Archive for December, 2017

Ku Soo Dhawaada Sannadguuradii Lixaad Ee Khaatumo State Oo Lagu Qaban Doono Magaalada London 12/01/2018

Shacabweynaha reer Khaatumo ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska waxaanu ku wargelinaynaa inaad ka soo qayb gashaan buska sannadguuradii lixaad ee Khaatumo State oo lagu qabanayo caasimada wadanka Ingiriiska taariikhdu markay tahay 12/01/2018, waxaana khadka taleefoonka kaga soo qayb galaya madaxweynaha saxa ah ee haatan Mudane Cabdalle Cagalule iyo Ku xigeenkiisa Mudane Bashiir Cismaan Cabdi.

Share

Kooxdii Mr Galaydh Halkee Buu Xaalkoodu Ku Dambeeyey?!!!

Sida aynu la wada socono waxaa dhawaahanba magaalada Hargeysa ku sugnaa madaxweynihii hore ee Khaatumo Mr Galaydh oo markii lagaga baxay wixii uu ugu yeedhi jirey Heshiiska, ayaa bilaabay xafladaha yaryar ee loogu soo marti qaado inuu calaacal isla dhex taago, inkastoo dantii ay ka lahaayeen ay ka gaadheen…..

Share

Britain oo malaayiin doolar ku bixiso in laga saaro waxyaabaha xagjirka baraha bulshada

Wasiirka ammniga ee dalka Britian ayaa ku eedeeyay shirkaddaha adeegyada internet-ka inay ku fashilmeen inay gacan ka geystaan wax ka qabashada halista argagixisada, iyo in ay yihiin “beenayaal faa’iido doon ah”.

Share

Saldhigyadda ay Imaaraadka ku leedahay Somalia oo la dalbaday in la xidho

Hay’ad arimaha xaquuqda aadamaha u dooda oo magaceda loosoo gaabiyo Ifrid fadhigeeduna yahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa dalbatay in la xiro dhaman saldhigyada dowladda Isku taga Imaaradka Carabta ay ku leedahay Somalia waxaana hay’adu ay tilmaamtay in ay handadayaan amniga iyo xasiloonida gobolka.

Share

Garaad Jaamac Garaad Cali xafidulaah oo khudbad dhaxalgal ah ka jeediyay shirkii nabadaynta – Video

Shirkii nabadaynta beelaha walaalaha ah ee baharasame iyo Cumar Maxamuud ayuu khudbad qiimo leh ka jeediyay garaad Jaamac garaad Cali Halkan Ka Daawo Waatan khudbadii www.ruugcadaa.com

Share

Halgankii & Taariikhdii A.U.N Imaam Axmed Gurey 1520kii———-1543kii.

Imaam Axmedd Ibraahim Gurey, wuxuu ku dhashay tuulo ka mid ah gobollada Harar, oo la yiraahdo (Hoobato) sannadku markuu ahaa 1488.  Imam Axmed Guray, wuxuu yaraantiisa ku soo barbaaray magaalada Harar, intuu joogay magaalada magaalada harar, wuxuu galay dugsi qur’aan, halkaasoo uu ka bartay qur’aanka kariimka ah.

Share

Turkiga Oo Saldhigii Labaad Ee Afrika Ugu Weynaa Ka Furtay Dalka Suudaan.

24 Bishaan ayey Turkey iyo Sudan kala saxiixdeen 12 heshiis oo uu ka mid ahaa in Jazeerada SAWAAKIN ee Badda Cas lagu wareejiyo Turkey iyaga ka dhisi doona xarumo Milatery, Dalxiis iyo Matxafyo Taariikhdii Dawladii Cusmaaniyada ee xukumi jirtay Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee Bariga Afrika Qarniyadii 16 aad ilaa 19 aad.

Share

Markab “shidaal u geeyay” Kuuriyada Waqooyi oo “la qabtay”

Kuuriyada Koonfureed ayaa shaacisay in bishii la soo dhaafay ay qabatay marka ka diiwaan gashan Hong Kong, kaas oo looga shakiyay in uu shidaal u geeyay Kuuriyada Waqooyi oo cunna qabateyn ay saaran tahay.  Saraakiisha waxay sheegayaan in markabka loo yaqaano Lighthouse Winmore uu si qarsoodi ah ugu wareejiyay 600 oo tan oo shidaal ah, […]

Share

Ka Soo Qaybgala Sanadguuradii Lixaad Ee Khaatumo State Oo Lagu Qaban Doono Magaalada London-VIDEO

Dhamaan jaalliyadaha reer Khaatumo ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska Waxaanu la socodsiinaynaa inaad ka soo qayb gashaan xuska sanadguuradii Lixaad ee Khaatumo state of somalia oo lagu qaban doono Magaalada London tariikhdu markay tahay 12/01/2018, waxaana xafladaasi ku casuuman madaxweynaha Khaatumo state Mudane Cabdalle Cagalule Iyo Ku xigeenkiisa Bashiir Cismaan Cali oo ku sugan caasimada […]

