Archive for July, 2017

Mr Galaydhoow I Arkaay I Arkaay I Qariyaay Baa Xigta!!!

In badan buu Mr Galaydh hadalo siyaasadaysan dhagaraysan uu ka dhex lahaa bulshaweynta SSC, balse marna kuma uu seexanin kumana uu soo toosin in la isaga daba imaan doono hadaladii ay ka mid ka ahaayeen Somaliland waanu wada hadlaynaa…. oo markii dambe gundhigiisu noqday inay isu dhiibaan.

Share

Putin oo amray 755 Diblumaasiyiin Maraykanka ah inay ka baxaan dalka Ruushka

Ruushka ayaa illaa 1da bisha September u qabtay Maraykanka inay kala baxaan diblumaasiyiintaas safaaradooda Moscow, arrintan oo looga jawaabayo cunaqabateyn uu ansixiyey Baarlamaanka Maraykanka in la saaro dalka Ruushka.

Share

Maxkamadda sare oo mar kale dil ku xukuntay ninkii dilay Wasiir Siraaj

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay askarigii dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Cabaas Siraaji, kaasoo racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda darajada koowaad ku riday 19-kii bishii June.

Share

Trump iyo Abe oo u heshiiyay Kuuriyada Woqooyi

Ra’iisalwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegaya in isaga iyo madaxweyne Trump ay ku heshiiyeen in loo baahan yahay in lala tacaalo Kuuriyada Koonfureed sababo la xiriira gantaalkii ugu dambeeyay ee ay tijaabisay.

Share

Yaa Weli Taageera Kooxdii Mr Galaydh?!!

Markii ay kooxdii Mr Galaydh ku fashilmeen amaanadii ay shacabka reer Khaatumo u dhiibteen, waxay bilaabeen inay soo hawlgeliyaan kooxo ay beenta u rakibaan si ay iyaguna ummada u sii jahwareeriyaan, waana kuwo u badan dhinaca Qurbaha oo hawlahaasi shaqo ka dhigtay.

Share

Qarax xoogan oo Muqdisho ka dhacay

Qarax xooggan ayaa ka dhacay wadada weyn ee Maka Al-Mukarama ee badhtamaha magaalada Muqdisho

Share

Xaflad Loo Samaynayo Taallada Buuhoodle Ee La Yidhaahdo Xasuuso Xasuuqii Kalshaale

Berito oo ay taariikhdu tahay 30/07/2017 waxaa caasimada gobolka Cayn ee Buuhoodle ka dhici doontaa xaflad balaadhan oo lagu furayo taallada la magac baxday (XASUUSO XASUUQII KALSHAALE), bulsha weynta magaalada Buuhoodle waxaa lagu wargelinayaa in ay ka soo qayb galaan xafladaasi oo lagu soo bandhigi doono waxyaabo badan oo xasuus ah.

Share

Cali Khaliif Oo Raadinaaya Cid U Hargeysa U Sii Jiido

Waxaa magaalada widhwidh ku sugan Mr Galaydh oo isaga dhawaan laga soo eryey magaalada Buuhoodle, ka dib markii uu damcay inuu maleeshiyaad ka qorto, si ay markaasi ula shaqeeyaan maleeshiyaadka maamul beeleedka Somaliland oo iyagu ku taamaya inay gacanta ku dhigaan magaalada buuhoodle.

Share

Madaxweyne Trump oo beddelay agaasimihii madaxtooyada

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ayaa John Kelly, oo haatan ah madaxa Waaxda Ammaanka Gudaha, inuu noqdo agaasimaha madaxtooyada.

Share

Kaniisad 30-Sano Ka Dib Laga Furay Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamul beeleedka Somaliland ayaa 30-sano kadib waxaa laga furay Kaniisad ay ku cibaadeesan karaan dadka heysta Mad-habta Katooliga, waxaana in kaniisadan in la furo ogolaaday Xukuumad ku sheega Soomaaliland, oo iyagu horay u cadeeyey Ictiraafka inay meel walba u geli doonaan.

Share

Yuusuf Garaad Oo Ku Sii Jeeda India

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa toddobaadka soo socda booqasho ku tegi doona dalka Hindiya, sida ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Hindiya.

