa mideeyay ururadii dhalinyarada madow ee Kunfurta Africa si ay dadka madow uga xoreeyaan xukunkii caddaanka. Waxa maamulkii caddaanku dileen 1977.

Share

Ganacsatada Siyaasadda Dhulbahante!!!!!!

Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maaly’e Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abid’e….

Share

Trump oo ku hanjabay inuu cashuur ku soo rogayo baabuurta Yurub u dhoofiyo dalkiisu

Dhacdo kale oo noqon karta mid sii cakirta xiisadda ganacsi ee taagan, ayaa Madaxweyne Trump waxa uu ku hanjabay in uu cashuur boqolkiiba labaatan ah ku soo rogi doono baabuurta Midowga Yurub u dhoofiyaan dalkiisa, hadii ururku cashuuraha uu ku soo rogay badeecadaha Maraykanka ka noqon waayo.

Share

Somalilandta Maanta Lama Wada Laha, Kooxda Galaydh Qoorgaabna Ha Iska Daba Raxleeyeen!!!

Qormadan waxaan ka soo raray bogga Cabdimaalik Coldoon ee Facebook, waa hubanti hadii aan in cabaar ah isha marisid, waxaa kaga ifi amaba kaaga bidhiiqi xaalkay ku sugan tahay jeegaanlandta, labada reer xidheen, intii kalena daadxoorta raacsheen, Galaydh Qoorgaab ha iska daba nashleeyee!!!….

Share

Erdogan oo loo badinayo inuu ku guulaysto doorashada Axadda dhacaysa

Ninka ugu cadcad dadka madaxweynaha Turkiga kula loolamaya doorashada madaxtinimada ee Axadda dhici doonta ayaa fagaare dad badani iskugu soo baxeen kala hadlay taageerayaashiisa magaalada xeebta ku taal ee Izmir.

Share

Michael Keating Waatan Warqadii Uu U Diray Horjoogaha Maamulka Jeegaanland, Iyadoo Turjuman

Waxaan turjunay warqadii uu  Michael Keating uu u direy horjoogaha maamulka jeegaanland, hoos ka akhriso iyadoo ingiriisi ah iyo afsoomaaliba.

Share

Socdaalka Salaadiinta Jeegaanta Ee Laascaanood Soo Gaadhay, Muxuu Salka Ku Hayaa?!!!

Waxaa caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood soo gaadhay wafti salaadiin ku sheega oo ka soo jeedaa maamulka Jeegaanland, oo ay beryahan dambe duufaano siyaasadeed kaga furmeen gudahooda iyo weliba dhinaca jiidaha Tukaraq.

Share

Madaxdhaqameedkii Beesha Garxajis Oo Xabsiyada Lagu Guray Iyo Qaar Lagu Raad Joogo – VIDEO

Maalinimada sabtida ayaa lagu wadaa inuu furmo shirweyne ay u ballantaan yihiin qaar ka mid ah beelaha isaaq oo iyagu diidan maamulka Muuse Shaani, oo ay maanta meel walba dagaalo kaga furan yihiin.  

Share

Liberation Needs One Voice Under Puntland -VIDEO

Qormadan af ingiriisiga ah waxaa inoo diyaarshey aqoonyahankeena qaaliga Mudane Cismaan Badawi, waxaanu ugu talagalay in la gaadhsiiyo meel walba, run ahaantiina wuxuu kaga hadlaya dhinacyo badan oo khuseeya deegaanada SSC, ilaahayna ha ku duwo kuwa uu ku socdo…. We recall that we, in the SSC regions, were the main force behind the establishment for […]

Share

Dhiigya Cab U Dhashay Maraykan Oo Garoowe Ku Aroostay

Browns Camp July 2009 ayuu dilay u gaystay oday 73 jira ah jun 2018 xalay wuxuu ku aqal galay garoowe?  Mowduucaan ayaa waxaa igu dhaliyay ka dib markii aan daawaday sawiro laga soo qaaday arooska wiil u dhashay dalka Maraykanka oo horey maxkamada ugu xukuntay dambiyo iyo gabar Soomaali ah oo ka dhacay magaalada garoowe.

Share

Socdaalkii Indhasheel Maxaa Ka Soo Kordhay, Garoowase Ma U Socdaa?!!!

Sida aanu ku helayno wararka hoose ee la xidhiidha socdaalka Indhasheel ee uu waqtigan ku yimi buuhoodle, waxaa ka abuurmay shaki weyn iyo dareeno kala gedisan, oo ay qaarba meel ku arooraan.  

Share

Ku soo dhawaada Barnaamijkii Gabayga Iyo Gabyaaga Ee Iggarre Yaasiin – VIDEO

Barnaamijyadu kala qiima roon oo kala waaya badane, ku soo dhawaada barnaamijka GABAYGA IYO GABYAAGA, todobaadkan waxaa ka qayb qaadanayaa abwaano Soomaaliyeed, oo uu mid walba meel shiishka saarayo.

Share

Jiir lacago ka cunay bangi

In ka badan lacag caddan ah oo gaaraysa 1.2 milyan oo Rupee, oo u dhiganta 17,600 oo doolar ayuu Jiir ku cunay bangi ku yaalla dalka Hindiya ka dib markii uu gudaha uu galay aaladda lacagta laga baxsado ee ATM.

Share

Socdaalka Indhasheel Iyo Xubinta La Socday Ee Soo Gaadhay Buuhoodle, Maxay Tahay Ujeedadoodu?!!!!

Taariikhdu markay ahayd  June, 19.06.2018, waxaa magaalada Muqdisho ka soo dhoofay wafdi ka kooban: 1. Indhasheel (Ex.M/Weyne Khaatumo) 2. Cabdifataax (Ex. Xubin Sare Xisbul-islaam) Labadan nin ee Safarkan kediska ku dhaqaaqay siday caadadu ahayd shir wada tashi iyo ogaysiin uma qaban aqoon-yahanka iyo ragga culus ee Beesha ee deggan Moqdisho.

Share

Ethiopia ma Naqaan?!!!

Maalmahan dadka Soomaaliyeed qaar ka mid ah waxa ka soo baxay dad u calaacalaya dalka oo leh Ethiopia baa naqabsanaysa. Waa dad iyagu heshiin Karin oo is xukumi Karin cid kale inay xukuntana aan rabin. Waa dad u baahan in laga cuudiyo Ethiopia.

Share

HINAASKA IMAARAADKA: XAGGEE SALKA KU HAYAA?

Gwadar port oo ku taala dalka Pakistan, waxaa si wadajir ah u dhisay China iyo Pakistan. Waxaa halkaas laga soo daabuli doonaa dhammaan wax soo saarka China, iyadoo lasoo marsiinayo Soomaaliya si looga galo Afrika. Maadaama badda Shiinaha ey dunida ka fog tahay, oo ey waqti dheer ku qaadato in maraakiibta shiinaha ey dunida gaarsiiso […]

Share
Powered by WordPress