Archive for August, 2017

Madaxweyne Farmaajo: Dalkaan ma kala go’ayo, Caalamkana ma rabaan in Soomaali kala go’do”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaalida ay tahay dad mid ah oo aan kala go’ karin, isagoo xusay in si walba oo midnimada dalka lagu ilaalin karo uu diyaar u yahay inuu sameeyo. Hadalkan ayuu Madaxweynaha ka sheegay mar uu dadweyne kula hadlayay maqaaxi ku taal Xeebto Liido, halkaasoo uu shalay u damaashaad […]

Share

Mareykanka oo kadigay in dagaal sokeeye Somalia kadhaco

Waxaa uu yiri “Soomaaliya waa dhallaan,waxaa ay u baahan tahay wehel iyo kaalmo inta ay cagaheeda isaga taageyso,waxaana ka digayaa in lagu deg dego ka bixidda Soomaaliya”.  Ciidamo ka badan 20,000 ka socda AMISOM ayaa 10,kii Sano ee la soo dhaafay dagaal kula jiray Al-shabaab,waxaana ay la wareegeen dhul ay horay u maamulayeen Al-shabaab sida […]

Share

Caafimaadka maskaxda iyo xiriir jacayl ayaa ah ‘furaha farxadda’

Caafimaadka maskaxda iyo inaad leedahay qof ku jecel ayaa dadka u keena farxad ka badan mida ay keento lacagta badan, ayay heshay daraasaad cusub.  Daraasaadka oo ay samaysay jaamacadda London School of Economics, ayaa eegtay jawaabihii 200,000 oo qof sida sababo kala duwan ay u saameeyeen farxadooda.

Share

Wasiirada Arimaha Dibada Ee Kenya Oo Afsoomaali Ku Khudbadaysey-VIDEO

Wasiirada arimaha dibada ee wadanka Kenya Marwo Amina Maxamed Jibriil oo iyadu asal ahaan ka soo jeedda deegaanada SSC waxay meel fagaare ah kula kulantay soomaalida Kenya, waxaanay kula hadashay af soomaali, iyadoo weliba aad ugu faraxsan.

Share

WAXAA LUMAY,LIICAY LA WAAYEEY RAXAN KHIYAANO(DUUD-XAMAALADDA).

Sida warbaahinta Somaaliyeed lagu baahiyeey waxaa Heshiis ku sheeg quursi iyo bahdilaad cad ku ah Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed gaar ahaa Bulshada SSC-da kala saxeexday Rajiim Beeleedka SNMta iyo Kooxda cidlo jooga ah Raxan khiyaano,si wada jir ahna u shaaciyeey 10-Qodob 8 ka mid ah yihiin xiisad abuur,colaad,duulan iclaamin,cunaqabateeyn iyo eedeeymo beeneed dusha ugu tuurida […]

Share

Imaam Masjid Oo La Qabtay Lana Xaqiijiyey Inu Ka Tirsan-yahay Sirdoonka Israaiil

Baraha Warbaahinta caalamka ayaa lagu soo shaaciyey in maamulka Amniga Libiya ay dhawaanta soo qabteen Nin Imaam ka ahaa Masjid ku yaala Tripoli oo halkaas durbaan Jihaad u tumi jiray ururada xag-jirka sida Daacishka, Ninkaas oo loogu yeeri jiray magaca Imaam Abu-Xafza, waxaa markii dambe la ogaaday in magaciisa runta ah u yahay Binjaamin Avrem, […]

Share

Kuuriyada Woqooyi oo gantaal dul marisay Japan

Kuuriyada Woqooyi ayaa gantaal ay ridday dul marisay woqooyiga Japan oo wuxu ku dhacay badda.  Ciidamada Japan iskuma ay dayin in ay soo ridaan ama dhexda ku qabtaan gantaalkaa in kasta oo raadaalladu markiiba digniin bixiyeen, waxaana gantaalkaa la riday aroornimadii hore ee saaka.

Share

Masar Oo Soomaaliya Ka Hirgelinaysa Mashruuc Beeraha Ah

Wasiirka Beeraha ee dalka Masar, C/muncim Al-banna ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu dhigiisa Somalia, Saciid Xuseen Ciid kula kulmay magaalladda Qaahira.  Kulankaasi waxaa looga wada hadlay qaababka ay labada Dowladood isaga kaashan karaan horumarinta wax-soo-saarka Beeraha iyo Xoolaha.

Share

Starsom oo duulimaad joogto ah ka bilowday Buuhoodle iyo Muqdisho – Video

Iyada oo ay isasoo tarayso horumarka la taaban karo ee ka tisqaaday gobolka Cayn gaar ahaan xaruntiisa Buuhoodle ayaa haatana waxay shirkada Starsom bilowday adeeg duulimaad oo joogto ah, iyada oo shacabka gobolka Cayn iyo deegaamada u dhow ay heli doonaan adeeg u dhow. Halkan Ka Daawo Horumarkani waxay imaanaysaa xili Somaliland ay rabto inay […]

Share

Theresa May oo ku dhawaaqday xilliga ay ka degayso Madaxtinimada dalka Ingiriiska

Theresa May waxay shaacisay inay xilkaasi ka degi doonto bisha August 30-da ee sannadka 2019-ka, oo ah isla xilliga uu u dhamaanayo Xilli-hawleedka Ra’isul-wasaarenimo.

