Archive for November, 2017
Posted by Ruugcadaa on November 30th, 2017
Waxaan kula kulmay Sylvester Mumba magaalada Livingstone ee dalka Zambia sanadkii 2012kii halkaas oo aan fasax ku tagey. Sylvester wuxuu ku iibin jiray oo ka ganacsan jiray waxyaabaha Alwaaxda laga sameeyo meel lagu magacaabo Munkuni Park ee magaalada Livingstone.

Posted in
Warar
Comments Off on Marnaba Ma Fahmi Kartid Macnaha Ay Leedahay Bani’aadminimadu!!!!
Posted by Ruugcadaa on November 30th, 2017
Ku: Golaha saree e KDO, Golaha Gudoomiyeyaasha iyo Dhamaan Jaaliyadaha Caalamka, Markii aan si taxader leh uga fekerey xaalada maamulka Khaatumo ku suganyahay.

Posted in
Warar
Comments Off on Gudoomiyihii Jaalliyadaha Khaatumo Oo Iscasilay
Posted by Ruugcadaa on November 30th, 2017
Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu tuuray ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasoo marayay waddo mashquul badan oo ku taal bartamaha magaalada Boosaso.

Posted in
Warar
Comments Off on War Deg-deg ah;Bam gacmeed lagu weeraray ciidamo magaalada Boosaaso
Posted by Ruugcadaa on November 30th, 2017
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May u sheegay in ay diiradda saarto argagixisada UK ka dib markii ay ku dhaliishay in uu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig.

Posted in
Warar
Comments Off on Trump oo Ra’iisulwasaaraha Britain ku weeraray Twitterka
Posted by Ruugcadaa on November 29th, 2017
Gacal waxaa uu ku dhashay magaalada jiidali oo ka tirsan gobolka sanaag sanadkii 1972dii .Waxaa uu deganaa baadiyaha magaalada jiidali oo dhanka bari ee magaalada ceerigaabo waxay ahaayeen xoolo dhaqato qoyskoodu.

Posted in
Warar
Comments Off on Sheeka Dhab Ah Jiidali, Muqdisho Ilaa Maraykan
Posted by Ruugcadaa on November 29th, 2017
Wararka aanu ka helayno shakhsiyaad ku sugan magaalada Hargeysa waxay noo sheegeen mar kale inuu Mr Galaydh la kulmay Muuse Biixi, maxayse Isla soo qaadeen?!

Posted in
Warar
Comments Off on MR Galaydh Oo La Kulankii Muuse Biixi Ku Fashilmay
Posted by Iftiinshe on November 29th, 2017
Mary Ann Bevan oo qaadatay ‘Haweeneyda ugu Fool-Xun Caalamka’ waxay ku dhalatay dalka Ingiriiska Sanadkii 1874-tii. Dhalinyaranimadedii waxay aheyd Gabar qurux badan oo Kalkaaliye ka ah mid kamid ah Isbitaalada London. Waxay guursatay iyadoo 29-sano jir ah markii 32-Sano jir ay aheydna waxaa ku dhacay xanuun bedelay Muuqaalka jirkeeda, Wejigeedana ka dhigay mid aynan ishu […]

Posted in
Warar
Comments Off on QURUXDA GABADHU HAL-BEEG MA U TAHAY KARTI TEEDA?
Posted by Iftiinshe on November 29th, 2017
Waxaa magaalada Muqdisho soo gaadhay Wafti ka socday Dowladda Qadar, waxaanay kulamo la yeesheen Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya, ka dibna waxay kala saxiixdeen heshiisyo dhinaca horumarinta ah, iyadoo uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Posted in
Warar
Comments Off on Dawlada Federaalka Soomaaliya Iyo Qatar Oo Kala Saxeexday Heshiisyo Dhinaca Horumarinta Oo Ku Kacaya Laba Boqol Oo Milyan Oo Dollar
Posted by Iftiinshe on November 29th, 2017
Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horeesay muddo laba bilood ah waxaay tijaabisay gantaal ballistic ah. Saraakiisha milateriga ee Kuuriyada koonfured waxaa ay shegeen in gantaalkani uu dul maray bariga dalkaasi, kadib markii laga soo ganay mel u dhaw magaalada Pyongyang.