Share

Xaalkii Galaydh Oo Ku Ururay Colaad Sokeeye Iyo In Cadow Laga Farxiyo

Wax cad bay ahayd dibindaabyada uu Mr Galaydh ka dhex waday deegaanada SSC in badan baanuu ku goolaaftamay in uu maamul beeleedka Somaliland wada hadal uu la geli doono, wada hadalkaasina wuxuu noqday mid isugu soo biyo shubtay inuu isu dhiibo maamulkaasi somalidiidka ah.

Share

Ra’iisal wasaarihii PakistanNawaz Shariif oo xilka iska casilay

Ra’iisalwsaaraha dalka pakistan, Nawaz Shariif ayaa xilka iska casilay ka dib markii maxkmadda ugu sarreysa dalkaasi ay go’aamisay inuusan u qalmin sii haynta xilkaasi.

Share

Bar tilmaameedku waa Buuhoodle

Waar ileen sagaaro ima barato ayey ahayd halhays hore u baxay, taas waxaa ku sifoobay qoris mariskan maalinba shaadh cusub inoo soo xidhanaya iyo shacabkan ilowshaha dhow ee marba si fudud u rumaysanaya. Halkan Ka Daawo Wasiir Keyse hore ayuu dhulbahante iyo Khaatumo u wanjalay, iskuna dhiibay maamulka SNM, maantana wuxuu ku magacaaban yahay wasiirka […]

Share

Dagaal Rasaas culus la isku ridayo oo ka socda Muqdisho

Dagaal ayaa haatan la sheegayaa in uu ka socdo qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir,kaas oo u dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta amniga Muqdisho iyo Maleeshiyaad hubeysan.

Share

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Fransiiska usoo magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Mudane Antoine Sivan. 

Share

UK oo 2040-ka laga mamnuucayo gawaarida cusub ee ku shaqeeya shidaalka

Dowladda Britain ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo qorshe dalka looga mamnuucayo gawaarida cusub ee ku shaqeeya baasiinka iyo naaftada laga billaabo sanadka 2040-ka, waxaana arintan ay qayb ka tahay dedaalada lagula tacaalayo wasakheynta hawada.

Share

Halkee Bay Ku Dambeeeyeen Kooxdii Fashilantay Mr Galaydh?!

Waxaan ogsoonahay inay fashilmeen kooxdii Mr Galaydh ee iyagu had iyo jeer shacabka beenta ku maaweelin jirey, balse maanta dad badani waxay isweydiinayaan halkee bay ku dambeeyeen?!!

Share

Madaxweynaha Jabouti oo ku qoslay in doorashooyinku SNM aqoonsi ku helaan – Video

Waraysi kooban oo uu bixiyay madaxweynaha Jabuuti mudane Geele ayaa waxaa aad uga qoslisay in Somaliland aqoonsi ku helayso haddii ay doorashooyin qabtaan. Halkan Ka Daawo Madaxweynuhu wuxuu Somaliland kula taliyay in caqligu shaqeeyo oo ay kusoo noqdaan xayn daabkii Soomaaliya. www.ruugcadaa.com

Share

Wasiir Somaliland ah oo u hanjabay isimada Dhulbahante – Video

Shirkii Buuhoodle ee ay ku baaqeen isimada dhulbahante ayaa waxaa hanjabaad Hargeysa uga soo diray nin maamul beeleedka isaaq ugu magacaaban wasiir isaga oo ku goodiyay in Buuhoodle tahay qayb ka mid ah Somaliland isla markaasna aan lagu qaban karin shir Xamar laga soo qorsheeyay isaga oo isimada dhulbahante la hadlaya. Halkan Ka Daawo Dhiirashada […]

Share

Qarax dhaawac iyo dhimasho gaystay oo ka dhacay Adhicadeeye – Video

Qarax xoogan oo ay ku dhaawacmeen 18 qof iyo hal qof oo dhimasho ah ayaa ka adhicadeeye ee gobolka Sool. Khasaarahan ayaa loo aanaynayaa walxaha qarxa oo in mudo ahba ku aasnaa aagaas. Halkan Ka Daawo Dadka ay dhibaatadu kasoo gaadhay ayaa waxaa ka mid ah, hal qoys oo shan ka mid ahi ku wax […]

Share

Kooxdii Mr Galaydh Oo Kaadhadhkii Qaadatay

Wararka aanu ka helayno degmada widhwidh oo fadhiisin u noqotey kooxdii Mr Galaydh ee fashilantay durba waxay qaateen Kaadhadhkii doorashooyin ku sheega maamul beeleedka Somaliland. 