Share

Garabkii Mr Galaydh Is Cadeeyee, Taageerayaashoodii Ma Ka Hadheen?!!!

In badan oo caqliga u saaxiib ahi way arkayeen garabka Mr Galaydh inay isugu biyo shuban doonaan maamul beeleedka Somaliland, oo isagu ku caan baxay soo dhawaynta marka hore iyo buunbuunintooda, marka dambana ku yidhaahda dadkiina dhinac ka raaca!!!, maadaama lagu hubsaday hoggii lala damacsanaa ee hoogga iyo horgalanimada….

Share

Baaq Nabadeed Oo Ku Socda Reer Buuhoodle-VIDEO

Beelweynta reer Buuhoodle ee ku dhaqan wadanka maraykanka qaybo ka mid ahi waxay qabteen kulan wada xaajood oo ay kaga arinsanayeen dhibaatadii dhawaan ka dhacday magaalada Buuhoodle oo lagu guulaystey in si hufan jewi walaaltinimo lagu soo afjaro.

Share

Kaysoow Marka Hore Is Dhegayso Ka Dibna Hadal!!!

Markaynu xasuusta dib u celino xilligii Saaxdheer marku isku caana shubayey madaxeynihii hore ee Khaatumo Kayse waxaa lagu xasuustaa hadalo uu madashaasi ka yidhi ‘Waysadii baa iga jabtay waanan soo weysaystey ee ha i saamaxo!!’, macnaha wuxuu xilligaasi shacab ka SSC uu weydiisanayey inuu ku balan furay, ka dib markii isaga galay maamul beeleedka Somaliland […]

Share

Waraysi Aanu La Yeelanay Ganacsade Xuseen Maxamed Aadan Dhalandhool, Oo Ka Mid Ah Wax Garadka Gobolka Can-VIDEO

Waxaanu khadka taleefoonka kula xidhiidhnay Ganacsade Xuseen Maxamed Aadan (Dhalandhool), oo isagu ka mid ah wax garadka gobolka Cayn, waxaanu si toos digniin ugu dirayaa ugxanta Mr Galaydh ee ku sugan dabaqa Cabdi Guray Palaza Hotel, heshiiska Hargeysana wuxuu ku tilmaamay shimbirayahow Heesa!!!

Share

MAXAA KALA QABSADAY: DANJIRE AXMED CABDI XAASHI ‘XASHARE’ IYO MADAXWEYNE MAXAMED SIYAAD BARRE

Hore ayaa degelkan ‘WardheerNews’ la iiga bartay qoraallo ku magacaaban “Safar Aan Jaho Lahayn”, anigoo uga gol lahaa in qeyrkay oo igaga habboon in ay iyana nala wadaagaan ama ummadda u soo gudbiyaan wixii xasuusqor ah ee ay hayaan, aqristayaal fara badan oo qoraalladaas u bogey.  Maanta waxaa iskay tusay inaan khaanad kale abbaaro; waa intaas […]

Share

Bal Ila Daawada Cuqdada Daarood Nacaybka Ee Ka Buuxda Faysal Cali Waraabe -VIDEO

Dadka qaar baa naanayso u bixiyey Faysal Cali Waraabe, gaar ahaan markaad eegtid cuqdada iyo nacaybka uu u qabo beelaha soomaaliyeed qaarkood, oo uu u wareero si fool xun oo aanay ka muuqanin miyir qab iyo in wax la iskula hadho, waxaase ka yaab badan shakhsiga noocaasi ah kuwa u durbaan tumayee ee uu Mr […]

Share

Ogeysiis Ku Socda Beelweynta Axmed Garaad Ee Gudo Iyo Dibad

Dhamaan beelweynta Axmed Garaad ee ku dhaqan wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba waxaanu ugu baaqaynaa inaad nagala soo qayb gashaan shirweyne talafoon wadaag ah, isla markaasina layskula soo qaadi doono arimaha ka soo cusboonaaday deegaanadeenna iyo nabadayntiisaba.

Share

Mr Galaydh Iyo Abokor Sulub Oo Rogaalcelis Ku Soo Wada Buuhoodle Iyo Xaglotoosiye Oo Isna Qorsha Ka Dhan Ah

Maalmahan waxaa Magaalada Hargeisa ku sugna madaxweynihii Hore Khaatumo cali khaliif galaydh iyo Xubno kamid ah Xulufadiisa.  Cali khaliif Oo Buuhoodle Ka Baxay 20 Bishan una Baqoolay Dhanka  Hargeisa kadib markii Kooxdiisu kula talisay In uu baneeyo Gobolka inta Xiisadu ka taagan  tahay ayaa haatan Somaliland Hor Dhigtay Qodobo Halis ku ah Buhoodle.