Posted in
Warar
Comments Off on Kuuriyada Waqooyi oo markale tijaabisay gantaal ballistic ah
Posted by Iftiinshe on November 29th, 2017
Dhawaan talafeeshinada soomaalida waxaa ku soo kordhay talafeeshin cusub oo la yidhaahdo SBSsomalitv, waxaana si toos ah looga daawada geyiga soomaaliyeed iyo meela badan oo africa dhanka yurub iyo maraykankana waa laga daawadaa, dadka qaarkoodna waxay kaga taxan yihiin Youtube Channelka uu ku leeyahay, todobaad walbana waxay baahiyaan barnaamijkan.

Posted in
Warar
Comments Off on Barnaamijkii Googooska Taxanaha Ee Ka Baxa SBS SomaliTv- VIDEO
Posted by Ruugcadaa on November 28th, 2017
Jane Feng waa Nin Shiinees ah, wuxuu guursaday Gabar Quruxsan, waxayna u dhashay Saddex Caruur ah. Mr. Jane kuma qancin Muuqaalka Caruurtiisa Maadaama aysan u quruxsaneyn sidiisa iyo sida Hooyadood, taas oo keentay inuu ka shakiyo inuu Aabo u yahay.

Posted in
Warar
Comments Off on Qiso Ku Socota Dumarka Is Qurxiya
Posted by Ruugcadaa on November 28th, 2017
Booliska wadanka Australia ayaa xabsiga dhigay nin dhalinyaro ah oo asalkiisu yahay Soomaali kaasoo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay weeraro ka dhan ah dadka Australianka ah xilliga Ciidda Masiixiga.

Posted in
Warar
Comments Off on Booliska Australia Oo Xidhay Muwaadiin Soomaaliyeed
Posted by Ruugcadaa on November 28th, 2017
Kumanaan shacab ah iyo marti sharaf adduunyada ka kala socota ayaa ka qeybgalaysa munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya oo markii labaad loo doortay madaxweynenimada Kenya.

Posted in
Warar
Comments Off on Madaxweyne Uhuru oo maanta la calaamo saarayo
Posted by Iftiinshe on November 27th, 2017
Koox dhakhaatiir heer sare ah oo reer Australia ah ayaa waraaq u diray dawladda iyaga oo soo jeediyay in ay dawayn bilaash ah u samaynayaan dadka magangalyo doonka ah ee ku nool Papua New Guinea. Dad lagu qiyaasay 300 oo ruux oo magangalyo doon ah ayaa Jimcihii ka tagay xarun ay Australia dadka ku hayn […]

Posted in
Warar
Comments Off on Dhakhaatiir doonaya in ay si bilaash ah u daweeyaan dad magangalyo doon ah
Posted by Iftiinshe on November 26th, 2017
Indhaha ayaa lagu hayey doorashadii maamul beeleedka Somaliland, shacabkooduna waxay doonayeen isbedel iyo waa cusub oo ka berya gebi ahaanba deegaanadana uu ka kooban yahay maamulka beeleedka Somaliland, ragga loolamayey Muuse Iyo Cirro ayaa loo kala jabay, Faysal isagu masaariiftiisa ayuu u dagaalamayey waanu ogaa in aanay cidna doonaynin, karbaashida cirro ayaanu meesha u joogay […]

Posted in
Warar
Comments Off on Doorashadii Somaliland Miyaa Lagu Shubtay Mise Si Sharciya Ayey Shacabku U Doorteen Muuse Biixi?!!! VIDEO
Posted by Iftiinshe on November 26th, 2017
Wararka aanu ka helayo magaalada Buuhoodle ee caasimada gobolka Cayn waxay sheegayaan gebi ahaanba isgaadhsiintii talafoonada in laga jaray, iyadoo la doonayo duullaan dhinacyo badan ah in uu ku soo qaado maamul beeleedka Somaliland oo ay horkacayaan kooxdii fashilantay ee uu tukubaha u hayey Mr Galaydh oo isagu horey meel fagaare ah uga codsaday maamul […]

Posted in
Warar
Comments Off on War Deg Deg Ah: Buuhoodle Oo Duullaan Ku Soo Wajahan Yahay Iyo Isgaadhsiinta Qaarkeed Oo Laga Jaray
Posted by Ruugcadaa on November 25th, 2017
Waxaan maqli jirey meel aad madax ka tahay manjo lagama noqdo waxaan ka wadaa Horgale Galaydh oo waynu madax ka dhiganay bal maanta eegga halka uu is geeyey, sow duni aakhir sabaan maaha? Kuwii u sacab tumi jirey aaway?