Share

Sudhayo Oo Codsaday In Barlamaanka Khaatumo Soo Xaadiraan!

Ninka ugu  magacaaban gudoomiyaha Barlamaanka Khaatumo oo lagu naa nayso Sudhayo oo ahaa koortii Mr Galaydh ayaa codsaday in ka soo xaadiro.

Share

Xog Ku Saabsan Kulamada Muqdisho

Sida aanu wararka Xamar ku helayno waxay tibaaxayaan dhakhso waxaa Garoonka caalamiga ah ee buuhoodle ka soo deegayaa isimadii iyo siyaasiyiinta reer SSC, waxaana lagu qaban doona shirweyne loo ballansan yahay.

Share

Taageerayaasha Somaliland ee Birmingham (KDO) oo ka hor yimi shirkii Xamar 

Koox aad u tiro yar kuna maxaafsata magaca KDO ama jaaliyada Khaatumo balse ah xubno u ololeeya sidii Khaatumo loo hoos-gayn lahaa SNM ayaa shir ay isugu yimaadeen ku sheegay inay kasoo horjeedeen go’aankii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee kulmiyay isimo, xukuumad, xildhibaano iyo aqoonyahanka heer Khaatumo iyo federalba oo ku salaysan aayo ka tashi, […]

Share

Ra’isal wasaaraha Canada oo ilmo yar oo loogu magac daray qaabilay

Ra’isal wasaaraha Canada, ayaa la kulmay wiilkii yaraa ee loogu magac daray ee Justin Trudeau, oo ay dhaleen qoys qaxooti Suuriyaan ah, waxaanay ugu magac dareen si ay ugu mahad celiyaan siyaasigaa dalkiisu magangelyada siiyey.

Share

Dad Muslimiin Ah Oo Aysiidh Lagu Weeraray Magaalada London-VIDEO+Sawiro

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada London ka dhacay dhowr weerar oo loo adeegsaday aashito “Acid” dadka wajiga looga shubayo, iyadoo falkaani ay geysanayeen dhalinyaro yar yar oo qaarkood ku socday mootooyin.

Share

Qodobo kasoo baxay shirkii Muqdisho – Video

Shirkan oo ay isugu yimaadeen isimo, goloyaasha Khaatumo, xildhibaano federaalka ah, aqoonyahano iyo qaybaha kala gadisan ee bulsho waynta reer Khaatumo ayaa waxaa si buuxda loogu taageeray shirka ay ku baaqeen isimada dhulbahante ee aayo ka talinta laguna balansan yahay inuu ka dhaco Buuhoodle. Halkan Ka Daawo Qodobadan ayaa ah kuwo ay ka naxeen cadowga […]

Share

Galaydh Oo Dhuumasho Ku Soo Galay Buuhoodle Iyo Barnaamij Laga Diyaariyey- VIDEO

Waxaa barqanimadii shalayto magaalada Buuhoodle gaadhi Nooha ah ku soo galay madaxweynihii hore ee Khaatumo Mr Galaydh, oo aan weli gaadhin muraadkii uu u socday oo ahaa inuu isku dhufto shacabka reer Buuhoodle ee isku duuban, waxaana ka go’an sidii gobolkaasi uu hadyad ahaan u siin lahaa maamul beeleedka Somaliland.

Share

Raul Castro oo dhaliilay siyaasadda Trump ee Cuba

Madaxweynaha Cuba, Raul Castro, ayaa markii ugu horaysay si shaac baxsan u dhaliilay siyaasadda uu madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, wax kaga bedelayo xiriirka ay dhawaan labada dal dib usoo ceshadeen.

Share
Powered by WordPress