Archive for October, 2017

Soo Dhawayntii Ugaas Maxamuud Ugaas Ciise Nuur Oo Soo Gaadhay Garoowe-Sawiro

Soo dhaweyntii Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdillaahi ciise oo Maanta Caasimada Garoowe Soo gaadhay isagoo loo caleema saarayo dhawaan booskii Aabihii Allah ha u naxariistee Ugaas Cabdillahi Ciise oo ahaa Ugaaska Beesha Xasan Ugaas .

Share

Itoobiya Oo Ku Cadaadinaysa Farmaajo Inuu Burburiyo Saldhiga Turkiga

Dowlada Ethiopia oo kamid ah dowladaha deriska la ah Somalia ayaa durba dareen gaara ka muujisay dhismaha Saldhiga Militery ee uu Turkigu ku leeyahay Somalia.

Share

“Malaayiin Maraykan ah ayay gaartay xog kala qaybin ah oo lala xiriiriyay Ruushka”

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in dad gaaraya 126 milyan oo Maraykanka ku nool in ay gaartay macluumaad ay soo gudbiyeen dad Ruushka ku sugnaa, arrintaasina waxay dhacday labadii sano ee la soo dhaafay.

Share

Gabadhii Badbaadisey Maktabadii Wadankeeda

Marwo Caaliya Maxamed, Gabadhii Maktabaddii Waddankeeda Badbaadisy! =========================================================== Marwo Caaliya Maxamed, waxa ay shaqaale ka ahayd maktabadda ugu weyn magaalada Basra ee dalka Ciraaq sannadkii 2003-dii waxaana dhacday in Ciidamadii Ciraaq ay soo galaan maktabaddii, dabeedna korkeeda ayey ka dhigteen dhufays ay dayuuradaha iskaga dhiciyaan. Kadib Marwadan ayaa codsatay kutubta, documents-ka iyo muuqaallada qaaliga ah […]

Share

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Garoowe Ka Degay

Sida aanu wararka ku helayno waxaa garoonka diyaaradaha garoowe ka degay Hadaad Jaamac Garaad Cali oo in muddo ah ku sugnaa wadanka imaaraadka carabta 

Share

Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara Oo Ku Geeriyooday Dalka Canada

Waxaa Dalka Canada ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Cawad Axmed Cashara oo ka mid ahaa Baarlamaankii Dowladdii KMG ahayd ee Cabdullahi Yusuf Axmed.   Marxuum Cashara ayaa sidoo kale ka mid ahaa aasaasayaashii Maamulka Puntland, waxuu sidoo kale soo Noqday Wasiirkii warfaafinta Maamul Gobaleedka Puntiland.

Share

Sudhayo Oo Iska Casili Doonaa Xilku Sheegii Mr Galaydh,Iminkana Xamar Ku Sugan…..

Wararka aanu helayno waxay tibaaxayaan dhawaan waxaa isna iskaga carari doona la shaqayntii Mr Galaydh gacanyarihiisi dhabta ahaa isla markaasina ahaa gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Khaatumo, oo waqtigan xaadirka ah ku sugan caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

Share

Kooxdii khayaano oo tabco isa sudhay iyo guulwade iska casilay – Video

Kooxda khayaano oo shayga kaliya ee ay ka midays-naayeen ahaa sidii ay shilimaad ugu raadsan lahaayeen dhiiga shacabkooda ayaa haatan u muuqda kuwo iyagu isa sudhaya tabco khayaano. Halkan Ka Daawo Taasi waxay keentay in ay kooxdii yarayd kala yaacaan iyada oo maantana uu ilko la’aan kala huleeley nin wasiirka warfaafinta ugu magacownaa horgal Galaydh. […]

Share

Marwo Cadar Dhabdhable Oo Ka Warbixisey Xaalada Gobolka Cayn, Geedna Ku Xidhay Kooxda Faashilka Ah Ee Mr Galaydh-VIDEO

Marwo Cadar Ismaaciil Dhabdhable oo ka mid ah hablaha aqoonyahanada reer Khaatumo waxay si toos ah tooshka u ifisey xaaladaha dhabta ah ee ka aloosan deegaanada SSC qaar ka mid ah, sida caasimada gobolka Cayn oo ay maalmahan dambe u soo hagoogteen kooxo Mr Galaydh wato oo muraadkooduna yahay inay beel kale hoos geeyaan.

