Archive for February, 2018

Xogo Hoose oo ku Saabsan Heshiiska Jabuuti iyo DPW .

Dawlada Jabuuti Waxay heshiis 50 sano oo gacan ku hayn dekeda Dooraale ee Jabuuti la gashay Shirkada Dekedaha Dawlada Emirate ee DPW .

Share

Booliska Leicester oo qabtay Nin isku dayay in uu dilo Gabar Somali ah

Booliska Magaalada Leicester City ee Dalka Ingiriiska ayaa gacanta ku dhigay Nin magaciisa lagu sheegay Moore,kaas oo gaari uu watay isku dayay in uu jiirsiiyo Gabar Soomaali ah oo waddada mareysay.

Share

Weli Waxaa Socota Maaweeladii Puntland Baa Abaabul Dagaal Wada!

Sidaa lagu soo waramayo maamul goboleedka Puntland madaxdoodu waxay sheegeen in aanay u soconin xoraynta Laascaanood iska daaye, Tukaraq uma socdaan balse waxay isla gaadheen inay dhulkooda sidaad adag ka xidhaan.

Share

Gabadh Tahriib U Joogta Liibiya Diidayna Inay Soomaaliya Ku Laabato-(VIDEO)

Gabadh Soomaaliyeed oo dhallinyarada hataana Tahriib ku joogta wadanka Liibiya waxay diiday inay dalkeeda dib ugu soo laabato, waxaanay ku adkaysatay inay nafteeda ku biimayso safarka badda ee ilaa yurub.

Share

CIYAARYAHAN MAXAMED SALAAX SHAQO FIICAN AYUU U HAYAA ISLAAMKA IYO MUSLIMIINTA

Maxamed Salaax Xaamid waa Ciyaaryahan 25-Jir Masaari ah oo Garab uga Cayaaraa Kooxda Liverpool ee Ingiriiska, waxaana uu ugasoo biiray dhanka Kooxda Roma ee Talyaaniga iyagoo kula soo wareegay lacag dhan 39-Milyan oo Euro ($43.5 Milyan), kooxdiisii horena waxaa uu kasoo caawiyay in ay gasho kaalinta 2-aad ee Horyaalka Serie A-da, oo ay u aheyd […]

Share

KA SOO QAYB GALA SHIR SOOMAALI WEYN OO TALAFOON WADAAG AH

OGAYSIIS QOF KASTA OO SOOMAALI AH ,LEH AQOON,GARASHO,HAL-ADAYG SOOMALINIMO ,ISLA MARKAASINA AY QALBIGIISA KU JIRTO JACAYL MIDNIMO SOOMALIYEED WAXAAN KU WAR GELINAYNAA IN UU JIRO KULAN DHINACA TELEFOONKA AH OO AANU KU CASUMAYNO.

Share

Eng. Yariisow” Maxay Tahay Sababta Ay Hargeysa Iyo Garoowe Qaraxyadu Uga Dhici La,yihiin Oo Muqdisho Keliya Loo Beegsanayaa?

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu diyaariyay Ciidamo isku dhaf ah oo sugaya ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, si looga hortago Arbushaad dhacda.

Share

Dilkii dhalinyarada Soomaalida ee London oo qof loo qabtay

Nin dhalinyaro ah oo 18 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo ku saabsan labo dhalinyaro Soomaaliyeed oo toori lagu dilay.

Share

Imaaraadka Oo Joojiyey Dhismihii Saldhigga Malatari Ee Berbera

Wararka aanu ka helayno magaalada Berbera ayaa sheegaya in la hakiyay dhismaha saldhig milateri oo dowlada Imaaraatka carabtu ka waday garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Share

Xagge arrimihii Ethiopia marayaan maxaase lafilankaraa?

Sida wararku sheegayaan, aroornimada maalinta Khamiista ah ee bishu tahay 01-03-2018, waxaa kulmidoona xubnaha xisbiga talada dalka Ethiopia haya ee EPRDF. Xubnahan waxaay kakoobnaan doonaan afarta garab ee xisbigan qaybta ka ah kalana ah: TPLF, OPDO, SEPDM iyo ANDM oo miskastaa leeyahay 45 xubnood taas oo guud ahaan dadka kulmaya kadhigidoonta 180 qof.

Share

Kuyee Puntland Baa Ina Xoraynaysa!!!!

Run ahaantii shacabweynaha SSC amaba reer Khaatumo beryahan dambe waxaa soo foodsaaray jahwareer siyaasadeed oo tuurta ku sita burburkiisa iyo inay maalin walba sida basasha sii kala daataan, yaase dhibkaasi wada? maxayse tahay ujeedadooda siyaasiga ahi? maxaase keenay inay qaarba u rixiyaan maamul, qaarna ay bartooda joogaan?!!!