Posted in
Warar
Comments Off on HORGALE Galaydh Iyo Sahra Halgan Oo Isla Sawiran, Maxaa Kaaga Baxay?!!!
Posted by Ruugcadaa on November 25th, 2017
Kumuu Ahaa Geesigii Diidey Isagoo Dagaalamaya Sanadkii 1964-kii in Ciidamada Itoobiya ay Gacanta ku Dhigaan Calanka Soomaaliya.. (Fadlan Walaal Akhri Qormo ka Hadleysa Taariikhda Geesigaas Soomaaliyeed) ============================================================ Sanadku waa 1964-kii Goobtuna waa meesha la yiraahdoTog-wajaale waxaana halkaas ka socdey dagaalo culus oo u dhaxeeyey ciidamada geesiyaasha soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiya. Askari lagu magacaabayey Maxamed Cabdulle […]

Posted in
Warar
Comments Off on
Posted by Ruugcadaa on November 25th, 2017
Madaxwaynaha dalka Cuba, Raul Castro ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kuuriyada Waqooyi, Ri Yong Ho .

Posted in
Warar
Comments Off on Madaxwaynaha Cuba oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda K/Waqooyi
Posted by Ruugcadaa on November 25th, 2017
Waxaanu ugu baaqaynaa jaaliyadaha khaatumo inay ka sooqayb galaan shir guud oo ay kasoo qayb galayaan wasiiradii uu Madaxweyne Cabdalle Cagalule ku dhawaaqay.

Posted in
Warar
Comments Off on Ogeysiis:Shacabka Reer Khaatumo Ka Soo Qayb Gala Talafoon Wadaaga
Posted by Ruugcadaa on November 24th, 2017
Markii ay doorashooyin ku sheegii somaliland bilaabmayeen Mr Galaydh wuxuu isa sii geeyey magaalada Hargeysa halkaasi baanu ka fooday, Mr Rashkana wuxuu u diray buuhoodle iyo huteel Cabdi Guray Palaza, inuu sii dego…

Posted in
Warar
Comments Off on Rashka Oo Loo Sheegay Inuu Magaalada Buuhoodle Isaga Baxo
Posted by Iftiinshe on November 24th, 2017
Kama baran iskuulka keliya Jaamacaduna ma ay aheyn halkaan aqoonta ka siyaadsadey,waxaanse sidoo kale casharo aanan ku barteen sannadaha aan wax dhiganayey ka bartey guriga Aabahay iyo Hooyadey, waxaana ogaadey in qof kastoo cilmi leh uu jiro qof ka sii cilmi badan, waxaana dhab ah in si kastoo loo eego aqoonteyda marka la ag dhigo […]

Posted in
Warar
Comments Off on Ka Faa’iidayso Xikmadahan Qiimaha Ku Fadhiya, Noloshaadana Wax Ka Bedeli Kara!!!
Posted by Iftiinshe on November 24th, 2017
Wararka ka imanaya Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sheegaya in inta badan amiirada iyo maalqabeenadii la xirey horaantii bishii hore ay haatan doonayaan inay gorgortan ka galaan sidii ay u soo celin lahaayeen malaayiin dollar ayna u heli lahaayeen xoriyadooda, ka dib dayac badan oo ka soo gaadhay goobtii uu amiir salmaan ku xidhay dhamaantood.