Share

Madaxweyne Farmaajo “Falalka noocaan oo kale ah nama niyad-jabin doonaan, waana ka….”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray weerarkii galabta Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee degmada Xamar weyne, isagoo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkaas.  War saxaafadeed goor sii horeysay laga soo saaray Madaxtooyada, saacado kaddib qaraxyadii gil gilay Hotelka Naasahablood 2 ayaa lagu sheegay in weerarkaas aanu marna niyad jebin doono qorshayaasha iyo […]

Share

Maraykanka: Halista Kuuriyada Woqooyi way sii kordhaysaa

Xog-hayaha gaashaan dhigga Maraykanka, James Mattis, oo booqasho ku jooga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in halista weerar nukliyeer ah oo ay qaadi karto Kuuriyada Woqooyi sii kordhayso.  Mattis ayaa digniin uu u jeediyey ku sheegay in ay “jawaab milatari oo culus” la kulmi doonto Kuuriyada Woqooyi hadii ay adeegsato hubka nukliyeerka.

Share

Gabadh Reer Khaatumo Ah Oo Mr Galaydhna Runta U Sheegtay, Reer Buuhoodlena Digniin U Dirtay-VIDEO

Dibindaabyooyinka Mr Galaydh ka wad gudaha magaalada Buuhoodle, isku dirka shacabka walaalaha ah iyo kala furfurka umadaasi sharafta badan, Gabadh reer khaatumo ah oo u adkaysan wayday arimahaasi foosha xun ee ka dhex wado, waxay ugu baaqday inay si dhakhso ah isaga saaraan, maadaama uu soo dhaafay xishoodkii iyo abtinimadii loogu tudhayey.

Share

Farriin ku Socota Aqoonyahanka Geeska Afrika

Waa erayo kooban, balse qalbiga ka soo go’ay oo ku socda gacallayaashay. Kuwa qalinka qancid ku qaatay. Ee rumeeyay sarraynta erayga fahan ahaan, iyo in qalinku ka xooggan yahay baaruudda. Waayo baaruuddu wax bay dishaa, qalinku se wax buu nooleeyaa. Marmarka qaar ayay se baaruuddu door roonaataa, oo aanay wax dilin e lagu difaacaa dalka […]

Share

Raggii Mr Galaydh Duufsaday Oo Dib Looga Soo Celiyey-VIDEO

Waxaa Magaalada Buuhoodle Xarunta gobolka cayn waxaa ka soconaayay Shirar Balaadhan oo beelaha Gobolka cayn uga Hadlayaan sidii Loo  Soo calin lahaa midnimada gobolka loona Saari laha cadowga Gobolka u Jooga kala Furfurka Dadka Reer Cayn iyo sidii la isaga hor keeni shacabkaasi walaalaha oo uu la doonayo inuu hoos geeyo maamul beeleedka Somaliland.

Share

Horgale Cali Khaliif Oo Loo Isticmaalay Codbaahiye, Wax Badana Dhegaha Loogu Riday, Xilli Uu Ku Sugnaa Dabaqa Uu Saaran Yahay-VIDEO

Shacabka reer Buuhoodle ee ilaashada sharaftooda iyo in aan la duliyeysan sida ka jirta deegaanada Nugaasha, waxay codbaahiye dheer afarta koone kala istaageen huteelka uu ka degan yahay magaalada Buuhoodle, waxaanay si cad ugu sheegeen inuu magaalada iskaga baxo, arrintanina waxay ku dhalisay Cali Gudaaye inuu iskaga haajiray magaaladii xilli aan la ogayn.