Share

Dawlado Shi-sheeye ayaa Soomaaliya isku haysto !!!

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu Ayaa fariin looga dhigay waxa caawa ka dhacaya qayba ka mid ah Muqdisho.  Magaalada Muqdisho ayaa wali cakiran kadib qaraxyo iyo is rasaaseyn maqrib,nimadii caawa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada oo weerar ka geysteen kooxo hubeysan.

Share

R/W Kheyre Oo Safarkiisa Imaaraatka Lagu soo Tashkiilin-doono Iyo Halka Ay Ka Soo Burqato Ibtilada Somaliya

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa sida la xaqiijiyey maalinta beri ah ku sii jeeda wadanka isutaga Imaaraadka Carabta ee ah halka laga bireeyo somaliya ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxda dalkaas.

Share

Turkiga oo ka digey go’aanka Maraykanka ee Qudus

Turkiga ayaa sheegaya in go’aanka Mareykanka uu safaarad cusub kaga furanayo magaalada Qudus ay micneheedu tahay in Washington ay ku tala gashay in ay wax yeeleeyso nabadda.  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in go’aankaasi uu ahaa mid walwal iyo carqalad ku abuuray heshiisyada u yaalla Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Share

Mulkiilihii Carwo Qudhaab Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

Shil Gaadhi Oo sababay Geerida Laba Ruux Iyo Dhaawaca Hal Qof Ayaa Ka Dhacay Duleedka Magaalada Garowe, Shilkan Gaadhi Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa Dadkii Ku Dhintay Jaamac Maxamuud Maxamed Good (Carwo Qudhaab) Oo Ahaa Ganacsade Reer Laascaanood Ah.

Share

Gabadh Wadata Wadne Macmal Ah!!

Wadnaheeda macmalka ah ayay Dhabarka ku Sidata (mucjiso) wixii iigu Yaabka Badan sanadkii Tagay 2017 Salwa Xuseyn waa gaber muslmad ah oo ku nool carriga inigiriiska, waxa ay gashey qaliin soconayay lix saacadood halkaas oo oo lagu rakibey wadne macmal ah oo qabanaya shaqadii wadnaha caadiga ahaa.

Share

Warsame Qoorgaab Oo Ku Soo Wajahan Buuhoodle

Waxaa magaalada Hargeysa soo gaadhay Horgale Cali Khaliif oo loo yaqaano (Warsame Qoorgaab) xilli ay ku hungoobeen dhaqaale ay u doonteen Jarmalka, oo kuna tidhi “dawlada federaalka u doonta!!!”

Share

ILA QOSOL Kaga Yar Naso Siyaasadda Daacaqudhunkeeda!!!

Nin marqaansan oo ambulance waday ayaa furinta dagaalka ka soo qaaday 15 qof oo meyd ah, markaa isagoo wada gadhigii Ambulance-ka ah ayaa BBCdu soo Gashay waxayna sheegtay in Dhimashada la xaqiijiyey toban qof.

Share

Itoobiya Ma Qaadi Doontaa Waddadii ay ku Bur Bureen Dalalkii Midowga Soofiyeeti Iyo Yuguslaafiya?. ( Warbixin Arimo Badan Iftiiminaysa )

Iscasilaadii Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn 15.02.2018, oo xilka qabtay 2012 ahaana guddoomiyaha isbaahaysiga Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPDRF) waxay furtay Su’aalo badan , kuwaas oo isugu jira xaaladda hadda iyo mustqablka halkay ku danbayn doonto Itoobiya.

Share

Qisadani La Bax Xikmada Ku Duugan!!

Ceel Biyood ayaa ka Qodnaa Meel tuulo ah oo Macmal u ah in Dadka iyo xoolahaba ka waraabaan Ceelka iyadoo xittaa Dadka Qaar uga soo kictimaan Masaafo aad u fog si ay u dhaansadaan Biyaha oo ah Baahida aasaasiga ee suurto geliso Jiritaanka Nolosha Dadka iyo xoolaha, in kastoo Ceelka lagu intifaacay Muddo badane lagu […]

Share

Halganka Oromadu waa hagardaamada Soomaalida

Qoomiyadda Oromadu waa mid kamid ah dadyawga degga bartamaha Ethiopia waxaayna xuduud dheer oo gaadhsiisan 1400KM lawadaagan Soomaalida deggan waddankaas. Si lamid ah dadyawga Soomaalida, Sidama, Beja iyo Canfar’ta Oromadu waxaa weeye dad Cushetic ah wax badan sida dhaqanka, muuqaalka iyo afkaba ay iskaga dhawyihiin dadka Soomaaliyeed.