Posted in
Warar
Comments Off on Maalqabeenadii Uu Xidhay Amiir Sulmaanka Sucuudiga Oo Raba Inay Is Furtaan
Posted by Iftiinshe on November 24th, 2017
Dawladda Rwanda ayaa ku yaboohday in ay magangalyo siinayso 30,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsan dalka Liibiya, kuwaas oo badankood ku sugan xaalad adoonsi ah. Arrintan ayaa dabasocota muuqaal uu toddobaadkii hore baahiyay telefeshinka CNN, kaas oo muujiyay rag la xaraashayo si beeraha loogu fasho. “Taariikhdanada markaan fiirino, kama aamusi karno iyadoo banii’aadan […]

Posted in
Warar
Comments Off on Rwanda oo dib u dajin u fidisay Afrikaan Liibiya lagu adoonsanayo
Posted by Ruugcadaa on November 23rd, 2017
Waxaa kulan yeeshay Muuse Biixi iyo Mr Galaydh oo ay diif iyo diihaal xumi ay ka muuqanayso korkiisa wuxuuna Mr Galaydh ku baryootamay liis magacyo uu watay in loogu daro xukumada uu Muuse Biixi soo dhisanayo.

Posted in
Warar
Comments Off on Kulan Ay Yeesheen Muuse Biixi Iyo Horgale Galaydh Oo Watay Liis Magacyo Ah
Posted by Iftiinshe on November 23rd, 2017
Wararka aanu ka helayno magaalada Hargeysa waxay sheegayaan durba Mr Galaydh oo ku fashilmay ka midha dhallintii maamul goboleedka Khaatumo, wuxuu kulamo sawiro ila gal ah uu la yeeshay Muuse Shaani oo ah ninkii boobay doorashadii uu ku soo bixi lahaa Mr Cirro oo ay shacabkiisu u foodeen, Mr Galaydh iyo Muuse Shaanina maxay ka […]

Posted in
Warar
Comments Off on Mr Galaydh Oo Xil Ka Quudaraynaya Muuse Biixi
Posted by Iftiinshe on November 23rd, 2017
Qoysas aad u tira badan oo ka soo jeeda beelaha Gabooyaha ee la haybsooco xaafadda Daamina ka deganaa magaalada Hargeysa ayaa isaga guuray ka dib markii ay dhibaatooyin soo noqnoqanayey lagula kaçay, intii ay socdeen doorashooyin ku sheega maamul beeleedka Somalilandna waxay si toos ah u taageereen Cirro, taasina waxay ku sii hurisey colaad kale, […]

Posted in
Warar
Comments Off on Beelaha Gabooyaha Qaarkood Oo Hargeysa Isaga Hayaamay
Posted by Iftiinshe on November 23rd, 2017
Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Ruushka ayaa lagu xiray dalka Faransiiska, waxaana lagu furay baaritaan rasmi ah oo la xiriira musuqmaasuq. Ninkan oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Ruushka, laguna magacaabo Suleymaan Karimov ayaa la sheegay in uu kala xawilay lacago lagu heley qaab wax isdabo marin ah. Dowladda Ruushka ayaa u yeertay […]

Posted in
Warar
Comments Off on Xildhibaan Ruush ah oo lagu xirey Faransiiska
Posted by Ruugcadaa on November 22nd, 2017
( Qiso dhab ah oo Dalka Pakistan ka dhacday Fadlan Walaal Akhri ) ===================================================================== Dhakhtar caan ka ah dalka Bakistan kuna taqasuusey qaliinka laguna magacaabo Dr. Ishan ayaa maalin maalmaha ka mid ah tagey Garoonka dayuuradaha ee ku yaala wadankiisa Pakistan si uu uga qayb galo shir heer caalami ah oo lagu gudoon siinayey abaal […]

Posted in
Warar
Comments Off on Qiso Dhab Ah Pakistan Ka Dhacday
Posted by Ruugcadaa on November 22nd, 2017
Nin askari oo 25-sano jir ahaa kana tirsanaa ciidanka Boliiska dalka Afqanistan, darajadiisuna aheyd Laba Xiddigle laguna magacaabi jiray Sayed Basam Pacha, ayaa Maalintii khamiista ee Bishan Novembar aheyd 16 Sannadkan 2017-ka wuxuu Alle ka sakow badbaadiyay nolosha dad aad u badan oo ku sugnaa Hotel ku yaala Magaalada Kabul oo uu shir ka socday.

Posted in
Warar
Comments Off on Ismiidaamiye La Fashiliyey!!