Share

Ammaanka Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho oo si aad loo adkeeyay

Ammaanka Saldhigga Milateri Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, kaddib qaraxii weynaa ee 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasoo galaaftay nolosha boqolaal ruux.  Saldhigga oo ku yaal Wadada aada Jaziira ayaa saacadihii la soo dhaafay amnigiisa la adkeeyay, waxaana lagu arkay banaanka xerada gaadiidka gaashaaman ee ay leeyihiin Ciidamada […]

Share

Tallaabooyin cusub oo lagu soo rogay duullimaadyada Maraykanka aada

Tallaabooyin cusub oo dhanka amniga ah, oo saamaynaya duullimaadyada Maraykanka aada ayaa dhaqan galaya, kuwaasoo maamulayaasha Maraykanku ay sheegeen in looga gol-leeyahay in lagu yareeyo khatarta qaraxyada la soo qariyo.  Waxaa ka mid ah Baaritaanno dheeraad ah oo lagu samaynayo rakaabka iyo qalabka elektroonigga ah.

Share

Madaxweynaha Khaatumo Mr Cagalule oo furay kal fadhigii 7 aad ee baarlamaanka Khaatumo – Video

Sida ay tahay sunada siyaasada waxaa maanta kalfadhigii 7aad ee golaha shacabka Khaatumo furay madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Khaatumo mudane Cagalule, kana jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa aadna u qiiro galisay xubnaha golaha shacabka iyo reer Khaatumo meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Halkan Ka Daawo Waxa isla goobtaas lagu dhaariyay madaxweyne […]

Share

Baashe Cali Jaamac iyo raxan horgalo ah oo u digo rogtay xisbiga Wadani – Video

Raxan horgalo ah oo uu hormuud u yahay wasiirkii hore ee biyaha ee maamul beeleedka Somaliland ayaa maanta shaaciyay inay u digo rogteen xisbiga Wadani. Halkan Ka Daawo Iyada oo ay maalimo ka hadhsan yihiin wakhtigii loo cayimay doorashada maamulka Somaliland ayaa waxaa isasoo taraya shacab iyo masuuliyiin badan oo isaga dareeraya xisbiga kulmiye. www.ruugcadaa.com

Share

Cali Maraykan oo ka waramay xanuun xaga dhimirka ah oo lasoo darsay Horgal Galaydh – Video

La taliyihii hore ee arimaha bulshaha ee Horgal Galaydh oo ka waramay xanuun xaga maskaxda ah oo lasoo darsay madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo Horgal Galaydh. Halkan Ka Daawo La taliyuhu wuxuu shacabka reer Khaatumo uga digay dabinada ay isaaqu u maleegayaan shacabka reer Khaatumo iyaga oo ka faa’idaysanaya xaalada dhimir ee lasoo daristay madaxweynihii […]

Share

Maxamuud Sh. Cumar “Sudheyo” oo dhakhtar la dhigay

Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Khaatumo State of Soomaaliya Mr Maxamuud Sh. Cumar ayaa haatan la dhigay dhakhtar ku yaala magaalada Hargeysa. Mr sudheyo ayaa lagusoo waramayaa in ay lasoo deristay xaalad caafimaad oo xaga caloosha ah. Wararku waxay intaas ku darayaan in ay xaaladiisu tahay mid khatar ah in kasta oo uu mudooyinkii ugu danbaysay […]

Share

Garaad Saleebaan & boqor Dabagooye oo ka horyimi heshiis beenaadkii Caynaba – Video

Dhawaan ayey ahayd markii kooxda khayaano oo uu hormuud u yahay horgal Galaydh ay heshiis been ah la saxiixdeen maamul beeleed ka Somaliland. Halkan Ka Daawo Hadaba, waxaa hore uga horyimi shacabka iyo isamada dhulbahante, haatana waxaa codkooda diidno kusoo biiriyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo boqor Dabagooye. www.ruugcadaa.com

Share

Duullaan Ku Soo Wajahan Buuhoodle- VIDEO

Kooxdii fashilantay ee Mr Galaydh iyo xisbi ku sheega Kulmiye waxay dhawaan magaalada Caynaba ku kala saxeexdeen qodobo lagu dhabar jebinayo jiritaanka midnimada soomaaliyeed, waxaana hormood ka ahaa Mr Galaydh oo ilaahay xaalkiisa ogyahay iyo saaxiibkiis Siilaanyo, arimahani waxaa falanqaynaya aqoonyahay soomaaliyeed….siro badan ayaanu qarxinaya…

Share

Daawo Abwaan Siciid Saalax Oo Ka Sheekaysanaya Arimo Badan Oo Muhiim Ah-Video

Somali Week Festival 2017 oo ka dhacaya wadanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London, waxaa lagu marti qaaday qaar ka mid ah abwaanada soomaaliyeed, hase ahaatee habeenkii loo qoondeeyey waxaa yimid Abwaan Siciid Saalax oo keliya intii kale weli Itoobiya ayey ku xaniban yihiin, balse wacdaro ayuu ka geystey abwaan Siciid Saalax goobtaasi.