Share

Taageerayaasha SNM ee reer Khaatumo oo doodi dhex martay – Video

Waa dood dhex martay xubin deegaan ahaan kasoo jeeda Khaatumo laakiin ku qanacsan mabda’a gooni goosadka Somaliland oo lagu magacaabo Shiikh Soomaali iyo ninka kale oo isagu u muuqda qolyaha uu jaahwareeriyay Horgal Galaydh. Halkan Ka DAAWO Doodan oo ku bilaabmatay calaacalkii uu dhawaan Horgal Galaydh ugu calaacalay Reer Hargaysa Halkan Ka DAAWO Doodiina waxay […]

Share

Maalinta Berri oo magaalada Muqdisho laga furi doono Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada Soomaaliya.+Sawiro

Wasiiru dowlada Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada C/Raxmaan Kulmiye Xersi Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in Maalinta Beri ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono Munaasabad lagu daah furayo Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada Soomaaliya.

Share

Dilkii la daboolay ee Benazir Bhutto

BBenazir Bhutto waxa ay ahayd haweenaydii ugu horeysay ee hoggaamiye ka noqotay dal Muslima ah, muddo 10 sanno ka badan ayaana hadda laga joogaa tan iyo intii la dilay.

Share

Samafale Cooldoon oo si wayn loogu soo dhaweeyay Doha Qadar – Video

Wariye, Samafale Cooldoon oo kasoo kucitamay xarunta dalka ee magaalada Muqdisho ayaan soo dhawayntiisa u kala hadhin dhamaan qaybaha kala gadisan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin saxaafada Soomaaliya ee Qadar.

Share

Kooxdii Mr Galaydh Oo Xaflad Bakhti-Afuufa Qabanqaabadeeda Ka Wada Magaalada London

Wararka aanu helaynaa waxay sheegayaan hadhaagii kooxda Mr Galaydh waxay gudaha magaalada London ka wadaan xaflad ku sheeg ay doonayaan inay ugu yeedhaan sanadguuradii lixaad ee Khaatumo, balse maxaa ka jira? Yaase hawshan lugooyada ah wata?

Share

Tuniisiya oo dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha Emirates

Dawladda Tuniisiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha shirkadda Emirates, ka dib markii tiro haween ah oo Tuniisiya u dhashay laga hor istaagay in ay ku safraan diyaaradaha shirkaddaas.

Share

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar xagaad ku ogayd – Barnaamij

Professorkan oo si fudud ku cadhooda kuna sifoobay isbadbadal siyaasadeed oo dhakhso ah ayaa haatan waxaa mar labaad soo food saaray niyad jab uu ka dhaxlay doorashadii kadib markii uu magaciisa ka dhex waayay golaha wasiirada cusub ee maamul beeleedka SNM.

Share

Garaad Cabdirashiid Cismaan Waraabe Dheere oo baaq nabadeed u diray walaalaha ku dagaalamay Qorilay & Gunburka – Cod

Iyada oo uu khasaaray naf iyo hanti ahiba ka dhashay dagaalkan ayaa waxaa isasoo taraya baaqyada ka imaanayaa shacabka qaybihiisa kala gedisan. Garaad Cabdirashiid Cismaan Waraabe Dheere oo dhawaan lagu wado in la caleemo saaro ayaa baaq nabadeed u diray walaalaha uu shaydaanku isku diray Halkan Ka Daawo Anaga oo ah bahda ruugcadaa, waxaanu ku […]

Share

Mr Galaydh Oo Ku Hungoobay Sheekadii Ahayd Dastuur Baa Nooloo Furayaa- VIDEO

Hogaamiyihii hore ee maamulka Khaatumo oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa, wuxuu haatan bilaabay baryootan la xidhiidha in dastuur ku sheegaa Somaliland loo furo, balse hora loo yidhi qofkii aan naftiisa ixtiraamin dadkuna ma ixtiraam, waxaanan midhkaasi u idhi horta Mr Galaydh markii uu qashinka ku riday dastuurkii Khaatumo ee loo dhaariyey, mindha xisaabtaba kuma […]

Share

Riwaayaddii: Xorriyo Nin Geyaa Ha Guursado! Ama “Xorriyo!!”

Hordhac Rubuc qarni ka hor, xilli Soomaalidu ahayd qaran sharaf iyo haybad weyn ku dhex leh quruumaha dunida ayuu abwaan Soomaaliyeed curiyey riwaayad caan-baxday. Wuxuu magac uga dhigay Xorriyo Nin Geyaa Ha Guursado, markii la soo gaabiyey waxay ku caan baxday magaca “Xorriyo‟, Waana magaca qalanjada Riwaayadda. Magaca buuxa ee ah “Xorriyo Nin Geyaa Ha […]

Share

Dufcadii u horeysay ee lagu tababaray Saldhigga Milateri ee Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin jabiya Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (Turky-Som).