Share

Waa Kuma Warsame Qoorgaab?!!!

Waxaanu dabagal xaqiiq raadisa ku samaynay naanaysta loo baxshey Mr Galaydh ee ahayd Warsame Qoorgaab, nasiib wanaag magac maalin buu baxaaye xogtii uu magacaasi xambaarsanaa ayaanu soo helnay!…

Share

Dahabshiil Iyo Abwaanad Naciima Qorane Maxay Ku Kala Duwan Yihiin?!! Midna Sharcigu Wuu Qabanayaa Midna Ma Qabanayo!!!!

#Dahabshiil baa isagoo magaalada Berbera jooga xaflad ka yiri “Anaga qoobada yari naguma filna, midna aan idiin sheegee anigu nin #Soomali_wayna baan ahay”

Share

10,000 Sano ka hor dadka ku dhaqan UK muuqaal noocee ah ayay lahaayeen – Video

Cheddar man oo ah lafo qof ibnu aadam ah oo sida la sheegay jira 10,000 oo sano isla markaana cimilada qabow ay sabab u noqotay in DNA diisii ay u dhamays tirnaanto oo aysan lumin ayaa lagu helay, laguna arkaywax aan marnaba laga malaysan karin karin. Halkan Ka Daawo Halkan Ka Daawo Waxaa uu qofkani […]

Share

Siyaasadi Cali Khaliif (Warsame Qoorgaab) Oo Ku Soo Afjarantay Jarmalka

Waxaa magaalada Frankfurt oo ku taal dalka jarmalka soo gaadhay Faysal Cali Waraabe iyo gacanyarihiisa Cali Khalif Galaydh, ujeedada safarkoodanina wuxuu ahaa inay qaybtooda ka helaan dhaqaale loogu caawinayey somalia.  Qorshahaasi maxaa uga qabsoomay?!!

Share

Waqtigaa Isbeddelay Atoore/Badhasaab Hore.

Jilaaga caanka ah ee magaciisu yahay Arnold Schwarzenegger ayaa sawir soo dhigay baraha bulshada isagoo hoos jiifa Taallo Maar ka sameysan oo isaga loo ekeysiiyey wuxuuna ka sheekeeyey sida waqtigu isku-beddelay.

Share

Casho sharaf London loogu sameeyay wasiirka arimaha dibada Khaatumo – Video

Waxaa soo dhawayn balaadhan magaalada London loogu sameeyay wasiirka arimaha dibada ee maamulka Khaatumo mudane Caynaanshe oo safar shaqo ku yimi wadankan UK. Halkan Ka Daawo Wasiirka ayaa jaaliyada ugu baaqay sidii jaaliyada loo abaabuli lahaa qaybna ay uga qaadan lahaayeen xoraynta dalka. Arintani waxay imaanaysaa wakhti horgal Galaydh ay beesha Isaaq ee dalka Jarmalku […]

Share

QISADAN WAX KA BARO!!

Haweenay muslimad ah ayaa waxay tiri ninkeygii Allaha u naxariistee wuu dhintay ama geeriyooday anigoo da’daydu tahay 30 jir waxaana lahaa shan caruur ah oo gabdho iyo wiilal isugu jira.

Share

Itoobiya oo sii kala googo’day Wadadii Bur burkana sii haysa ( Warbixin Iftiiminaysa Xaaladaha Ugu Dambeeyay ee Itoobiya ka Jira )

Alle wax buu dooney, Melez Zenawina waxbuu rabay waxa uuna rabay in Soomaali uu wada gumeysto; haseyeeshe, tii Alley noqotay oo bakhti Meles Zenaawi waxa uu ka tagay Itoobiya oo fooshu ku adkaatay 4 sano uun ka hor.

Share

IIDOORKA OO PROF CALI KHALIIF GALAYDH UGU YEEDHAYA CALI WARSAME QOORGAAB – KADIB MARKII UU KA HULEELAY MAQAMKII DADKISA U IGMADEEN ( DAAWO MAQAL MUQAL)

Prof Cali Khaliif Galaydh oo Bulshada Reer Khatumo u igmatay inuu noqdo Hogamiyahoda balse wakhtigan sifo aan sharci ahayn kula jooga Jabhada SNM ayaa waxaa ay dhulka ku jiideen mustawihisi iyo maqaamkiisii.

Share
Powered by WordPress