Share

Madaxweyne Ku Xigeenkii Khaatumo Oo La Doortay-Sawiro + Video

Waxaa maanta magaalada Buuhoodle lagu qabtay doorashadii madaxweyne ku xigeenka Khaatumo, tartan dhacay ka dib waxaa ku guulaystey Mudane Bashiir Cismaan Cabdi Xaashi guushuna waxay ku raacday 25 cod, iyadoo xildhibaanada soo xaadiray ay dhamaayeen 27 xildhibaan, tanina waa guul u soo hoyatay shacabka reer Khaatumo marka laga reebo intii yarayd ee isu dhiibtay maamul […]

Share

Sawirkii Sanadka ee mareegta Ruugcadaa

Warsidaha ruugcadaa wuxuu idiin soo gudbinayaa sawirka Sanadka oo ka turjumaya laba shakhsi oo siyaasada SSC isku meel kasoo rakaabsatay, isku meelna baroosinka ku xidhay. Waa muuqaal xambaarsan kana turjumaya midabaynta siyaasadooda, isla markaana muujinaya meesha ay hayaanka u wadeen. Waa taariikh aad moodid inay dhowr jeer shacabkan kusoo noqnoqotay oo aynaan waxba ku qaaday. […]

Share

Garaad Cabdirisaq G. Soofe oo BBC waraysi siiyay

Garaadka Cabdirisaq garaad Soofe oo BBC da waraysi siiyay ayaa uga waramay xaalada dhabta ah ee ay deegamadani ku sugan yahay iyo heshiis beenaadka kooxda khayaano la gashay maamul beeleed ka SNM. “Anagu Qaranka Soomaaliyeed ayaanu ka mid nahay. – Garaad Cabdirisaq Garaad Soofe – BBC Isku soo wada duuboo, shacabka reer caymeed waxay hogaanka […]

Share

Bukaanno “nasasho u baahan badalkii dawo looga qori lahaa”

Bukaanno badan ayaa u baahan in loo sheego in ay gurigooda ku laabtaan oo ay nastaan badalkii antibiyootik la siin lahaa, sida ay sheegeen khubaro caafimaad.Waaxda Caafimaadka Dadwaynaha ee England ee magaceeda loo soo gaabiyo (PHE) ayaa sheegtay in illaa boqolkiiba shan dadka loo qoro antibiyootigga aysan daruuri ahayn maadaama dadku ay xannuuno badan ka […]

Share

Buuhoodle Marna Ma Cadow Baa Loogu Yeedhan, Marna Miyaa Loo Hoyan?!!-VIDEO+Sawiro

Run ahaantii shacabka SSC intiisa xalaasha ahi waxay isweydiinayaan hadaladii cuqdadaysnaa ee uu ku hadaaqay Mr Galaydh xilligii uu ku sugnaa Caynabo, oo ay gundhigana u ahaayeen kaalaya oo Buuhoodle ii qabta Puntlandna ila weerara, waxaanu kaalmadaasi cabashada ah uu u gudbiyey maamul beeleedka Somaliland ee qabyaaladu biya dhigtay, balse ma laga hoos qaaday baryadaasi […]

Share

Abwaanadii Ka Qayb Geli Lahaa Somali Week Festivel 2017 Oo Ku Xaniban Itoobiya-Sawiro

Waxaa si rasmi ah u furmay  barnaamijkii sanadlaha ahaa ee Somali Week Festival taariikhdu markay ahayd 20/10/2017, hase ahaatee waxaa weli ku xaniban magaalada Adis Ababa abwaaniintii ka qayb geli lahayd oo ay ka mid yihiin Abwaan Jaamac Kediye Cilmi, Weedhsame Iyo Cismaan Cabdi Nuur Xaashi iyo weliba Mursal yare.

Share
Powered by WordPress