Share

Dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Sool

Ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamayey ka tirsan ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal saaka barqadii ka qarxay deegaan ka tirsan gobolka Sool.

Share

Caleemo saarka Garaad Cabdirahiid Cismaan Waraabe Dheere oo loo asteeyay 1.1.2018

Caleemo saarka garaadka beesha Guuleed Garaad (Barkad) ee Dhulbahante oo loo asteeyay maalinta ugu horeeya ee sanadka 2018 ayaa haatan abaabulkiisii si habsami leh uga socdaa dhamaan deegaamada ay degto beeshu. Garaadkan oo sumcad iyo karaamo ku leh beesha loo caleemo saarayo, beelwaynta Dhulbahante iyo dhamaan dhaqanka soomaaliyeed ayaan ilaahay uga baryaynaa inuu u fududeeyo […]

Share

Shirkadda Apple oo qiratay in ay dhinto tayada taleefoonada iPhone

Shirkadda Apple ayaa markii ugu horeysay qiratay arrin muddo laga shakisnaa, taas oo ah in ay dhinto tayada taleefoonada iPhones-ka loo yaqaano marka muddo la heysto.  Arrintan ayaa soo shaacbaxday kadib markii qof macaamiisha ka mid ah uu shabakada Reddit kusoo qoray in uu ogaaday in taleefoonkiisa tayadiisa shaqo la dhimay, taana uu ku ogaaday […]

Share

Ku Soo Dhawaada Cawayska Haldoorka Sanaag

Dadweynaha reer Sanaag waxaanu ogeysiinaynaa Kulan murtimaal ah oo loogu magac daray CAWAYSKA HALDOORKA SANAAG ayaa lagu qaban doonaa caasimadda gobolka sanaag ee Ceerigaabo habeenka sabtida soo gelayso  taariikhduna tahay 22/12/2017.

Share

Adkaysiga

Adkaysigu waa qayb ka mida qaybaha ugu muhiimsan ee nolosha ibnu aadanka, waana halka lagu lagu kala saaro dadka guuleysta iyo kuwa guul-derraysta , Adkaysigu waa habka aad ugu adkaysan lahayd imtixaankasta oo dunida aad kala kulantid, dunida aynu ku nool nahay waa mid imtixaan ah waxaanad kala kulmaysaa caqabaddo fara badan oo noloshaada saameyn […]

Share

Dhaxal Sugaha Sacuudiga Oo Iibsaday Guriga Adduunka Ugu Qaalisan

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa noqday ninka magaciisa la qariyay ee iibsaday guriga ugu qaalisan dunida ee ku yaalla Faransiiska, sida uu daabacay wargeyska The New York Times.  Wargeyska ayaa sheegay in warqadda kala iibsiga gurigaasi uu ka muuqdo dhaxal sugaha boqortooda oo dhowr shirkadood u maray arrinta. Qasrigan oo ku dhow […]

Share

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.  Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay.  “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu […]

Share

Kooxdii Mr Galaydh Oo Mar Kale Buuq Ka Dhex Taagan Yahay

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan intii yarayd ee ku sii hadhsanayd Mr Galaydh, waxaa haatan ka dhex qarxay muran xoogan iyo talafoonadii oo qaarkood laga xidhay, sidaasi darteedna miciin mooday inay ka dhex calaacalaan gole yar oo la yidhaahdo (Taageero Khaarumo) oo ay ku sii hadheen shakhsiyaad aan tira badnay, oo weli daba raxlaynayaa Mr Galaydh […]

Share

Belgium Ayaa Safiir Haween Ah U Soo Magacaabay Sacuudiga

Dowladda Belgium ayaa noqotay dalkii u horeeyay ee Safiir Haween ah u magacaaba dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, tani ayaa ka dambeysay markii Sacuudiga uu bilaabay inuu qaado xayiraadii Haweenka ka saarnaa dhaq dhaqaaqyada siyaasadda iyo is dhex galka bulshada.

Share

Ma ogtahay in Google uu keydiyo macluumaadkaaga?

Google way garaneysaa waxa aad raadineyso, waxa aad daneyneyso, iyo baraha kale ee aad booqato, iyo waxyaabo kale oo badan ayey kaa og tahay.  Waxaan ka hadlaynaa Google oo ah barta caalamka ugu wayn ee macluumaad iyo akhbaar laga raadiyo. “Marka aad adeegga Google isticmaaleyso, waxaad nagu aamintay macluumaadkaaga.”  Taasi waa sida ay shirkaddan u sheegtay […]

Share
Powered by WordPress