Share

Jabhad Hubaysan Oo Ka Dilaacday Magaalada Burco-VIDEO

Waxaa la soo sheegayaa magaalada Burco ee caasimadda gobol togdheer ee soomaaliya waxaa ka dilaacay jabhad hubaysan, waxaanay arrintani ka cadhaysiisay oday badhasaabka ah magaaladaasi oo waxna sheegaya waxna shareeraya.

Share

Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay saddex gantaal oo ridada dhexe ah

Waqooyiga Kuuriya ayaa shalay oo jimco aheyd tijaabisay saddex gantaal oo Balaastik ridada dhexe ah, sida uu xaqiijiyay Milateriga Mareykanka.

Share

Nin Soomaali ah oo askar ku weerarray Brussels

Nin Soomaali ah ayaa la toogtay ka dib markii uu xalay faas ku weerarray askar u dhalatay dalka Belgium, kuwaasoo ku sugnaa caasimadda Brussels. Dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso.

Share

Dal beec ah iyo dadkiisoo gaajeysan

Burburkii dowladii dhexe ee Soomaliya waxaa laga joogaa muddo ka badan 27 sano. Intaa wixii ka dambeeyey Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan. Dagaal sokeeye oo daba dheeraaday, kala qeybsanaan, abaaro is daba jooga iyo xag jirnimo xambaarsan fikrado diinteena ka baxsan. Hase ahaatee shacabka Soomaliyeed waa ka badbaadey masiibooyinkaas is dabajoogey.

Share

Madaxii shirkadda Samsung oo lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah

Maxkamad ku taala magaalada Seoul ee caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa shan sano oo xarig ah ku xukuntay Lee Jae-yong oo leh dhaxalka shirkadda Samsung sababo la xiriira dambiyo musuqmaasuq.  Maxkamadda ayaa Lee ku heshey in uu laaluush siiyey dowladda , islamarkaasina ka filayay in loo eexdo isaga.

Share

Mr Galaydh Ilaa Hada Wax Juuq Ah Lagama Hayee, See Wax U Jiraan?!!!!

In badan baa lalaha Buuhoodle wax baa ka dhacayaa, inta badana hadaladaasi waxay ka soo yeedhayeen kooxda durbaanka u tunta Mr Galaydh, hase ahaatee saadaashii xumayd wataasi la soo afjartay, maantana gacmaha la is qabsaday lagana heshiiyey in aanay mar dambe dhicin, balse nabadani waxay meesha ka saartay kuwii mashruuca ka dhiganayey.

Share

Maxbuux maraykan ah oo lagu dilay irbad tijaabo ah

Nin ay caddaannimadu la waynayd oo lagu eedeeyay in cunsurinimo dad ugu dilay gobolka Florida soddon sano ka hor ayaa xukun dil ah lagu fuliyay isaga oo lagu duray irbad.

Share

Dowladda Qadar oo sheegtay in ay dib ugu celineysa safiirkeeda dalka Iran

Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Qadar ayaa shaaca ka qaaday in ay dib ugu direyso magaalada Tehran ee caasimadda dalka Qadar safiirkeeda mudada 20-ka bilood ka maqnaa dalkaasi.

Share

Hooyo Soomaaliyeed oo Ninkeedii ku Dilay Dalka Ingiriiska

Aasiya Cumar oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo dhalinyara ah ayaa Isniinti lagu dilay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, kadib marki uu toorey uu nafta kaga saaray seygeeda oo lagu magacaabo Aden Dahir.

Share

Shaqaaqadii Buuhoodle oo lasoo af-jaray

Gudiga nabadaynta, isimada, wax garadka iyo nin garboodka SSC waxay ku guulaysteen in lasoo afmeero dhibaato dhawaan ka dhacday magaalada Buuhoodle oo ay ku dagaalameen laba beelood oo walaalo ah. Guusha laga gaadhay xakamaynta colaada beelahan walaalaha ah waxay niyad jab ku tahay kuwii rabay inay siyaasadeeyaan. Qodobada lagu heshiiyay mardhow ayaan idiin soo gudbin […]

Share

Barnaamij Ku Socda Kooxdii Ku Fashilantay Buuhoodle- Video

Kooxdii laga soo diyaariyey magaalada Hargeysa, mashruuca dhagaraysana looga soo dhiibay, markii ay ku fashilmeen waxay u yaaceen Hargeysa, dib dambana uguma soo laabanayaan Buuhoodle, maadaama ay ahaayeen awrkiraalayaal la doonayey inay buuhoodle u gacan geliyaan maamul beeleedka Somaliland oo haatan foodda iskula jira.

Share

Nabadayntii Buuhoodle Oo Meel Fiican Maraysa Iyo Kooxdii Mashruuca Ka Dhiganaysey Oo Fashilantay

Tan iyo dharaartii ay isku dhaceen labada beelood ee walaalaha ah buuhoodlena wada degani, waxaa soo badanayey baaqyada nuxurkoodu ahaa war ha la joojiyo dhiigga sokeeyaha, oo dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhintee, arrintan baaqyaduna waxay noqotey mid aan kala joogsanin, cid walba oo damiir lihina doorkooda ayey ka qaateen, marka laga reebo […]

Share
Powered by WordPress